WAAYIHII WARSAME Q9AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q8AAD 

Waagu markii uu beryay oo salaaddii  subax la tukaday, Warsame ma uusan aadin mawlicii Shiikh Cabdi sidii caadada u ahayd, ee waxa uu tagay maqaayaddii oo uusan waqti dheer ammintaas oo kale tagin sababtu waa, waxa uu ogyahay in iskoolku uusan Mawlaca Shiikh Cabdi oo kale ahayn ee lacag la iska rabo sidaas darteed ayuu ugu soo jarmaaday maqaayadda. Waxa uu rabaaa in uu lacagta ka daynsado si ay ugu fududaato taasi, maadaama uusan waayahaan maqaayadda sidii hore u ahayn waa iska maslaxaad.

 Sacaaddu markii ay sagaalkii aroornimo ku istaagtay ayuu Warsame inta uu maqalhayahi maqaayadda ka amaahday lacag boqol kun oo shilin ah u dhaqaaqay iskool ku yaal meel aan sidaas uga dheerayn maqaayadda. Waa iskool gaar loo leeyahay (Private) oo lagu barto  afafka iyo xisaabaadka.

Dhismaha iskool waa fillo afar qol ah oo dayr meegaaran leh.  Qolalka waxaa yaal kuraas alwaax ka samaysan oo afar-afar iyo miiskooda isugu dhaggan. Waxaa maamule iyo macallinba ka ah Cabdiwaaxid Caddow oo dhawr iyo soddon jir ah inkasta oo labo macallin oo kale ayaguna wax ka dhigaan.

Maamule Cabdiwaaxid Caddow waa nin cas oo gaaban oo leh garwayn oo madow. Surweelka waa u gaabsan yahay oo anqowga korkiisa ayuu u joogaa, koofi yar oo cadna madaxa ayay u saaran tahay. Sidaas ayuu u labbistaa oo waa calaamad lagu garto firqo diimeedkiisa balse asagu waa nin reer magaal ganacsade ah oo wax walba waxa uu ka hormariyaa ganacsigiisa.  Xafiiska iskoolkaa laga maamulo ardayda cusubna lagu qaabilo asaga ayaa fariista oo ardayda qora marmarna wiil uu abti u yahay ayaa caawiya saaka se Cabdiwaaxid ayaa jooga oo Warsame qaabilaya.

Warsame xafiiskii ayuu galay. Salaan kaddib Cabdiwaaxid inta uu buug iyo qalin isa saaray ayuu waxa uu waydiiyay magiciisa iyo waxa uu rabo in uu barto? Asaguna si dhib yar ku yiri “adeer macagaygu waa Warsame Faarax Wacays,  Soomaaliga ayaan rabaa in aan barto ee meeqa ayaa bishii la iga rabaa?” Cabdiwaaxid: adeer lacag badan maahan, waxba lacag ha ka welwelin ee ma Soomaali kaliya ayaad rabtaa? Carabiga iyo Xisaabta ma baratay?

Warsame: maya, ma baran ee ma haysto lacag aan isaga bixiyo barashadooda, afkayga hooyo un baa ii daran, hadda asagaan baranayaa.

Cabdiwaaxid: adeer Warsame lacagtu dhib ma leh waan ka heshiinaynaaye ma rabtaa in aad baratid Carabiga iyo xisaabta oo ma ku qoraa? “Lacagta dhib ma leh” waa khiddad ardayda lagu soo xerogaliyo hadhowna intii la doono oo lacag ah ayaa laga qaadaa

Warsame: Adeer waan rabaa in aan barto laakiin waa haddii aan hubo in aan awoodo.

Cabdiwaaxid: Haye, halkii maaddo waa labaatan kun oo shilin bishii labo maaddo oo afartan ku ah ma iska bixin kartaa midka kale bilaash baan kugu baraynaaye?

Warsame: Haa adeer waan iska bixin karaa.

Cabdiwaaxid: Waligaa iskool ma dhigatay mise hadda ayaa kuugu horraysa?

Warsame: Saaka ayaa iskool gudihiisa aan galo iigu horraysa.

Cabdiwaaxid: Hagaag, ma galab baad dhiganaysaa mise subax?

Warsame: Subixii maqaayad ayaan ka shaqeeyaa ee galabkii igu qor.

Cabdiwaaxid: Haye, berri waa jimce waa fasax ee galabta sabtida imow oo casharrada toos u bilow.

Warsame: Mahadsanid macallin.

Cabdiwaaxid: Adigaa mudan.

Galabnimo sabti aha ayuu Warsame bilaabay in uu xaadirro iskoolkii. Saddex maaddo Soomaali, Carabi iyo xisaab ayuu galab walba soo qaata. Maalmihii hore waxa uu dhib kala kulmay sida qalinka loo qabto laakiin dib wuu kala qabsaday fartiisu haba iska foolxumaatee si wacan ayuu uga soo dhalaalay hawlguriyaddii.

Dhanka kale Shiikh Cabdi galabtii koowaadba inkasta oo xertu tirabadan tahay haddana waa uu dareemay in uu Warsame safafka xadrada iyo kitaab raacashada ka maqan yahay, markaas ayuu soo xasuustay in uu shalay galabna mawlaca iriddiisa ka noqday.

Shiikh Cabdi dareen ayaa galay, shalay galab qaabkii uu Warsame dib ugu noqday u lana hadlay iyo maqnaashihiisa galabta waxa ay uu suuraysay waxa uu waligiis ka feejignaa, in nin xerta ka mid ahi ka xarig furto, ma ahan wax Shiikh Cabdi jecel yahay haddii hal wiil oo xerta ahi ka tago waxa uu dareemaa khatar ku soo fool leh boqortooyadiisa yartaa ee aadka isugu dubbaridan.

Isla markiiba labo wiil ayuu u diray in ay soo raadiyaan Warsame. Wiilashii maqayaaddii iyo qolkii uu degganaa ayay sii istaageen ka ma se soo helin oo xilliga ay tageen Warsame fasalka ayuu ku jiray. Habeenkii ayay ku soo noqdeen oo ugu yimaadeen asaga oo qolkii ku akhrisanayaa casharradii uu iskoolka ka soo qaatay. Labada wiil waa Cumar iyo Ciise oo ka mid ah kuwa Shiikh Cabdi ugu kalsoon yahay xertiisa.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN