“Waddada Suubban: Q9AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waddada Suubban: Q9AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Waa inaan dunida lagu talax tegin laguna raalli noqdo wixii calaf ah ee aad hesho haba kuu yaraadaane!” (Mowduucii labaad).

Moowduucaanu wuxuu toos ula xariiraa qormadaan soo qaadannay Jimcihi hore.

Camar ibn Coof (A.K.N.). wuxuu yiri: Nabiga (S.C.W.). wuxuu diray Abuu Cubaydah Ibn al-Jarraax(A.K.R.). inuu jisyadii “Sako” soo qaado, markaasuu ka keenay Baxreyn Xoolo. Markay Ansaartii ogaadeen arrintaa, waxay ku kulmeen salaaddii subax oo ay lasoo dukadeen Nabiga(S.C.W.). markii uu Nabigu salaaddii ka baxay ayuu iska tegay markaasay istuseen. Markuu arkay ayuu dhoolla caddeeyay oo yiri: waxaan u maleeynayaa inaad ogaateen in Abuu Cubaydah wax ka keenay Baxreyn? Waxay yiraahdeen haa: waa sidaas Rasuul Alloow (S.C.W.). wuxuu yiri: farxa, oo wax aad ku raalli noqotaan fisha, Eebbe ayaan ku dhaaranayaa ma ahan faqrigiinna waxa aan idiinkaga welwelsanahay. Waxaan ka welwelsanahay waa in Adduunyada la idiin furi doono, laydin siin doono dhul iyo deeq tiro badan. Sidii qaruumihii idinka horeeyayba loo siiyay, markaasaad billaabeysaan inaad ku tartantaan sidii ay iyaguba ugu tartameen, Arrintaa ciribteeduna waxay noqoneysaa in aad Adduunkaan ku tartankiinna wax badsiga iyo Xoola doonka aad ku rogman doontaan, sidayba ugu rogmadeen ummadihii idinka horreeyay.’
(Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Saciid Al-khudri (A.K.R.). wuxuu yiri: mar waxaa dhacday in Nabigu (S.C.W.). fadhiistay minbarka, annaguna hareerihiisaan fadhiisannay. Wuxuu markaas yiri: waxyaalaha aan idiinka baqayo markaan Adduunkaan ka tago waxaa waaye Xoolaha iyo deeqda iyo quruxda Adduun ee irdaheeda la idiin balliqi doono, taasoo ku imaan doonta guulaha aad gaari doontaan. (Bukhaari iyo muslim).

Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Adduunyadu waa doog, waana macaan tahay “yacni waxaa ka buuxa deeq iyo waxyaalo wanaagsan oo badan” Allena waa idiin dhiibi doonaa, oo wuxuu eegi doonaa wixii aad fashaan. Ee iska jira Adduunyadaan iyo Dumarkaba, “Macnaha waa iska jira inaad ku talaxtagtaan dunida heer aad iloowdaan u camal falashada Aakhiro” iyo inaad sameeysataan wax cadaab Alle iyo caradiisa idinka badbaadsha, iskana jira dhillaysiga iyo u teged xaaraan ah iyo guud ahaan faaxishada. (Muslim).

Anas Bin Maalik (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Alloow! Raaxo ma jirto, aan aheyn raaxada Aakhiro. (Bukhaari iyo Muslim).

Anas Bin Maalik wuxuu yiri: Nabiga (S.C.W.). wuxuu yiri: Seddex waxyaalood ayaa raaca meydka: Ehelkiisa, Maalkiisa, iyo Camalkiisa, Labada hore waa kasoo noqdaan “Ehelkiisa iyo Maalkiisa” kan seddexaadna waa ku harayaa “oo ah Camalkiisa” (Bukhaari).

Anas bin Maalik (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: ninkii Adduunyada ugu maalka iyo barwaaqada badnaa ee Naarta mutaystay ayaa la keenayaa maalinta qiyaamaha, waxaana la tiimbin doonaa Naarta oo la weydiinayaa: ina Aadanoow waligaa khayr isha ma saartay, wax nimco iyo baraaqo ahse ma la kulantay? Wuxuu dhihi doonaa: Alle ayaan ku dhaaranayaa! Ee maya, Rabbiyoow!
Misna kii u rafaad iyo silic badnaa Adduunyada ee Jannada mutaystay ayaa la keeni doonaa waxaana la tiimbinayaa, dhumbinayaa hal dhunbo webiga Jannada oo dabadeed la weydiinaa: Ina Aadanoow, waligaa rafaad il ma saartay, Dhibse ma ku soo gaaray? Wuxuu dhihi doonaa: Alle baan ku dhaartaye! Waligeey ma arag rafaad; wax dhib ahna imasoo marin.
(Muslim).

Mustowrid bin Shaddaad (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). Wuxuu yiri: qiimaha Adduunyadu marka loo eego Aakhirada waa sida midkiin oo fartiisa daray badweynta ama webi oo haddana fiiriya intaay biya soo qaadi karto markuu kasoo bixiyo. (MUSLIM).

Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabiga (S.C.W.). Oo ay wehliyaan qaar asaxaabtiisa ka mid ahaa, ayaa wuxuu maray suuqa, markuu arkay “Orgi” dhukan oo bakhti ah oo meel yaal. intuu dhegta qabtay ayuu yiri: keennee rabi lahaa inuu derham siisto? Waxay yiraahdeen: wax aan siisan laheyn majiraan haba yaraatee. Waayo wax faa’iido ah oo nooga muuqataa ma jirto. markaa ayuu haddana weydiiyay: Ma idinku jiraa mid rabi lahaa in loo hadiyeeyo? Waxay ku jawaabeen: hadduu nool yahay ayaaba ceeb ahaan laheyd waayoo waa wax dhukan, warkiisna haba sheegin isagoo bakhti ah. Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Alle baan ku dhaarane! Adduunyada ayaa ka sii liidata Eebbe agtii sida kaasu agtiinna ka yahay. (Muslim).

Abuu Darr (A.K.R.). wuxuu yiri: waxaan la socday Nabiga (S.C.W.). tog dhagax ah oo Madiinaad markaan gaarnay ka soo horjeedka buurta “Uxud” ayuu ii yeeray aniguna waa u jawaabay oo iri: haah! waa i kan, halkaanna waxaan u joogaa adeegga iyo howshaada rasuul Alloow (S.C.W.). wuxuu yiri: haddii aan haysan lahaa dahab la’eg buurtaan Uxud, ima farxad galiseen inuu hal Diinaar iiga sii yaallo markay Seddex maalmood soo wareegto, Waxaan u reebto maahee inaan deyn isaga bixiyo, Waxaan u qeybin lahaa Addoomaha Alle sidaas iyo sidaas iyo sidaas xagga midigta iyo xagga bidix iyo xagga dambaba. Dabadeedna waa sii socoday wuxuuna yiri: kuwa dadka ugu maalka badan ayaa u ajir yaraan doona maalinta qiyaame, marka laga reebo kuwa u bixiya maalkooda Sako iyo saddaqo ahaan sidaan iyo sidaan iyo sidaan xagga midigta iyo xagga bidixda iyo xagga dambaba laakiinse kuwaasi waa fara ku tiris:

Dabadeedna wuxuu yiri: Halkaan sii joog oo ha ka tagin ilaa aan kuu imaado. Markaasuu usii socday mugdigii muuqiisiina aan waayay, mar dambaan waxaan maqlay cod dheer, waxaana i galay cabsi in Nabigii (S.C.W.). cidi wax yeeshay, waxaan damcay inaan soo aado oo raad qaado laakiinse waxaan xasuustay hadalkiisii ahaa ha dhaqaaqin ilaa aan ka soo noqdo. waa iska joogay oo halkaygii kama dhaqaaqin ilaa uu iiga yimid waxaana ku iri: waxaan maqlay dhawaaq i cabsi galiyay, waxaanse xasuustay inaad i fartay oo aad iga celisay inaan kusoo raadsho. wuxuu yiri: oo ma maqleysay? waxaan ku jawaabay: Haah! Wuxuu yiri: wuxuu ahaa Malag Jibriil (C.S.). oo ii yimid yirina: Qofkii dhinta oo ummaddaada ka mid ah oo aan Eebbe wax u shariig yeelin wuxuu gali doonaa Jannada. waxaan iri: ma xataa hadduu galo dembi ah dhillaysi iyo xatooyo? Wuxuu yiri: Haah! xitaa haddii uu dembaabay oo dhillanimo iyo xatooyo la yimid.

Axaadiista aan kusoo qaatay ee Kutubka (Riyaalus-saalixiin, Beertii Suubbanayaasha). Raqam tireedkoodu waa sidaan: 457, 458, 459, 460, 461, 462, 463, 464, 465. Eebbe Ha noo dembi dhaafo, hana nagu sugo Diintayna Suubban.

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”
Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN