WAAN YAABBANAHAY WALLEE! Q1aad W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

abu

WAAN YAABBANAHAY WALLEE! Q1aad

Dunida oo dhan qaabka ay u taala dhaqankeeda iyo abuuristeeda ayaaba yaab ka sameysan, la yaabka maanta aan la soo hortistaagay hortiina ma ahan mid ku saabsan qaab dhsmeedka ama abuurista dunida ee waa mid ku saleysan waxa aan caqliga galayn misana laga dhigayo wax caqliga galayo.

Qaab u hadalka dadka mararka qaar marka aad u fiirsato waxaaba is leedahay qof hadlaya miyuusan fayoobayn, misana waxaa calaamatu su’aal isii galsha kuwa dhageysanaya qofkaas aan fayoobida lagu tilmaamin ee warkiisa baahinaya misana dad kale usii sheegaya.

Kala duwanaanta xaga dareenka iyo fakarka mar walba waa lagu kala duwan yahay oo taas ma ahan mid aan hadda muran galinayo, waana laga yaabaa waxyaabaha la yaabka igu abuuray in aysan idinku la yaab idiin ahaynoo, ay idiin tahay Akhbaar aad dhageysateen ama mawaadiic markaa loo baahnaa oo waxtar Bulsho idiinla ekaan karay.

Qormada aan ugu magac daray waan yaabanahay waxey inoo noqon doontaa qormooyin taxana ah oo qayb qayb aan usoo gudbin doono aniga oo markaa qormo walba ku cabiraya xaqiiqda taagan ee markaa la doonayo in bulshada loo iftiinsho.

Fakar ahaan qormada kama tarjumayso fakarka guud ee bulshada ee waa mid ka tarjumaysa dareen shaqsiyadeed oo ah dareenka Qoraha Qormada, maadaama aan bulshada ka mid ahay balse aan isku xilsaaray in aan qalinka qaato oo markaa aan ku iftiinsho halka aan is leeyahay in wax laga arko ayey ku haboontahay.

Maanta waxaan jeclaystay ilaa lix qodob oo aan la yaabay idinkana aad igula yaabi doontaan haddaad wax ka aragtaan halka aan ka arkay ayaan jeclaystay in aan idinkugu daah furo qormadan taxanaha noqon doonta, laakin waa laga yaabaa in halka aan wax ka arkay eydaan wax Karin, la yaabka aan sheegayana aadan ila fahmin, taase idinkuma dhalaeeceyanayo mana idinku colaadinay in aad wax ila fahmi weyseen darteed, waana soo dhaweynayaa fakarkiina iyo wax sheegiina intaba ha noqdo dhanka dhaleeceynta iyo dhanka soo dhawyentaba.

Waan yaabbanahay.

1 waxaan la yaabay saaka mar aan idicaacadda dhageysanayey shaashaddana aan ka daawadey shir ka dhacayey Jasiiradda Malta ee looga hadlayey Ariimaha Tahriibka ayaan waxaa ka maqalay in Midowga Yurub uu ku yaboohay lacag gaareysa 1.8 billion Euro.

Lacagtaas oo wax looga qabanayo sidii loola tacaali lahaa dadka tahriibka soo aadaya waxna loogu qaban lahaa dadkaas oo loogu dhiiri galin lahaa in aysan soo tahriibin, waxa marka la yaabka igu noqoday ayaa ahayd in lacagta loo dhiibayo hogaamada Waddamada Africa laguna yiri kula tacaala qoloooyinka wax tahriibsha, dadka soo tahriibayana wax ugu qabta lacagtaas.

Soo la yaab ma ahan marka in hogaanka Africa oo awalba tabar u waayey ama sababay in dadkooda Badaha ku daataan ama ay u cararaan Waddamada Galbeedka, in isla iyagii la leeyahay hooda lacagtan oo wax ka qabta dhibka jiri.

So la yaab maahan in qofka dhibka uu quseeya ee ah dadka nolol doonka ah aan lacagtaas la siin oo dadkii soo bara kacshay ee ku kallifay in ay soo biimeeyaaan naftooda isla dadkaa la leeyahay wey idin caawinayaan, warkaas war caqligiin gali kara ma yahay aqristayaal, waasa mid ka mid ah sababaha aan la yaabay, waxaase la yaab igu sii abuuray kuwa warkaas ka ganacsadey baahintiisa ee luuqadaha kala duwan inta ku tarjumay kusii baahinaya Dunida.

Waan yaabbanahay!

2 haweynayda madaxda ah Midowga Africa oo hadleysey ayaa tiri “midowga yurub waxaan ka codsanaynaa in ay fududeeyaan tahriibka sharciga ah” oo tahriib sharci ah miyaa jira? Eryaga tahriibse ma yahay erey tilmaamaya wax sharciyeesan ama xitaa u eg sharci.

La yaabka ayaa igu noqoday iyada oo shirka u dhaxeeyo labada midow ee Africa iyo Yurub loogana hadlayey tahriibka sharci darrada ah in haweynayda u madaxda ah midowga Africa ay dalbato tahriib sharci ah, oo shirku muxuu ku saabsanaa ma ka hortaga dhibaatada tahriibkaa mise in la sharciyeeyo tahriibka?

Waxaa meeshaa iigu sii yaab badnaa kadib markii ay labada midow ee Africa iyo yurub ay is dhaafsadeen laba codsi oo kala ahaa in midowga Africa ay codsadeen in yurub ay fududeyso tahriibka sharciga ah oo aan ilaa hadda fahmi waaeyey waxa ay ula jeedday haweeyneydaas, iyo midowga yurub oo isna ka codsaday Africa in ay ka caawiyaan sidii  loo istaajin lahaa dadkan Africa kasoo qul qulayaa, lacag laba bilyan ku dhawna ay ku yabooheen, soo la yaab ma ahan aqristayaal arrrintaasna!

Waan yaabbanahay!

3 Ciidamada Kenya ayaal lagu eedeeyey in ay  ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darrada ah ee sokorta loo soo gudbiyo Dalka Kenya iyo dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo, waxa iigu yaabka badan ayaa ahaa kadib markii uu afhayeenka ciidamada Kenya uu sheegey in warkaas uusan waxba ka jirin Kenya kaliyana aysan joogin kismaayo ee ay joogaan ciidamada Nigeria iyo Sierra Leone,oo ma joogaan Ciidamaas la sheegayo ee uu kusoo hal qabsaday sarkaalkaas?

Qoloda eedeyntaas u jeedisay ciidamada Kenya ayaa ahayd qolo u dhaq dhaqaada sida ay sheegeen Xuquuqda Aadanaha oo Kenya ka diiwaan gashan, waxaan la yaabay marka dadka dhibkaas dalkooda laga sheegayo  ma aysan hadlin xitaa maamulka ka dhisan kismaayo wax war ah kama soo bixin, balse taas la yaabkeyga ma ahayn ee waxaan la yaabay, sababta loo sheegayo iyo cidda loo sheegayo waxa ay Kenya soomaaliya ka hayso, iyada oo la wada ogyahay ujeeddada ay u timid Soomaaliya iyo qaabka ay kusoo gashayba oo ugu weynayd in dhaqaalaha magaaladaas ee dhuxul dhoofinta ay kala wareegaan Alshabaab.

Waan yaabbanahay!

4 waxaan labada maamlmood maqlayey in Kenya ay Godod ka qodday meel aan ahayn xudduudka loo aqoonsanaa oo ay kusoo xad gudubtay dhulka Soomaalida, magaalada Buulo xaawo gudaheedana ay soo gashey, oo darbiga ay dhiseysana ay ka dhiseyso gudaha soomaaliya, iyada oo wararka qaar ay leeyihiin waxey is waafajinaysaa Xuduudka Baddda ay hadda sheeganayso iyo Dhulka.

La yaabkeyga ayaa ah marka, maxey dowladda Soomaaliya uga aamusantahay arrinkaa? miyeysan dalku iyada lahayn? Magaca Dowladda ay ku magacaabantahayna uusan ahayn dalka lagu xad gudbayo Bad iyo Barriba!

Waan yaabanahay!

5 waxaan la yaabanahay waxaan ogaa sanadkii 2006 dii iyada oo la tuugsanayey ciidamo soomaaliya loo diro oo 8000 ah (sidded kun) Waddan soo gudbiyo ciidamadaasna la waayey, goob joog ayaan u ahaa arrintaa, maantana waxaan goob joog u noqday in Magaalada Kismaayo oo kaliya loo diyaarshay Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray 4000 (afar kun),  la yaabkeyga ayaa ah maxaa is baddalay? waa maxayse sababta awal loo waayey sidded kun ee hadda loogu helay afar kun hal magaalo oo kaliya, iyada uu xaaalku hadda marka lala barbar dhigo xaalkii horey aysan isku mid ahayn.

La yaabka kale ee aan la yuuraro ayaa ah sababta loo heli waayey ciidamo u dhashay Waddanka ama gobolkaas ee gaaray caddadkaas?  kuwaas oo ka qarash yar kana taya wacan kuwa la keenayo ee dariska ah, Timir laf ayaa ku jirta ayaan maqli jiray, waa waxa aan la yaabanahay idinkana bal igula yaaba.

Waan yaabbanahay!

6 safarada madaxda dalkeena ayaan la yaabay maalin walba waa ey baxaan oo qarash ayey diyaarada ku raacaan wax macna leh oo la sheego safaradooda kama soo baxan aan ka ahayn in ay shir hebel ka qayb galayn, oo dowladnimadu ma In diyaarad la raacaa oo shirar hebel laga soo qayb galaa ?

Waa waxa iga yaabshay in maanta ay dalka ka wada maqan yihin madaxweynihiin iyo Raisul waasirihii Waddanka mid walbana uu shir u jiro meelo kale, waxaaba is waydiiyaa mararka qaar Dowladnimada aan sheeganayno in aan u fahanay dalxiiska iyo deeqaha shaqsiyadeed ee lasoo helo.

Xaqiiqdii marka aad si hoose u eegtid ma ahan madaxdeena kuwa xisaabtamaya oo ogaal u leh waxa ay yihiin iyo waxa ay ku magacaaban yihiin, waa mid ka mid ah nasiib xumada shacabkeena ku habsatay.

Waan yaabanahay waxaan la yaabanahay dalkeena oo xitaa ciidamadiisa mushaarkooda ay baxshaan Dad kale in madaxdiisa ay dibadaha wareegaan oo usbuuciiba la galo dhowr safar xisaabtaas halka ay iska qabanayso ayaa la yaabanahay!

Nin gurgiisa ay gaajo ka jirto oo ilmihiisa wax ay xirtaan iyo wax ay cunaan aanba haysan, hadana usbuuc walba dhowr safar diyaarado ku raacaya, ninkaas miyuusan mudnayn in la weydiiyo halka uu ka keenay lacagta uu diyaaradaha ku raacayo, iyo sababta ay qoyskiisa gaajada ugu baqtinayaan?

Mararka qaar waxaaba is dhahaa dowladnimadeena maanta waa dalaalnimada dalkeena iyo dalkeena sidii aan u beecin lahayn, Diyaaradaha waxa aan u raaceyno, dadkeenana gaajada ugu baaba’eena ay tahay daba tirka dalkan aan ku abtirsano.

Runtii la yaabkeyga ma yara oo sakan walba iyo saacad walba ayaan yaabanahay, hadana waxaan is dhahayey intii mudda ahayd la yaabkaaga kaligaa ha kugu ekaado maadaama dareenka danqashada badan uu xagaaga ku badan yahay, balse gubashada dareenkaas uu I gubayo ayaa igu kalliftay in hadda wixii ka dambeeya aanan kaligey yaabinee waxa aan ku yaabay aan idiin soo gudbiyo idinkuna aad ila yaabtaanee.

La soco qaybta 2aad

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor 

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN