Waddada Suubban: Q15AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q15AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Fadliga qaneecada iyo dhowrsanaanta iyo in dhexdhexaad la ahaado xagga maciishadda iyo wax bixinta iyo foolxumada wax waydiisiga inay duruuf adag ama baahi daran kuu gayso maahane.

Eebbe kor ahaaye wuxuu yir:

وَمَا مِن دَابَّةٍ فِي الْأَرْضِ إِلَّا عَلَى اللَّـهِ رِزْقُهَا وَيَعْلَمُ مُسْتَقَرَّهَا وَمُسْتَوْدَعَهَا ۚ كُلٌّ فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ ﴿٦﴾ 

Ma jiraan wax nuuxsada oo dhulka jooga oo aan risiqoodu saarnayn Eebbe. (Suuradda Huud: Aayadda 6).

Waxaa kaloo yiri Eebbe:

لِلْفُقَرَاءِ الَّذِينَ أُحْصِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّـهِ لَا يَسْتَطِيعُونَ ضَرْبًا فِي الْأَرْضِ يَحْسَبُهُمُ الْجَاهِلُ أَغْنِيَاءَ مِنَ التَّعَفُّفِ تَعْرِفُهُم بِسِيمَاهُمْ لَا يَسْأَلُونَ النَّاسَ إِلْحَافًا.

Sakada waxaa wax ku leh faqiiriinta u xayiran jidka Eebbe, kuwaasoo aan ku safri karin dhulka si ay ganacsi u samaystaan. Mafakaruhu wuxuu u moodayaa inay ladan yihiin dhowrsanidooda darteed. Waxaadna ka garanaysaa saansaanyadooda, dadkana ma baryaan iyagoo indha adag.(Suuradda al-Baqara: Aayadda 273).

Waxaa kaloo Eebbe kor ahaaye yiri:

وَالَّذِينَ إِذَا أَنفَقُوا لَمْ يُسْرِفُوا وَلَمْ يَقْتُرُوا وَكَانَ بَيْنَ ذَٰلِكَ قَوَامًا ﴿٦٧﴾.
Iyo kuwa marka ay wax bixinayaan aan israaf falin waxna cariirin, waxaana toosan sida u dhaxaysa labadaa.(Suuradda al-Furqaan: Aayadda 67).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ﴿٥٦﴾ مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ ﴿٥٧﴾ 

Waxaan u abuuray jinka iyo insiga oo kaliya, inay i caabudaan, kama rabo Risqi, kamana rabo inay i quudiyaan. (Suuradda al-Daariyaat: Aayadaha 56-57).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Maal iyo deeq badnaatu kama yeesho qofka hodon iyo maal qabeen. Ee hodannimada dhabta ah waa qaneecada qalbiga, oo iimaan Allaa uur buuxsho. (Bukhaari iyo Muslim).

Xaakiim bin xisaam (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigaan (S.C.W.) wax waydiistay markaasuu i siiyay, haddana waxaan baryay mar labaad waa i siiyay. Waan sii baryay mar seddexaad waa i siiyay, oo yiri: Xaakimoow, waxaa maalka la yiraahdaa waa doog cusub oo soo jiidasho iyo macaan badan. Qofkii hunguri sami ku qaata ee aan ku qaadan sabab jaceyl uu u qabo IWM wuxuu ka helaa barako iyo kheyr; barako iyo kheyrse kama helayo qofkii u qaata hunguri jaceyl, hanqal taag iyo damac badni, waa sida qof wax cunaya oo aan dhergayn. Gacanta saraana tan wax bixinaysa ka fiican gacanta hoose tan wax qaadanaysa. Waxaan ku iri: Rasuul Allow (S.C.W.) Allaah ayaan ku dhaaranayaa xaqa ku la soo diray’e wax ma waydiisan doono cid kale gadaashaa adiga maahee inta aan noolahay. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu u cid diri jiray Xaakim si uu wax u siiyo, waase ka diidi jiray inuu qaato waxa loo bandhigay. Sidoo kale Cumar (A.K.R.) wuxuu u yeeri jiray Xaakim inuu wax siiyo ha yeeshee kama uusan yeeli jirin inuu wax ka qaato. Markaasuu Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: muslimiinow marag ka ahaada inaan u soo bandhigay Xaakim qaybtiisii aan uga qoondeeyay qaniimooyinkii laga qabsaday cadawga ee Eebbe uu u guddoonshay, is na diidaayo inuu qaato. Xaakim (A.K.R.) intii uu noolaa wax kama uu qaadannin cidna oo ka dambaysay Nabiga (S.C.W.). (BUKHAARI IYO MUSLIM).

Abuu Burdah (A.K.R.) wuxuu ka weriyay Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) IN: mar ay la socdeen Nabiga (S.C.W.) oo jihaad u socda, in loo cayimay xoolo yaraan aawgeed hal rakuub ah iyagoo koox ahaa lix nin ka kooban waxayna isku bedelayeen fuulidda rukuubka si kaltan ah. Markaasaa cagihii dil dillaaceen cijihiina baxeen, si aan u daboolno dhaawaca cagaha naga gaaray, ayaan waxaan ku xiray cagahaygii calallo. Sidoo kale ayayna yeeleen rafiiqyadaydii. Calalladaas aan cagaha ku xir xiraneynay ayaa duullaankaas loogu bixiyay duullaankii calallada. Abuu Burdah wuxuu yiri: Abuu Muusaa xadiiskaan markuu sheegay ayuu ka xumaaday oo yiri: waxaan jeclaystay oo ii roonayd inaanan sheegin dhacdadaan; taana sababteeda waxaa waaye wuxuu nacaayay faafinta wax la xariira cibaado uu gutay jihaadkaan. (Bukhaari iyo Muslim).

Camar ibn Taqlib (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaniimooyin ama maxaabiis ayaa loo keenay Nabiga (S.C.W.) markaasuu qaybiyay, oo qaarna dadkii wax siiyay qaarna qadiyay. Dabadeed waxaa loo sheegay in qaarkii uu qadiyay ay ka xumaadeen, Markaasuu Arrintaa ka jeediyay khudbo oo inta Alle mahadiyay oo ammaanay dabadeetana yiri: Eebbe baan ku dhaartaye, waa xaqiiq jirta inaan ninna wax siiyo ninna ka tago; iyadoo kan aan ka tegay aan ka jecelahay kan aan wax siiyay. Waxaan siiyaa kuwaa aan qalbiyadooda ka arko xumaansho iyo calool gubyood. Qaarka kalena waxaan ku halleeyaa qaneecada Eebbe siiyay iyo iimaanka uu geliyay Qalbiyadooda. Waxaana ku waa ka mid ah Cumar ibn Taqlib, kaasoo markuu xadiiskaan sheegayay yiri: Wallaahi inaanan ku qaateen kelmaddaas qaaliga ah ee Nabigu (S.C.W.) yiri: oo ku doorsadeen xitaa geela gadgaduudan yacni hanti kasta. (Bukhaari).

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN