Waddada suubban. Q24AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q24AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Qofka sooman waa inuu ka ilaaliyaa carrabkiisa Af-xumo, caay, iyo muran.”

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: qofkii aan iska dayn been sheegidda iyo camallo xun, Alle dan kama leh qofkaa inuu iska daayo cunidda iyo cabidda. (Bukhaari). Fiiro Gaar ah: Fikradda ka dambeysa axaadiistaan waa in xanta, dira-dirada, been sheegidda, iyo camallada xun, marka la sooman yahay ay yareeyaan ajarka soonka oo dhimaan. Sidaa aawgeed qofku waa inuu ka fogaadaa waxyaalaha xun goor walba, gaar ahaan marka uu sooman yahay!’

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa irdaha Jannada: addoonkii Allow, albaabkaan ayaa kuu roon. Qofkii reera salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka salaadda. qolooyinka ugu heega na jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irrida jihaadka. Qofkii reera soon ahaa na waxaa looga yeeri doonaa irridka Rayaan. “HARRAAD BAXA” qofkii reera saddaqo ahaa na waxaa looga yeeri doonaa inuu ka galo Jannada irridka sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Allow kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irdahaas looga yeerayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irdahaa oo dhan looga wada yeerayu se ma jiraa? NABIGU (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waa jiraa, waxaa na rejeynayaa inaad adiga Abuubakara ahaan doonto mid ka mida. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: markii uu midkiin wax cuno ama cabo isagoo illowsan inuu sooman yahay, waa inuu kaamishaa soonkiisa ilaa dhamaadka, maxaa yeelay cuniddiisa iyo cabiddiisa, isagoo illowsan oo aan ula kac u sameyn waxaa waaye macnaheedu in Eebbe uu quudiyay oo waraabiyay.” (Bukhaari iyo Muslim).

Laqiid bin Sabrah (A.K.R.) wuxuu yiri: mar baan u imid Nabiga (S.C.W.) oo ka codsaday inuu wax iiga sheego weesada. Wuxuu yiri: U weesayso si dhan oo waafi ah, oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah, aad na u sandaaro, laakiin se haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah, si aysan wax biyaha ka mid ahi uga gelin calooshaada xagga sanka. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Haddii Nabiga (S.C.W.) waagu u beryo isagoo la baashaalay xaas ka mid ah xaasaskiisa, waa uu qubaysan jiray oo soomi jiray sida caadiga ah.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) iyo Umm Salamah (A.K.R.) waxay yiraahdeen: mar kastoo Nabigu (S.C.W.) waagu u baryo isagoo aan daahir aheyn, oo la galmooday xaas ka mid ah xaasaskiisa, iyadoo aynan aheyn riyada habiinkii wuxuu Nabigu (S.C.W.) la imaan jiray qubays oo soomi jiray.‘ (Bukhaari iyo Muslim).

“Jimco Suubban: W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN