Wadaadka iyo nolosha qoyska W/Q: Fahiimo Keyse Owseed

wadaad-iyo-qous

Wadaadka iyo nolosha qoyska

Nolosha lammaanaha wada nool waxey la macno tahay is dhammeytir, isku tiirsanaan. Waayo, kalinimadu waa qabyo nololeed si looga baxaana waa in la helo jinsi kaa duwan oo ku dhammeystira. Sababo badan ayaa loo raadiyaa, in la helo ruux ku dhammeystira, oo ey ka mid yihiin:

= Baahi jinsiyadeed

= Waaritaan adduunyo: Awlaad.

= Wehel adduunyo.

Isbadal xoog leh ayaa ku yimaada ruuxa marka uu u dhaqaaqo, in uu ka baxo kali noolaanshaha, ee uu doorto, in uu ruux kale sameysto. Isa sameysashadaasi waxey wadataa ka guuridda nolol hore iyo u soo guuridda nolol cusub, oo ey ugu weyn tahay masuuliyadda ruuxa cusub, ee kugu soo biiray, haddaba, maxey tahay masuuliyaddaasi?

Daryeelka ruuxdaada lamaanahaaga: Ereyga ruuxdaada waxaan u adeegsaday ruuxdu qofka geerida kaliya ayeey cidleysaa, si la mida lammaanahaaguna waa in ey geeri uun idin ka la irdheyso, ka la geynta wakhtiguse waa mid 2dhinac ka timaadda, oo ey khasab tahay, in ey labadooduba/midkood aqbalaan.

Daryeelka ruuxda waxa ey tahay baahi tirka jinsiga kale, oo ah, aasaaska ama tiirka lammaanaha wada nool, waayo, inta badan baahiya kale, ee ruuxa, waxaa suuragal ah, in uu ka heli jiray dadyoow kale, oo noloshiisa ku xeeran, tanise waa midda kaliya, ee aad adiga u heyso ruuxda lammaanahaga, sidaa daraaddeed, waa khasab sheyga kaliya, ee aad adigu u heysaa, in aad ka haqabtirtaa.

Waa ku ceeb bulshadeenna, in tiirka guurka, ee ah sariirta, in laga hadlaa, waliba ey gabari ku sheegto, in uu yahay saldhigga guurka, waana sababta ey hablo badani cuqdad nafsi uga qabaan seyga la nool, waliba WADAADDADA.

Jaceylka, xushmadda, daryeelka dhaqaalyaha, kalsoonida, isu dhimrinta, dhammaan waa u muhiim nolosha lammaanaha, haddaba, aan u soo daadago gunta mowduuca. Waxaan rabaa, inaan si cad is barbardhig ugu sameeyo nolosha lammaanaha wadaaddada iyo nolosha ragga caadiga ah.

Ka soo billoow shukaansiga, wadaadku badi haasaawe dheer la ma sameeyo gabadha, oo waa uu kooban yahay si aad waliba wakhtigooda hasaawaha ah, tani waxey dhib ku leedahay, in badanaaba laga dhaxlo in labo ruux oo aan isba aqoon guri leysugu keeno, bal waa kaaye, kaalay isugu tarjuma!h

Hubaal in si ey ku billaabataba ey billaaban nolosha lammaanahaasi, balse, waxey ku billaabaneysaa nolol aan wada shaqeyn laheyn, oo badi dhanka ninka ka socota, gabadhuna ey ahaato uun hayin raac, kolba dhankii loo raro uun u hoggaansanta, noloshana aan ku laheyn tashi, halka ragga aan wadaadda ahayn ey wakhti galiyaan haasaawaha, inta uu doonaba ha ahaadee wakhtigaasi oo keena isu soo dhawaan afkaareed iyo isu sii nuglaan, wax badanna faaqidaad nololeed ayeey sameeyaan. Taas waxay dhalisaa; is faham, isu soo dhawaasho, kalsooni iyo barasho qofeed ama dhaqan ee lammaanaha haasaaya, oo dhammaan isugu biya shubanaysa; JACAYL!

Dhanka kale, wadaaddadu nolosha lammaanaha waxey badi ku raadiyaan hablaha yaryar, oo ey si is ka siin ah ku helaan, taasi waxey keentaa isfahan darro ladada ruux dhexmarta, oo ey dhici karto, in nolosha is ku si eysan u wada heysan. Halka ragga caadiga ahse ey jiil waliba la jaanqaadaan, oo nolosha hadba sida ey is ku badaleyso wax ka la socda.

Wadaadka noloshiisu waxey ku dhisan tahay guri uu isagu madaxweyne kaligii taliye ah ka yahay, oo uu arko, in taasi ey tahay sida nolosha loogu talagalay. AMAR KU TAAGLEYN! Noloshiisu wey ka maran tahay wada tashiga nololeed, farxad abuurka, wakhti wada qaadasha, farakacayaarka, dabacsani sey uu u dabacsanaado afadiisa, oo idilkood wadaaddadu waxay u arkaan wax aanan fiicneyn, maadaama aysan haweeneyda uba arkin in ey tahay boqoraddii guriga.

Halka ragga caadiga ah nolosha guriga ey u arkaan jannadii dunida, oo ey xitaa suuragal tahay haddii lammaantoodu eysan u diyaarsaneyn nolol lammaanennimo ey iyagu u tababbartaan nolol jacayl, farxad, dabacsani iyo naxariis ku dhisan.

Wadaadku isu soo bandhigga, dareen dareensiinta, u adeegga lammaantiisa, jilidda nolosha qurxan, fara ka ciyaarka, intaba isagu u ma arko xaq lagu leeyahay. Halka ragga caadiga ah ey sidaa u arkaan dhadhanka iyo halka ey ka macaan tahay nolosha, iney sidaa tahay.

Wadaadku wuxuu nolosha dhadhan tir uga dhigaa lammaantiisa dhanka sariirta, oo baahidu waxey ka billaabataa dhankiisa, waxeyna ku dhammaataa dharagtiisa.

Marwadiisa oo markii horaba dhan u rarneyd ayaa aamusni iyo qarsi baahiyeed kaga jawaab celisa falkiisa weyna la qabatintaa, halka ragga caadiga ahi dhidib iyo, tiir intaba ey u tahay qeybta sariirta. Marka ey labo ruux ka ballaarato noloshu oo ubad calool galo waa qof iyo ubad jeclaantiise.

Wadaaddadu isbadal nololeed ma sameeyaan, oo boqortooyadii uu isagu madaxda ka ahaa unbaa u sii korodhay hawo badalasho iyo dabacsani u ma sameeyaan labo nafleyda lammaantiisa si la mida marka uu ifka yimaado cunuggaa yar, isna wuxuu si ka dhaw ku biiraa xaaladii hooyadii ee aheyd maamulkii ruux hoggaamiska aheyd.

Wey sii socotaayoo sidaa ayey tixane u ahaataa, badina badal ma sameyso. Nolosha dunida oo kooban, waxa bila noloshaaada qoysnimo, u sameyso sida ugu farxdda badan. Yaan laguu telin, adoo toolmoon!

Wadaadku tilmoomo wanaagsan ayuu leeyahay, oo uu Eebbe ku galladay, haba ugu xoogganaato cilmiga diineed, hase ahatee dhaqangalin uu ka billaabo iridda gurigiisa gaartana meel kasta oo uu karo bal wuxuu is ka indha tiraa kitaabbada gurigiisa ku dhexyaalla.

Ujeedku ma ahan dhaleecayn, ee waa tebin xaalado tagay, walina taagan, timaaddana aan ka marnaa doonin, ee toloow, aan ku tusaale qaadanno tusmooyinka na horyaalla.

W/Q: Fahiimo Keyse Owseed

SHEEKOOYIN