Waaya araggu, waa kuma? W/Q: Cali Maxamad Maxamuud

 

qormo

Waaya araggu, waa kuma?

 

Adduunyadan aan ku nool nahay, waxaa lagu kala hormaraa hadba sidii qofka, qoyska, qowmiyadda ama Qaranka ey u fekeraan. Haddaba, dadka inuu fekero, oo uu fekerkiisa ka miradhaliyowaxey u baahantahay, oo mar walbo lagama maarmaan u ah cilmi iyo aqoon, haba lagu kala duwanaado luqadda, midabka iyo diintaba e.
Mar kasta Aadanuhu wuxuu isku qilaafsaneyn in wax la barto, nolosha iney muhiim u tahay iyadoo ay taasi jirto ayey haddane, cilmiyadu u kala duwanyihiin sida; afafka, midabbada, diimmaha iyo degaannaduba u kala duwan yihiin iyo waqtiga oo asne saameyntiisa leh, jiil walbana wuxuu la jaan qaadaa hadba xiisaha nololeed ee markaa loo hamuunqabo inuu ku saleeyo hadafkiisa aqooneed.
Haddaba, aqriste, cilmayadaa kala duwan, ee Aadanuhu uusan ka maarmin, waxaa ka mid ah: Magac tilmaameedkan sharafta badan ee ah WAAYA ARAG, misne, aan lagu gaarin shahaado laga qaatay cilmi diineed iyo mid adduunyo kaligood e lagaga qalin jabiyo meelo kala duwan, oo aan ku soo koobi karo waaya aragnimo waxaa laga dhaxlaa oo lagu gaaraa meertadaada nololeed, ood diiwaangaliso dadkana aad uga faa’iideyso, waayoo, noloshu mar walbo waxey isla garabtaagan tahay dhib iyo dheef, mid kastaana waa muhiim faa’iido u leh timaaddada.

Aqriste, waan dareemi karaaa inaad is weydiineyso dheefta la gaaray, ee sidey dhibta faa’iido ugu leedahay? Meel fogba anigoon kula aadin, bal ka eeg xaggan aan ka eegay dhibta maanta ku soo martaa, waxey xal u tahay tan beritto kugu soo maqan, sidii aad uga gaashaaman laheyd inaaney kugu soo noqon, haddii ey soo noqotana xallinteedu wey kaaga sahlantahay tii hore, waayoo, waxaad heysataa waaya aragnimadii aad ka dhaxashay wixii hore kuu soo maray iyo xalkii aad u heshay, ogoowne waaya aragnimada waa cilmiga kaliya ee ruuxii ku go’aanqaataa uu inta badan ku guuleysto, waana halbeegga ugu sarreeyo een marnaba lagu hungoobin howshii loo cuskado in lagu miisaamo, sidaa darted, waaya aragnimadu waa mid ka mida xalalka cilmiyeed, ee Aadanuhu ey heleen kuwa ugu muhiimsan, oo anfacayo jiil kasto ee adduunkan soo maro, haddii loo xafido sida ey tahay, haddiise, laga been sheego ama la marin habaabiyaanna waa seef laba af leh, oo waxaa la ka iman karo khatar miisaankeeda leh.

Haddaba, umaddeenna Soomaaliyeed, ee tiiha iyo wareerka la daalaa dhaceysaa ma ogyihiin halbeeggan cilmiyeed iney hodan ka yihiin, waayoo, waxey soo mareen labada daraf, ee nolosha Aadanaha u kala baxdo, oo ah
ba’ iyo baraare labadaba.

Haddaan ku tusaaleeyo waqtiyadii baraaraha u ekaa ey umaddan soo martay waxaa ka mid ah xilliyadii xornimada laga soo billaabo ilaa burburkii Kacaanka ooy wax badan oo la xusi karo u qabsoomeen umadda dhaliillaba ha jireene. Sidoo kale, dhallinyaradii gobannimadoonka, oo lagu xasuusto sidii ey go’aammo qaarkood riyo u ekaa ey uga dhabeeyeen.

Dhanka kale, jababkii umaddeed ee nagu dhacay waxey la koowsadeen curashadeennii ummadeed ilaa maantadan aan joognana wey taagan yihiin
haddii aan ka tilmaamo hal iyo labana, waxaan soo qaadan karnaa qabyaaladda faceen inaga reebtay oon isugu sheekeynnay inaanu isku miisaanno kuna burburinno sharafteennii qarameed, een sida dhibka leh ku gaarnay.

Mar labaadne aan dib ugu dhaadhacno dhiiqadii hadafka qabiileysan ee dadkeennu adduun iyo aakhiraba ku khasaareen, welina aan si meehannaaw ah aan ugu gaaf wareegeynno anagoo iska indha tireynno albaabkii looga bixi lahaa kuleylkan saameyntiisa cid walbo uu qolkiisa ugu galay, min dal ilaa dibad, lana dooneeyn in xalka laga eego halka uu yahay, taasoo aan ku tilmaami karo waxaa sabab u ah waaya aragnimadii oo aan loo xafidin habkii loo baahnaa la isna moodsiiyay in looga gudbi karo nin jecleysi iyo nolol khiyaali ah.

Aqriste, bal igula miisaan halbeeggeenna waaya aragnimo
waqtigii aan ula baxnay beri samaadkii, laakiin, dadkii xilligaa noolaa aan u muuqan, sow ma haleeli karno dhibtu dariiqa ey noogu timid, xalkuse sow ma sahlanaado mar kastood ogaato dhibtaadu waxa ey tahay? Waxaan filayaa jawaabtu waa; haa.

Si la mida jaha wareerka nololeed, ee dadkeenna haleelay iyo waxa ka lumiyay baraarihii iyo halkii ugu danbeysay eennu uga huleelnay, haddaan helno sow inooma sahlanaateen intoon raad gurno inaanu dib ciidda uga jafanno oon halkiisii ka sii naaxnaaxinno anagoon ka tagin tala saarashadda EEBBE iyo inuu nala garabgalo
haleelidda baadideenna iyo xamdi naqa xal kastoon haleelno.

 

W/Q: Cali Maxamad Maxamuud

SHEEKOOYIN