WAAN YAABBANAHAY WALLEE! Q3AAD W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

abu

 

WAAN YAABANAHAY WALLEE!!!!!!!

Qaybta 3aad

 

Waan yaabanahay!

Kusoo dhawaada qaybtii saddexaad ee aan uga tala galay Taxanaha xaaladaha taagan ee markaa aan uga hadlayo maqaalkan qaybaha kala gadisan leh ee la magac baxay waan yaabanahay wallee, waa  maqaal aan jeclaystay in ciwaankiisu uu sidaa kusii socdo maadaama waxa aan  ka hadlayo ay yihin xaaladaha la yaabka leh ee taagan, Waqti walbana dhacaya.

Mar dheer ma ahayn markii uu Baarlamaanka Soomaaliya isku raacay in Joogista Ciidamada Kenya ee Soomaaliya aysan wax maslaxad ah ugu jirin dadka soomaaliyeed baaqna ay ka soo saareen in laga saaro ciidankaas Ciidda Soomaaliya.

Si aqlabiyad ku jirto ayey ugu wada codeeyeen in ciidaankaas ay ka baxaan dalka Soomaaliya, maadaama musuq maasuq iyo dhinac xigsasho lagu eedeeyey, ayey shalay oo taariikhdu ku beegnayd 17/11/15 Xoghayaha Gaashaandhiga kenay haweenayda lagu magacaabo Raychelle Omamo ay sheegtay in Ciidamada Kenya ay Amisom ka mid yihiin kana mid ahaan doonaan inta mishinka Soomaaliya ee midowga Africa uu soo dhamaanayo.

Waxey hadalkeeda ku dartay in baaqa baarlamaanka soomaliya uusan si gaar ah u saamayn Karin ciidamada Kenya, kenayan ay ka mid tahay dowladaha doonaya xasilinta soomaaliya lana diriraya kooxda alshabaab, kenyana ay ciidamadeeda kala bixi doonto soomaaliya marka ay u aragto in ay dhamaatay howsha ay u timid Soomaaliya.

Waxaan la yaabanahay dowladda soomaaliya haddii ay dhahday ama u aragtay in ciidamada dowlad ka mid ah dowladaha Amisom ka midka ah ay Qatar galinayaan wada jirka midnimada dalka ama ay u arkaan in ciidamadaas falal aan sharciyeeysnayn ay dalka ka suubinayaan miyaanay xaq u lahayn in ay dalbadaan In ciiadamadaas laga saaro dalkeeda.

In Kenya ay sidaa ula hadasho dowladda soomaaliya miyaanay muujinayn in Kenya ay wadato hadafkeeda gaarka ah misan ay isticmaalayso awooddeeda gaarka ah oo ay ku fushanayso danaheeda gaarka ah iyada oo aan wax ixtiraam ah siinayn dowladda Soomaliya.

Qaab u dhaqanka xun ee Kenya ay ula dhaqanto dowladda soomaaliya ma ahan wax cusub oo hadda bilow a,h dhowr jeer ayey si xun dowladda ugula dhaqantay dalkeeda iyo magaalada kismaayo oo dhowr jeer laga celshay mas’uuliyiin dowladda ah xilligii ay qabsanayeen magaalada kismaayo maamulka ay iyada taageertaana uu ku cusbaa halkaa.

Keyna falalkeeda mar iyo labo ka badan ayey ku muujisay in aysan u aqoonsanayn dowladda sida dowlad mas’uul ka ah Gayyiga Soomaaliya, la yaabka ayaasa wuxuu yahay waqtiga ay dowladda soomaaliya awooddeeda dowladnimo muujin doonto oo Kenya ay dareensiin doonto in codkeeda u yahay cod saamayn kara falalka guracan ee Kenya.

 

 

Waan yaabanahay!

Madaxweynaha Ruushka ayaa shalay sheegay in ilaa 40 Dal oo qaarkood ay ka tirsan yihiin G20 in ay ku lug leeyihin taageeridda Ururuka Isil ee ka dagaalama dalal dhowr ah oo dunida muslimka ah kaas oo sheegtay weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Paris France.

La yaabkayga ayaa wuxuu noqday in Galbeedku maadaama ay ayagu taageerayaan kooxdaas lacag badana ay ku baxshaan sida la sheegay jiritaankeeda iyo gacansiinta falalka ay geysato in misan ay maalin walba la qaylinayaan in ay la dagaalamayaa oo goobaha ay joogaan ay  ku weeraraan diyaaradahooda dagaalka.

Soo la yaab ma ahan koox aad adiga sameysay, dhanka maaliyadda iyo hubkana aad ka taageertay in aad misana isla adiga weerartid oo in ay cadowgaada tahay aad caalamka u sheegto subax walba ama waqti walb.

Waan yaabanahay!

Argagixiso mar walba waa erayga uu caalmaka oo dhan u adeegsado qolada kasoo horjeedda hadafkooda, marka aan leeyahay caalamka si guud ayaan u hadlayaa, oo eragyaas kor ku xusan waa eray loo adeegsado qolo walba oo mucaarad ah ku ah dowladda ka jirta halka laga adeegsado.

Eraygaas waa eray bixin aad looga fakaray, mar walba oo aad maqasho waxaa kuu sawirmaya kooxaha islaamiyiinta ee sheegta in ay jihaad ku jiraan, marnaba ma arkaysid eraygaas oo loo adeegsanayo arrimo kale oo dhaca, sida wiilkii mareekanka ahaa ee kaniisadda ku laayaya 9 ka qof ee modowga mareekanka ahaa looma adeegsan agagixiso.

Hadaba waxaan la yaabay agagixisada la sheego maadama dadka lagu sheego ay u nasab sheegtaan Muslimka, soo muslimka si dadban looma oran waa argagixso? maxaa diidaya in loo raadsho qolyahaas dagaalamaya ee jihaadka in ay ku jiraan sheegaya eray kale oo ayaga ku qaas ah, maadaama muslinimada ama islaanimada ay tahay Iimaan mideeya inta rumaysan Diinta islaamka isla markaana mar walba la dhaho islaamku waa Nabad, waxaan la yaabay sida ay isku qabanayso argagixiso oo islaamka oo kaliya loo isticmaalo, iyo in la dhaho islaamku argagixiso maahan, soo ma haboonayn in la kala qeexo qolyaha falaka argagixiso lagu sheegay iyo qolyaha ku iimaanka ah, balse aan la wadaagin hadafkooda jihaadiga ah.

Waan yaabanahay!

Paris maxay uga duwantahay magaalooyinka kale ee Caalamka qaasatan kuweena soomaaliyeed iyo kuwa islaamka sida Siiriya, Lubanaan, Ciraaq, Nigeria iyo dhamaan Waddamada kale ee aan galbeedka ahayn.

Waxaan arkay qof walba oo soo xirtay Calanka faransiiska, Baroordiiq lagu samaynayo magaalo walba oo caalamka ka tirsan, tacsiyeen aan dhamaad lahayn oo iska soo daba dhacayso, ka hadal badan oo laga hadlayo wixii farance ka dhacay.

La yaabkayga ayaa wuxuu yahay miyaany falalkaas ahayn kuwa inaga maalin walba nagu dhaca? maxaa loo waayay dad inaga sidaas oo kale noogu damqada? maxaasa keenay sababta in dadkeena in ay muujin waayaan  muragad ay u muujiyeen france mid la mid ah, waan yaabanahay wallee!!!!!  oo ma dadka ayaa kala fadli badan?

Haddiiba dad loo naxaa ay jiraan dadkayga cid uga xaq badan ma jirto, Calan la huwadana kana an u dhashay mid aan ka huwan lahaa ma jirto, layaabku waa ha socdo, insha allah qaybaha kalana waxaan kusoo qaadan doonaan wixii la yaab kal ah oo iga yaabsha.

Waan ogahay in uusan joogsan doonin la yaabka maxaa yeelay maah maahyo Carbeed ayaa ahayd “noolow Rajab waxaad arkaysaa wax kaa yaabsha” waxaa la mid ahaa maahmaahyo kale oo soomaaliyeed oo ahayd “ cimrigaaga oo raago Geel dhalaya ayuu ku tusaa” taas oo la macna ah noloshaada maalin walba wax kaa yaabsha ayaad arkaysaa.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN