Waddada suubban. Q31AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q31AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Caasi Waaliddeennimada iyo Qaraaba goyntu waa xaaraan!”

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ ﴿٢٢﴾ أُولَـٰئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّـهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَىٰ أَبْصَارَهُمْ ﴿٢٣﴾

“Oo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa ku waa soo kale kuwa Eebbe ayaa naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka rido”. (Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.)

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَالَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ اللَّـهِ مِن بَعْدِ مِيثَاقِهِ وَيَقْطَعُونَ مَا أَمَرَ اللَّـهُ بِهِ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ ۙ أُولَـٰئِكَ لَهُمُ اللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوءُ الدَّارِ ﴿٢٥﴾

“Kuwa axdiga Eebbe jebinaya adkaysiintiisii ka dib, goynayana wixii Eebbe faray in la xiriiriyo sida qaraabada oo dhulka fasahaadinaya, ku waasu nacalad ayay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiin”.
(Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.)

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا ﴿٢٣﴾وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا ﴿٢٤﴾

“Rabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku dhihin hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeen”. (Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.)

“Nufayc bin Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Ma idiin ka warramaa dembiyada waaweeyn? Seddex jeer ayuu ku celceliyey, Waxaanna ku dhahnay: “Haa” Rasuul Alloow’. Wuxuu yiri: waa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada xusul ayaana u mudnaaye inta fadhiistay ayuu yiri: iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gasho”. Aad ayuuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo. (Bukhaari iyo Muslim).

“Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaa’irta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo, iyo waalidkoo lagu caasiyoobo, iyo naf la gooyo, iyo inaad been ku dhaarato”. (Bukhaari).

“Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Inuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo”. Dadkii waxay yiraahdeen: Rasuul Alloow! ma nin ayaa waalidkii caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: “Haah! Haddii uu caayo qof kale aabbihii, qofkii aabbihi la caayey ayaa isna aar goosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabbihii; haddii uu caayona qof kale hooyadi, qofkii la caayey hooyadii ayaa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii”. (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale ayaa waxay leedahay: “dunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado. Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee ayuu qofku waalidkiis u nacladayaa? Wuxuu yiri: ” markuu caayo qof kale aabbihii, kii aabbihii la caayey ayaa isna markiisa kii wax caayey aabbihii caayaya, markuu qofku caayona ruux kale hooyadi, ruuxii hooyadi wax laga shegay ayaa isna caayaya kii kale hooyadiis!”

Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaraabo goys Janno ma gali doono. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Eebbe kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo, bakhiilnimada, Boobka iyo Booliyenta Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha, raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faa’ida la’aanta ah, su’aalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka ku bixintiisa waxaan faa’ido laheyn ama xaraan ah sida Sigaarka, ajaadka IWM. (Bukhaari iyo Muslim).

Jimco Suubban. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN