“Waddada Suubban: Q6AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waddada Suubban: Q6AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Xusuusnaanta geerida!”

Hawadu waa shay aad u halis badan haddii aan layska qaban amaan la iska xakameyn. Waxaan kusoo qaadaneeynaa haddii Eebbe idmo ilaa dhowr Aayadood oo rabbi uga hadlay Qur’aanka iyo axaadiis Nabiga (S.C.W.). ka sugnaaday anigoo soo Koobaya Insha’Allaah
Ebbe weyne kor ahaaye waxuu yiri: 

كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ ﴿١٨٥﴾

Naf walba waxay dhadhamin doontaa dhimasho, geerida. Waxaana la idiin oofin doonaa maalinta qiyaamo abaalkiinnii iyo waxii aad shaqeysateen. Qofkii Naarta laga durkiyo, fogeeyo oo Jannada la geleyaana waa liibaanay, nolosha adduun kuna wax kale ma’ahee waa raaxo wax hodaysa macnaha hagraneeysa.’
(Suuradda aala-Cimraan: Aayadda 185.).

Eebbe kor ahaayee waxaa kaloo yiri:

 إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿٣٤﴾

Nafi ma oga waxay berri mudan doonto, mana oga nafi meesha ay ku dhiman doonto.’ 
(Suuradda Luqmaan: Aayadda 34.).

Waxaa kaloo yir: Eebbe kor ahaaye:

فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ ﴿٦١﴾

Markii ay ajashoodo timaado ma dib dhigi karaan sacadna, mana soo hormarin karaan.’ (Suuradda an-Naxl: Aayadda 61.)

Waxaa kaloo yiri, Eebbe kor ahaaye:

وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ ﴿١٠﴾ وَلَن يُؤَخِّرَ اللَّـهُ نَفْسًا إِذَا جَاءَ أَجَلُهَا ۚ وَاللَّـهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ ﴿١١﴾

Kuwa xaqa rumeeyow! Yaysan maalkiinna iyo ilmihiinnu idinka mashquin xusidda Alle. Ciddii sidaas yeeshana iyagaa kuwa khsaaray ah. Waxaan idinku irsaaqaynana wax ka bixiya inta aysan geeridu qofkiin u imaan markaasuu dhahayaa: Rabbiyoow maad in yar ii kaadisid “Macnaha dib iigu celisid noloshii adduunka”  markaas ayaan sakada bixin lahaa o suubbanayaasha ka mid ahaan lahaaye. Dhowra xilalka iyo waajibaadka Eebbe idin saaray. Allena naf malaggeeda galay ma deb dhigo. Runtii Eebbe waa ka warqabaa wax aad falaysaan.’ 
(Suuradda al-Munaafiquun: Aayadda 9-11.).

Eebbe kor ahaaye Waxaa kaloo yiri:

حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَهُمُ الْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ارْجِعُونِ ﴿٩٩﴾ لَعَلِّي أَعْمَلُ صَالِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚكَلَّا ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَائِلُهَا ۖ وَمِن وَرَائِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ﴿١٠٠﴾ فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ فَلَا أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَاءَلُونَ﴿١٠١﴾ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴿١٠٢﴾ وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَـٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فِي جَهَنَّمَ خَالِدُونَ﴿١٠٣﴾ تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ النَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَالِحُونَ ﴿١٠٤﴾ أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ ﴿١١٥﴾ .

Markii ay geeridu u timaaddo mid ka mida, waxuu yiraahdaa: Alloow dib ii celi, si aan ugu samo falo waxii aan kasoo tegay; mayee ma jirto. Wax kale mahee waa hadal inuu isaga hadlaayo; ee xijaab-baa kaga gudban oo gadaashooda ah ilaa maalinta lasoo bixinaayo Laga gaaro. Qowlka Eebbe! ma waxaad mooddeen inaan dheel idiin abuurannay oo aan xaggeeyga la idiin soo celineyn.’ (Suuradda al-Mu’minuun: Aayadaha 99-115.).

Sidoo kale Eebbe kor ahaaye. Wuxuu yiri: 

أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّـهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَاسِقُونَ ﴿١٦﴾ 

Sow lama joogo waqtigii ay qalbiyada kuwa xaqa rumeeyay ay isu dabci lahaayeen waanada xag Alle ka timid iyo xaqa soo degay, si ayan u noqon sidii kuwii awel kitaabka la siiyay oo waqtigu ku dheeraaday oo sidaa awgeed quluubtoodii qallashay, qaar badan oo kamid ah ayaa faasiqiin sharwadeen ah.’ 
(Suuradda al-Xadiid: Aayadda 16.).

Cabdullaahi ibn Cumar Alle ha ka raalli noqde waxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). waxuu yiri: Qof muslim ah oo haysta wax ay dhaxli karaan warasadiisu waa inuusan laba habiin xitaa sugin isagoon  diyaarin dardaaran Qoran.’
(Bukhaari iyo Muslim). Erayadaan waa kuwii uu dhigay Bukhaari. Muslim. sidaas ayuu ugu soo arooray xadiisku:  Qofka muslimka ah waa inay Seddex habeen gudbin isagoo aan haysan dardaaran Qoran oo ay ku caddahay Rabitaankiisa. Ibn Cumar(A.K.R.). wuxuu yiri:  Tan iyo maalintii aan Nabiga (S.C.W.). sidaas ka maqlay ma jirin habiin i soo maray oo uusan dardaarankaygu ii aallin.
ANAS( A.K.R.). wuxuu sheegay: in Nabigu (S.C.W.). Sawiray xarriiqmo, dabadeedna isagoo tilmaamaya xarriiqintaas wuxuu yiri: xarriiqintani waa Aadanihii tan kalena waa waqtiga dhimashadiisa. Qofku wuxuu ku jirayaa inta uu nool yahay hawo adduun,  isagoo marka sidaas ah ayaa waxaa la tegayaa xarriiqda ugu dhaw, taas macnaheedu waxaa waaye geerida ayaa qaadaysa.’

Haddaan sii sharaxno Xadiiskaan jaliilka ah Cabdullaah ibnu Mascuud (A.K.R.). wuxuu sheegay: in Nabigu (S.C.W.). sawiray  xariiq Afar gees ah, dhexdeedana wuxuu ku sawiray xarriiq la dherer ah. Afka sare ee xarriiqda wuxuu u saaray xoogaay debaddaa xarriiqda afar geesta ah. Misna taas uu dhexda ka jeexay, wuxuu ku sawiray xarriiqo yar yar oo kor u jeeda. Wuxuu markaas yiri: wuxuu muujiyay Rasuulkii Alle in qaabku matalayo Aadanaha,  xagallada ku wareegsan ee afar geeska ah waa dhimashada dhinac walba kaga wareegsan;  xarriiqdaa dhexdaa waxay matalaysaa hawadiisa, xarriiqaha gaagaabanna ee dhexda uga jira waa imtixaannada iyo dhibaatooyinka badan ee nolosha. Wuxuu yiri: haddii uu ka baxsado mid ka mid ah, wuxuu u gacan gelayaa midda xigta marka uu taas ka baxsadana, tii seddexaadbaa qabaneysa. waana sawirkaan aan idiin muujiyay!” (Bukhaari).

《 وعنه ابي بن كعب رضي الله عنه:  كان رسول الله صلى الله عليه وسلم  اذا ذهب ثلث الليل،   فام   فقال:  يا ايها الناس اذكروا الله،  جاءت الر جفة، تتبعها الرادفة،  جاء الموت بما فيه، جاء الموة بما فيه•  فقلت: يا رسول الله  اني اكثر الصلاة عليك، فكم اجعل لك من صلاتي؟  فقال: ▪ما شءت،  قلت: الربع، قال:  ●ما سءت فان، زدت فهو خير لك]  قلث: فالنصف؟ فال: ما سءت،  فان زدت  فهو خير لك!   قلت:  فاللثين؟ قال: ما شءت، فان زدت فهو خير لك!   قلت:  اجعل لك صلاتي كلها؟ قال:  اذا تكفى همك و يغفر  لك ذنبك} (رواه التر مدي وقال: حديث حسن.)

Ubay ibn Kacab Alle ha ka raalli noqde, wuxuu yiri:  markii habiinku saddax meelood meel tagto ayuu Nabigu (S.C.W.). inta kaco dhawaaqi jiray debedda: Dadow, xusa Alle; gilgilashadii, yeerintii koobaad ee buunka uu yeerinayo malag Israafiil waa soo dhawaatay;  taa kadib waxaa dhaceysa fangashada yeerintii labaad ee buunka waxaa dheer kuwa dhimashadii iyo wixii  ay wadatay. Waxaan ku iri:  Nabiga (S.C.W.). Rasuul Allow waxaan kuu baryayaa Alle inuu nabad iyo naxariis dushaada ka yeelo si joogto ah. Ee intee ducadaa kaaga raatib yeelaa waqtigeeyga? Waxuu yiri: intii aad doontid. Waxaan iri: ma afar meelood meel waqtigeeyga?  Wuxuu yiri: intii aad doontid;  waxaase kuu roonaan lahaa, haddii aad ii gooni yeeli laheyd waqti ka badan.  Waxaan iri: ka warran waqtigeyga barkii? Waxuu yiri: sidii aad doontid;  waxaase kuu sii roonaan lahaa haddii aad kasii badisid. Dabadeedna waxaan iri: ka warran saddex meelood laba meel waqtigeeyga? Wuxuu yiri: intii aad doontid; waxaase kuu sii roonaan lahaa haddii aad kasii badisid. Waxaan iri: ka warran haddii aan ugu tala galo waqtigeeyga oo idil ducooyinka inaan kugu salliyo? Wuxuu yiri: Markaas waxay kaa xiltiraysaa oo kaa qaadaysa welwel oo dhan, dembiyadaadana waa la dhaafayaa.’ (Tirmidi wuxuu yiri: waa xadiis xasan ah).

Geeridu waa wax naxdin leh dhacdooyinka ka dambeeyaana waa ka sii dareen iyo naxdin badan yihiin. Inaad ka hadasho ama aad xasuusato, waxay kaa dhigaysaa nolosha adduunka midaan dhadhan laheyn, waxay ka yiraysaa jacaylka adduunka dhammaanaya qalbiga. Run ahaantii jaceylka iyo isku dhajinta adduunka waa hooyada dembiyada iyo dhibaatooyinka ka dhaca adduunka. Sidaa awgeed markii aan wax jaceyl ah haba yaraatee loo heyn dunidaan, markaas ayaa qofku helayaa wax kasta oo wanaagsan oo daa’im ah. 
Xasuusnaanta iyo ka fekerka geerida waa sababta keeni karta nacaybka adduunka iyo inaan dan loo gelin wixii kaa dhaafa. Sidaa daraadeed, Qur’aanka iyo Sunnaha culeys weyn ayay saareen Qodob Qodobna waa noogu Adkeeyeen. Ee Alle ha nagu sugo camalka Suubban!”

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

Laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.