Ka cabsashada Eebbe (S.W.).
Allaah(S.W) waa waaxid waa kali waa sow doona yeele aanay jirin wax la la wadaajiyo. waa abuuraha wax kasta ee la abuuran ee ka kooban wax muuqda iyo waxaan muuqan. waa amraha waxii isaga ka soo hara. sidaa darteed waxaa kaliya ee nalan faray waa inaan ka cabsannaa asiga kaliyana caabudnaa, cibaadadiisana aanaan cid kale u la wadaajin, ee asiga uun u gooni yeelno!
Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
واياي فار هبون
“Aniga uun iga baqa”
ان بطش ربك لشدي
“Run ahaantii! Ciqaabta rabbigaaga waa mid adag”
waxaa kaloo yiri, Eebbe kor ahaaye:
وَكَذَٰلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَىٰ وَهِيَ ظَالِمَةٌ ۚ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ ﴿١٠٢﴾
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّمَنْ خَافَ عَذَابَ الْآخِرَةِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمٌ مَّجْمُوعٌ لَّهُ النَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوْمٌ مَّشْهُودٌ ﴿١٠٣﴾ وَمَا نُؤَخِّرُهُ إِلَّا لِأَجَلٍ مَّعْدُودٍ ﴿١٠٤﴾ يَوْمَ يَأْتِ لَا تَكَلَّمُ نَفْسٌ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ فَمِنْهُمْ شَقِيٌّ وَسَعِيدٌ ﴿١٠٥﴾ فَأَمَّا الَّذِينَ شَقُوا فَفِي النَّارِ لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَشَهِيقٌ ﴿١٠٦﴾
Waxaa sidaa soo kale qabashada Rabbigaaga markii uu beelaha ama bulshooyinka qabto iyagoo daalimiin ah oo xumaan falaya. Runtii! qabashadiiso waa xanuun badan tahay oo adag tahay. Dhab ahaantiina taas calaamaa ugu jirta kii cadaabta Aakhiro ka baqaya, taasu waa maalin dadka la soo kulmiyo waana maalin la arkayo taasuye, waxaan u dib dhigaynaa oo kaliya muddo tirsan oo magacaaban. Maalinta ay imaanaysana nafna ma hadli doonto mid loo idmay maahee. qaar iyaga ka mid ah waa la hoojinaa qaar kalena waa liibaani doonaan. Kuwa la hoojinayo maalintaa waxay dhex ahaan doonaan Naar olol badan; ooyin iyo calaacal bay qaytoodu naqaneeysaa.’
(Suuradda Huud Aayadaha 102 -106.).
Waxaa kaloo yiri: Eebbe kor ahaaye:
ويحذركم الله نفسه
Alle naftiisuu idiinkaga digayaa!
waxa kaloo soo arooray Aayadahaan:
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ ﴿٣٤﴾ وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ ﴿٣٥﴾ وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ ﴿٣٦﴾ لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ ﴿٣٧﴾
Waa maalin uu qofku ka cararaayo Walaalkiis iyo Hooyadiis, Aabbihiis, iyo Aafadiisa iyo ubadkiisaba. Maalintaas qof waliba tiisa cuslaysay oo cid kale dan uma gali doono, tiisa oo kaliya ayaa howl ugu filan iyo feker.” (Suuradda Cabbasa Aayadaha 34-37.).
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ ۚ إِنَّ زَلْزَلَةَ السَّاعَةِ شَيْءٌ عَظِيمٌ ﴿١﴾يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّا أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى النَّاسَ سُكَارَىٰ وَمَا هُم بِسُكَارَىٰ وَلَـٰكِنَّ عَذَابَ اللَّـهِ شَدِيدٌ ﴿٢﴾
Dadoow! Ka cabsada Rabbigiin. Dhab ahaantii gariirka saacadda qiyaamo waa wax weyn oo daran. maalinta aad arkeysaan, Hooyo kasta oo wax nuujinaysay waa halmaamaysaa wixii ay nuujinaysay, mid kasta oo uur lihina waa dhigaysaa uurkeeda, waxaadna Muxammadoow arki doontaa dadkii oo sida wax sarkhaansan ah mana sarkhaansana, ee xukunka Rabbigaa ayaa wuxuu ahaanayaa mid ku culus iyaga oo adag! (Suuradda al-Xaj aayadaha 1-2).
Eebbe wuxuu yiri:
وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ
Qofkii hor istaagga Rabbigii ka baqaa Jannooyin ayuu leeyahay.’ (Suuradda ar-Raxmaan aayadda 46).
Waxaa kaloo yiri: Eebbe kor ahaaye:
وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ﴿٢٥﴾ قَالُوا إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِي أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ ﴿٢٦﴾ فَمَنَّ اللَّـهُ عَلَيْنَا وَوَقَانَا عَذَابَ السَّمُومِ ﴿٢٧﴾ إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْبَرُّ الرَّحِيمُ ﴿٢٨﴾
Qaar iyaga ka mid ah waxay kusoo dhawaanayaan kuwa kale iy agoo wax is waydiinaya, iyagoo leh: runtii waayihii hore, markii aan ehelkayna la joognay, mar waliba kuwa cabsada ayaan aheyn. Macnaha ka cabsada cadaabta Eebbe. Laakiinse Eebbe ayaa galladiisa na siiyay, oo naga dhowray cadaabta holaca badan. Dhab ahaantii hore ayaan u baryi jirnay Eebbe intaan Adduunka joognay. Dhabtii isagu Alle waa baarriga naxariista badan.” (Suuradda ad-Duur Aayadaha 25-28).
Cabdullaahi ibn Mascuud Alle ha ka raalli noqde: waxaa laga soo xigtay in Nabigu(S.C.W.). oo runle la rumeysta ah uu yiri: qof waliba wuxuu ku ahaadaa dhibic biyo ah uurka Hooyadii Afartan beri, haddana Xinjir oo kale ayuu ahaadaa Afartan beri oo kale. Haddana goosan hilib ah ayuu sii ahaadaa Afartan beri oo kale dabadeedna malag ayaa loo soo diraa nafta galiya, waxaana la faraa malaggaa Afar waxyaalood inuu qoro; Risiqiisa, Ajashiisa, Camalkiisa, Hooge iyo Liibaane kuu ahaan doono: marka Allaha aan illaah kale oo xaq ah jirin baan ku dhaartaye waxaa dhacaysa in midkiin u dhaqmo sida ehlu Jannaha oo markaas u jirsado jannada hal dhudhun, markaas ayaa wixii loo qoray, ka adkaadaan oo wuxuu billaabaa inuu u dhaqmo sida ehlu Naarka dabadeedna iyadii galaa. Dhinaca kale midkiin ayaa wuxuu u dhaqmayaa sida ehlu Naarka ilaa uu Naarta u jirsado hal dhudhun oo kale. Markaas ayaa wixii loo qoray ka adkaadaan, wuxuuna bilaabaa inuu u dhaqmo sida ehlu Jannaha dabadeedna iyadii galaa.”(Bukhaari iyo Muslim).
Ibn Mascuud Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri:
Maalinta qiyaamaha Naarta Jahannama ayaa la keenayaa iyadoo leh toddobaatan kun oo xarig, xarig walbana waxaa haya oo jiidaya toddobaatan kun oo malag.”(Muslim).
Nucmaan ibn Bashiir Alle ha ka raali noqde wuxuu yiri: waxaan maqlay Nabiga(S.C.W.). oo leh: Cadaabta ugu fudud Naarta dhexdeeda waxay ahaan doontaa in laba dhuxulood oo dab ah la dhigi doono labada rays ma gaarto ee qofka dambiilaha ah markaas ayaa maskaxdiisu karkari doontaa. Wuxuu isu arki doonaa inuu yahay qofka ugu cadaab weyn Naarta dhexdeeda isagaana u Cadaab fudud. (Bukhaari iyo Muslim).
Samurah ibn Jundub Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). Wuxuu yiri: Dadka qaarkood oo Naarta mutaystay waxay Naartu u joogaysaa ilaa iyo anqawyadooda qaar ilaa laawyahooda, qaar ilaa iyo guntimahooda, qaarna ilaa iyo kalxamahooda waxaana is waafaqsan falalka iyo dambiyadooda.(Muslim).
Ibni Cumar Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Maalinta qiyaamaha goorta ay dadku istaagi doonaan Alla weyne horti, qaarkood waxaa qarqin doona dhididkooda oo qarinaya ilaa iyo dhegahooda.
Anas Alle ha ka raalli noqde wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.). noo jeediyay khudbo aanan weligay iyadoo kale maqal, khudbaddaas oo uu ku yiri: haddaad ogaan lahaydeen waxaan ogahay, in yar baad qosli lahaydeen, in badanna waad ooyi lahaydeen.’
Markaasaa intii joogtay meesha ee khudbadda dhagaysaneysay wada qarracantay oo wada oyday.’ (Bukhaari iyo Muslim). werin kale ayaa waxay leedahay: warbixinno la xariira Asxaabta ayaa Nabiga soo gaartay. Markaasuu khudbeeyay oo yiri: Jannada iyo Naarta la i tusay, marna ma arag ilaa maantadaan la joogo wax la mid ah Labadaa dheefta iyo dhibaatada ay kala leeyihiin. Haddii aad ogaan lahaydeen waxa aan ogahay, in yar baad qosli lahaydeen in badanna waad ooyi lahaydeen. Taasi waxay ahayd maalintii iigu naxdin iyo Qarracan badnayd Asaxaabtii Nabiga (S.C.W.). waxay dabooleen wajiyadoodii billaabeenna inay kor u ooyaan.! Waxaana caddayn noogu filan aayaddaan haddaan sii bidhaamiyo xadiiskaan, qiimaha badan ee u fiirso say isu waafaqayaan Xadiiska iyo aayaddu, amarka Ilaahay:
فَلْيَضْحَكُوا قَلِيلًا وَلْيَبْكُوا كَثِيرًا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ ﴿٨٢﴾
Wax yar qosla waxbadanna ooya.’
(Suuradda Al-Towba Aayadda 82).
F,G Axaadiista aan kusoo qaatay mowdoocaan Ka cabsashada Eebbe waxaan ka soo xigtay Kutubka (Riyaalus-saixiin beertii Suubbanayaasha).
tirsigooduna waa sidaan:
(396, 397, 398, 399, 400, 40). Waana axaadiis sugan oo saxiix wada ah!” Eebbe hanaga dhigo kuwii Allaah(S.W.). kaliya caabuda kuna sugnaada Diintooda Suubban!”