WAAYIHII WARSAME Q8AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q8AAD

Galabta xaalkiisu caadi ma ahan, si ayaa uu u daallan yahay, waa uu welwelsan yahay oo niyaddiisu ma deggana, iskoolkii iyo wadaadkii Shiikh Cabdi ahaa ayaa maskaxdiisa ku dhexloollamaya.

Ku fakarka aadida iskoolku ma ahan wax ku cusub ee waayadaan oo dhan ba waxa uu ka masaraysanaa wiilal iyo gabdho asaaggiis ah oo xiran dharka  kala duwan ee dugsiyada, Hoose/dhexe iyo sare iyo buugag  sita oo uu waddooyinka magaalada ku arkayay.

Waxa kale ee sii dhiirrigaliyay XADIIS uu maalin dhawayd ku arkay kitaab uu isha mariyay ee Suubbanihii Muxammad (scw) laga wariyay uu ku yiri “cilmiga u doonta xattaa dhulka Shiinaha.”

Halkaas waxa uga soo baxday in aadidda iskoolku aysan dambi ahayn inkasta oo aysan wali si wacan laabtiisa u degin oo wali ay laabtiis ka buuxaan digniintii iyo nacaybkii Shiikh Cabdi ee iskoollada ku aadaynayd.

Miiskiin Warsame waxa uusan ogayn in Shiikh Cabdi dantiisa kaliya ay tahay difaacashada boqortooyadiisa yartaa ee aan laga waayin hilibka, beerka iyo canjeelada, dharka iska imaanaya ayada oo aan shilin laga bixin loona baahnayn iyo wiilasha yaryar ee xerta ah ee sidii jaariyadihii ugu shaqeeya wixii uu doonana u dirsado asaga oo aan mushaar siin. Wadaadkaas wiilasha u rigaysan ee cilmiga ay ka bartaan yahay XADRADA wadaaddo dhintay iyo kuwa nool qaarkood lagu ammaanayo iyo dhowr kitaab oo axkaam ah oo minhaaj ugu wayn yahay, waxa ay aamminsan yihiin in wadaadku waalidkood uga xaq badan yahay oo haddii wadaadka iyo waalidka kala doorta la yiraahdo wadaadka ayay dooranayaan waayo waxa ay aamminsan yihiin in haddii aysan wadaadka dooran balaayo ku dhacayso.

Warsame raggaas ayaa uu ka mid yahay waxaadse mooddaa beryahaan in uu bilaabay in uu naftiisa jirrabo oo su’aalo badan iswaydiiyo. Inkasta oo uusan lahayn aqoon, bugaagta  fikirkana uusan waligiis akhrin, oo muxuu akhriyaa? Far Soomaaliga ba ma akhrin karee? Haddana xoogaagii uu mawlaca ka soo bartay ayaa saamayn wayn ku yeeshay, intii yarayd ayaq uu bilaabay in uu gedgeddiyo.

Tusaale: Islaamku waa uu diiday in qabuuraha dhismahooda kor loo qaado uu la naashnaasho haddana wadaaddadii Suufiyada ee uu qabriyadooda siyaarada ku tagay waa wada dhisan yihiin oo qurux badan yihiin qabriyadoodu! Sabab? Islaamku waxa uu faray in saddaqada laga bilaabo dariska haddana Shiikh Cabdi meel aad uga fog ayaa uu boqolaal neef  gawaari u saara kadib na halkaas asaga iyo wadaaddo saaxiibaddiis ah iyo xertoodu ku soo baduugaan? Sabab?

Islaamku waxa uu faray in gaarsiinta xaqa laga bilaabo qoyska haddana wadaaddada Warsame yaqaan inta badan xaasaskoodu ma tukadaan dariskuna kama nabad galo. Sidoo kale ilmaha wadaaddadu waxa ay ka mid yihiin kuwa ummaddu kax ka tiri ee boobka iyo dhaca magaalada ka wada. Sabab? Ayaa uu iswaydiiyay.

Warsame wayahaan ba sidaas ayuu u fakarayay balse galabta tan iskool aadidda ayaa ugu daran, waxa uu ka cabsanayaa in haddii uu iskoolka aado xerta laga eryo magaaladana magac xun loo galiyo oo nimankii bidcada ahaa lagu daro. Asaga qudhuusu ma jecla bidcada laakiin  in uu iskoolkooda aado waxaa ku dariqinaya xadiiskii Nabiga (scw) ee faraya in cilmiga loo doonto xatta Shiinaha.

Waxaa kale oo fakarkiisa dhanka waxbarashada iskoollada si wayn u saameeyay hees uu ka maqlay gabar daris la ahaan jirtay habaryartiis oo dhawr goor oo uu habaryar u yimid ayaa uu maqlay heesta dariska ka shidan.

Mararkii hore waa uu dhibsan jiray waayo heesaha dhagaysigooda waxa uu u yaqaannaa dambi wayn. Laakiin asaga oo dhibsanaya ayuu erayadeeda qaybo ka mid ah xifdiyay. Waa heestii Alle ha u raxmadee Maxamad Mooge Liibaan ee WAADIGA DUGSIYADA…

  • Waxaan ahay
  • waadiga dugsiyadaa
  • Waxaan ahay
  • Waanada macallinkaa
  • Waagii baryaba,
  • Ubax laga waraabshoo
  • Waxaan ku werweraynaa
  • Wadankiinna wax ubarta
  • Oo xanbaara waajibkiisa
  • Wahsanmaynno
  • Waabanmaynno
  • Warwareegimaynoo
  • Weecweecanmayno
  • Guul wacan
  • Nolol wanaagsan
  • Iyo barwaaqo
  • Haku waaro wadankeennu
  • Wadankeenu waa
  • Wadnihii jidhkeennee
  • Waraabinaayey dhiiggoo
  • Waan ku wardiyeynnaa.

Warsame asaga oo sariirtii dul filiqsan ayaa dariishadda oo u furnayd waxa uu ka maqlay jabaqda kaban iyo durbaan ku laran oo aas u macaan, inkasta oo uusan heesaha jeclayn dambina u yaqaan dhagaysigooda haddana galabta wax un baa ku leh dhagayso oo dhuux erayada macnohooda iyo ujeeddadooda .

Dhagta ayuu la raacay, ma yaqaan codku meesha uu ka imaanayo iyo cidda heesta dhagaysanaysa, aaggana ku ma uusan ogayn cid heeso dhagaysata oo dhawr sannadood oo uu qolkaan degganaa waligiis ma uusan maqal hees baxaysa.

Yeelkeeda si wacan ayuu dhagta ugu raariciyay meraheedana maskaxda ugu duubay. Waa hees ku saabsan muhiimadda waxbarashada, waxaa qaada Abwaankii waynaa ee Cabdi Muxumud Ammiin  miraheeda iyo laxanka iyo garaacistuba waa isla Cabdi Muxumud, asaguse ma yaqaan cid qaadda iyo goor la qaaday. Heesta magaceedu waa CILMI BARTAAY…

  • Aynnu cadowgeenna caabbinnee,
  • cilmi bartaay
  • Aynnu carradeenna cayminnee,
  •  cilmi bartaay
  • Aynnu dayaxa cid u dirnee,
  •  cilmi bartaay.
  • Aynnu cududeenna ciirsannee,
  • cilmi bartaay
  • Aynnu gumaysiga cayrinnee,
  • cilmi bartaay
  • Aynnu dayaxa cid u dirnee,
  • cilmi bartaay.

Daqiiqado kaddib heestii waa ay dhammaatay, waa uu jeclaaday in loogu soo celiyo mar labaad iyo mar saddexaad ma se oga ba halka ay ka daarnayd iyo cidda dhagaysanaysa. Tolow miyay ogayd cidda heesta shidday waxa laabta Warsame galabta gubaya iyo wax uu ka fakarayo? Ayaa uu is yiri. “War malaha shaydaan baa ii heesay.”

Carrada la cayminayo, gumaysiga la cayrinayo waxa u uu fahmay beesha dagaalka xuni ka dhexeeyo beesha uu asagu ka dhashay waayo cadowga uu maqlayay tan iyo markii uu caqliyaystay waa kaas. Soomaaliya iyo dal ahaanteeda waxa uu ka yaqaan inta uu ka maqlay odayaal ku fadhikudirira maqayaadda uu ka shaqeeyo iyo xoogaa uu BBCSOMALI ka maqlay.

Juquraafi ahaan iyo taariikhba Soomaaliya aqoon u ma leh waxa uu uga aqoon badan Jasiiradda Carabta. Yeelkeede  Heestaasi waxa ay sii kicisay hammigii Warsame uu waxbarashada u qabay waxa uu na goostay berri subax in uu iska soo qoro iskoolka ugu dhow.

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN