WACYIGELIN! W/D: Cabdulle Cabdi Kariim Jallaato

WACYIGELIN!

Dhallinyarada iyo dhibka heysta kan wax bartay oo jaamiciga ah iyo kan geela la joogo isku si ayey u fakaraan, maxaa yaab is daba yaal. Kol haddii aqoonta aad baratay waxba ay kuu soo kordhineyn walbo iska aamus, waxaaba ugu sii daran kuwa qurbaha wax ku bartay oo nala wadaagay qalin jabintoodii waxaan aad ula yaabaa laameerkooda. Abshir Bacadle AUN waxa uu yiri: “Inaad magac baddalataa cadaab looga bixi maayo, haddii waxaad baratay aysan jahliga kaa bixineynin oo yaa toley 2020 ka aad taagan tahay waalidkaa kugu qasaar.


Waxaa hubaal ah korintaada iyo in ay wax ku baraan dhib badan ay ka soo mareen waxaad ugu abaal gudday inaad u diiddo harsadaan io ay nabad ku cibaadeystaan.  Kan is qarxinaya waa adiga, kan difaaci waayay waa adiga, kan qurbaha jooga ee shacabka iyo dowladda iska hor keenaya waa adiga, waa adiga kan wax ma taraha ah oo kaallintiisii buuxin waayay, waa adiga midka nolosha ka dhacay oo is mooda afar xaniinyood bannaan dagay, waxaad tahay wax ma tare dhiiglaawe, naxariis laawe, waalidkii uma ture, nin nabad uu sameystay  ku hoos nool. Waxaad tahay mid cuqdad iyo caaddifad qabiil ay lafaha iyo dhuuxa ka gashay.


Waxaad tahay gafane u xoog weyn walaalkiis cadawgiisana u jilicsan. Waxaad tahay ayaad tahay  waadna ahaan doontaa oo is baddal lagaama sugayo, tii Rabbi waa gooni, sababtoo ah qalbi madoobaad ayaa kugu dhacay oo waxaad u baahan tahay in lagu dhaqan celiyo lagu baro qiimaha waalidka, lagu baro qiimaha walaalka, lagu baro qiimaha waddanka, lagu baro in aad shaqeysan karto, lagu baro in aad addoon Illaaheey tahay oo cibaado laguu uumay, in lagu baro adduunyada inaad marti ku tahay, in lagu baro aakhiro in ay tahay meel lagu nagaado, in lagu baro Nabadda macaankeeda, in lagu baro cadawgaaga, In lagu baro Cusbada iyo Sonkorta in ay isku eg yihiin, balse, kala dhadhan duwan yihiin.


W/D: Cabdulle Cabdi Kariim Jallaato

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN