Waddada suubban. Q19AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q19AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Sabarka iyo Adkaysiga”

Mowduucaanu wuxuu toos ula xariiraa qaybtii aan jimcadii hore soo qaadannay, waxaana kusoo qaadanayaa hal “Xadiith” oo Nabiga (S.C.W.) laga soo weriyay waana qisa hore u dhacday oo cajiib ah kuna saabsan “Sabarka iyo adkaysiga” waxaana kasoo qaatay, ama kasoo xigtay Kutubka: “Riyaalus-saalixiin”
(رياض الصالحين)
“Beertii Suubbanayaasha” Xadiiska tirsigiisu wuxuu yahay: (30 ama ٣٠).

Suhayb Ar-Roomi wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ummadihii idinka horreeyay waxaa jiray boqor lahaa falanfalloow, macnaha sixirrow u shaqayn jiray. Markii uu falanfallowgii gaboobay, wuxuu ku yiri boqorkii: maadama aan sii gaboobayo, waxaan codsanayaa inaad keento wiil aan baro faalka. Sidaas ayaana boqorkii ugu soo diray wiil dhallinyaro ah si loo baro faalka. Jidka wiilku soo maro markuu u soo sodco falanfallowga, ama faalshowga, waxaa degganaa Raahib nin aakhiro u go’doomay oo adduun iska nacay oo isaga tegay kaa soo uu wiilku caadaystay inuu la fadhiisto oo dhegaysto hadalkiisa. Waxaa aad u cajabiyay wiilkii uuna la yaabay hadalka raahibka sidaa aawgeed mar kasta ee uu faalshowga u socdo, wuxuu la fadhiisan jiray raahibka jidkiisa arrintaas oo daahin jirtay. Falanfallowguna markuu soo daaho wuu garraaci jiray, wiilkii yaraa wuxuu uga cawday raahibkii arrintaa. Markaas ayuu ku yiri: markii aad ka baqdid faalshowga ku dheh: reerkaygi baa isoo daahiyay, markiise aad ka baqdid inay su’aalo ku waydiiyaan reerkaaga ku dheh: waxaan kusoo daahay falanfallowga. Xaaladdaan waxay socotay muddo. Mar waxaa dhacday in wiilkii yaraa arkay bahal wayn oo isku gooyay jidkii dadka. Wiilkii yaraa ayaa hoos isula hadlay: wuxuuna naftiisa u sheegay, maantaan kala ogaan karaa kii wanaagsan faalshowga iyo Raahibka. Markaas ayuu inta dhagax qaatay yiri: Allow haddii aad dhaqanka Raahibka ka jeceshahay kan faalshowga sabab uga dhig dhimashada bahalkaan. Si ay dadku awood ugu yeeshaan inay jidka maraan. Dabadeedna wuxuu baahalkii ku dhiftay dhagaxii oo uu ku dilay, taa oo u suura galisay inay dadku jidka maraan; wiilkii yaraa wuxuu u sheegay Raahibkii wixii dhacay, markaas ayaa raahibkii ku yiri: Maandhow adaa maanta iga fadli badan, waxaadna gaartay heer dhib kugu soo gaari karo. Ee haddii ay taasi dhacdo oo lagu qabto ha isoo tilmaamin.

Wiilkii wuxuu billaabay inuu daaweyo dad ka sheeganaya indha la’aan oo ku dhashay, baras iyo cudurro kale. Warkiina waxaa uu gaaray nin boqorka ka ag dhowaa oo indho beelay. Wuxuu u tegay wiilkii yaraa asigoo hadiyooyin badan u sida oo yiri: waxaan oo dhan adaa leh haddaad i bugsiiso, oo indhaha iisoo celiso.’ Wiilkii wuxuu ku yiri: Anigu waxba ma awoodo. Waa Eebbe kaliya kan wax walba awooda. ee haddii aad islaamayso waxaan kuu barayayaa Eebbe isgaana ku siinaya caafimaad. Markaas ayuu Eebbe rumeeyay oo islaamay, Eebbena araggii u soo celiyay. Wuxuu markaa ka dib aaday shaqadiisa oo fadhiistay halkiisii. Boqorkii ayaa wuxuu waydiiyay: yaa kuu soo celiyay araggaagii? Nikii wuxuu ku jawaabay: Rabbigay. Wuxuu yiri: boqorkii ma rabbi aan aniga ahayn baad leedahay? Wuxuu ku jawaabay Eebbe ayaa ah Rabbigaa iyo Rabbigayba. Boqorkii wuxuu amar ku siiyay raggiisii in la qabto ninkaan waa na ay qabteen aadna waa u ciqaabeen ilaa uu sheegay magaca wiilkii yaraa kaa oo loo keenay boqorkii oo ku yiri: Maandhow faalkaagi ma wuxuu gaaray inaad in-dhoola yaasha, baras qabeenka, iyo cudurrada kaleba daawaysid? Wiilkii wuxuu ku yiri: anigu qofna ma daaweeyo, ee Eebbaa wax daweeya. Isagana markaa waa la qabtay oo la ciqaabay ilaa uu boqorka u sheegay magaca iyo ciwaanka raahibkii. Raahibkii ayaa inta lasoo qabtay oo lagu yiri: Islaamka ka noqo, oo diiday. Markaas ayaa Boqorkii wuxuu dirsaday miinshaar oo la saaray bartanka madaxa raahibkii waxaana loo kala gooyay laba jeex: dabadeedna kii Boqorka ka ag dhawaa ayaa loo yeeray oo la yiri: Islaamka ka noqo. Isaguna waa diiday, markaasaa laba jeex loo kala gooyay. Dabadeedna, wiilkii ayaa loo yeeray, oo lagu yiri: Islaamka ka noqo, isaguna waa diiday inuu sidaa yeelo. Boqorkii wuxuu u dhiibay wiilkii koox raggiisa ka mid ah oo uu ku yiri: buur hebla geeya oo goortii aad dhalladeeda gaartaan hadduu wali ku sii adkaysto diintiisa ka soo tuura buurta dhalladeeda. Waxay geeyeen buurtii dhalladeeda. Meeshaas ayuu wiilkii Rabbi ku baryay oo yiri: Alloow igu caawi inaad iga samata bixiso tan sidii aad doonto oo kula gudboon. Markaas ayaa dhul gariir buurtii gil gilay, raggii boqorkana kasoo dhaceen. Wiilkii ayaa kusoo laabtay boqorka kaa oo weydiiyay: maxaa ku dhacay raggii kula socday? Wuxuu ugu jawaabay: Allaa iga badbadiyay. Waxaa misna loo dhiibay koox kale rag ah ku waa oo la faray inay ku qaadaan doon yar oo bada bartankeeda geeyaan haddii uu kusii adkaysto Diintiisa diidana inuu Islaamka ka noqdo, ay ku ridaan badda. Sidaa ayeey kula tageen. Markii baddii dhexwaynka laga geeyay ayuu wiilkii Rabbigii baryay oo yiri: Alloow iiga dhici nimankaan si kasta oo aad jeceshay. Doontii ayaa degtay culays aawgii raggii boqorkana wada hafteen, wiilkiina asiga oo soconayo ayuu mar labaad boqorkii u yimid, boqorkii ayaa waydiiyay: maxaa ku dhacay raggii kula socday? Wuxuu ugu jawaabay: Allaa iisoo gurmaday oo iiga gargaaray. Wuxuuna intaa u raaciyay: i dili karimaysid jeer aad yeeshid waxa aan ku faro. Boqorkiibaa yiri: oo waa maxaay? Wiilkii wuxuu ku jawaabay: isugu keen dadka meel bannaan oo fagaare ah iguna xir geed jiriddiis.’ Dabadeed kala soo bax qunuxaaga leeb gammuun (Fallaar) ee intaad ku qabato leebka qaansada dhexdeeda dheh: “Bismillaah ku billaabid magaca Eebbe, Rabbiga wiilka” dabadeedna igu soo gen leebka adigoo igu soo abbaaraya. Haddii aad sidaa yeesho waxaad awood u yeelanaysaa inaad i disho. Boqorkii sidii ayuu yeelay. Dadkii ayuu isugu keenay meel bannaan oo fagaara ah, wiilkiina waxaa lagu xiray jirrid geed timireed. Boqorkii wuxuu kala soo baxay leeb gabooyihiisii inta ku qabtay qaansadii dhexdeeda ayaa waxaa uu yiri: “Bismillaah ku billaabid Magaca Eebbe, Rabbiga wiilkaan” ayuu ku gamay leebkii wuxuu uga dhacay wiilkii dhafoorka, wiilkiina intuu dhafoorka gacanta saaray ayuu dhintay.

Markii ay arkeen taa dadkii waxay mar wada yiraahdeen: waxaan rumaynay Rabbiga wiilka. Boqorkiibaa loo sheegay oo lagu yiri: wixii aad ka taxaddareysay inay kugu yimaadaan ayaa dhacaye ka waran? Dadkii waxay rumeeyeen Rabbiga wiilka. Oo waa wada Islaameen. Boqorkii wuxuu amray in godad waawayn la qodo waddooyinka afkooda; markii la diyaariyay ayaa dab lagu shiday. Dabadeed waxaa dadkii lagu yiri oo ogaysiis lagu bixiyay in qofkii diida inuu ka noqdo Islaamka lagu tuuri doono godad dab lagu huriyay, oo lagu shiday. Ama la fari doono inuu ku boodo godadkaa debka ah. Sidaa ayeey arrintu ahayd oo dadkii waa diideen inay islaamka ka noqdaan sidaa aawgeed ayaa loogu guray godadkii dabka lagu huriyay. Waxay socoto arrintaa oo dadka sidaa loogu guro godadkii dabka ahaa. Waxaa timid haweeneey ilmo yar sidata inay gasho dabka ayeey ka cabsatay dib ayeeyna u gurtay, ilmihii yaraa ee ay sidatay ayaa ku dhiiri galiyay oo ku yiri: Hooyo! “Sabar adigaa xaq ku taagane” (Muslim).

“Jimco Suubban.” W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.