“Waddada Suubban. Q1AAD W/D/ Xasan Shirib-maal

“Waddada Suubban” Q 1AAD

Haku Mashquulin Firqooyin, Ee Naftaada Ku Mashquul!”

“Sharafta iyo Ahmiyadda  Axaadiista Rasuulkii “Eebbe”   Muxamed(S.C.W) 
Qiimaha ruuxiga iyo Aadaabeed Ay leeyihiin ka Sokow, Waxaa weyneya oy Sharci u tahay Seddex meelood Hal meel Dadka dhulka dushiisa ku nool! 
Hab nololeedkii Nabiga (S.C.W) iyo Hadalladiisiina waa u fasir Qur’aanka iyo Dhameestir; Qofka muslimka ahi waa suura gal inow weydiiyo Sugnaanta “Xadiis Ama fal Nabiga laga sheegay”(S.C.W). Laakin mar allaale iyo markow sugnaateeda ogaado, waa ku waajib qofkaa inow ugu Camal falaa sidii Aayad Qur’aan ah!

Qur’aanka iyo Axaasiista Nabiga(S.C.W.) Waa meesha kaliya ay kasoo fulaan Sharciga iyo Xukunka Islaamka: Qur’aankuna waa Hadalkii “Eebbe” (S.W). Ee loo waxyooday Nabiga Suubban(S.C.W) Wuxuuna u yahay muslimiinta meel kasta oo ay joogaan Adduunka dushiisa Isha koobaad ee aan ka hadalka laheyn, iyo ilaaliyaha Xukuma Xeerarka oo idil!’

Nabigeeynnii Muxammad(S.C.W). Waa Rasuulkii u dambeeyay Ee lagu gunaanaday  Rusushii “Eebbe” Laga soo billaabo, Nabiyullaahi Nuux” oo ah kan ay ka bilaawdaan Rususha Eebbe sidaa aawgeed waxaa lagu khatimay, Nabi Nuurre, (S.C.W.). Risaaladiisuna waa fariintii u dambeeysay ee “Eebbe” Usoo diro Addoomihiisa Nabi Ka dambeeyaana majiro Sida Aawgeed “Alle” Uma waxyoon oo kaliya Risaaladiisa Nabiga(S.C.W) Ee wuxuu ka dhigay Tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan Aadanuhu, waxuuna u doortay inow noqdo gura Dambeedkiisii Rususha, Dige iyo Hanuuniye u ah Dadka iyo dunida guud ahaan Insaanka ku nool, waxaana lagu waajibiyay insaanka qof kasta inay raacdo!’

Nabigu(S.C.W.). wuxuu kulansaday wax kasta oo wanaag ah xagga Akhlaaqda, dabeecadda iyo Dhaqankaba; wuxuuna ahaa mid ku dhaqma kuna socda waxii loogu waxyooday oo Lagu faray Qur’aanka:
“Alle” iyo Sunnada. Eebbe weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

 لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّـهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّـهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّـهَ كَثِيرًا ﴿٢١﴾.

“Waxaa idiin ku sugan Rasuulka Eebbe Muxammadd (N.N.K.H). Tusaale wanaagsan ee ku dayasho leh!’ (Suuradda al-Axsaab, Aayadda. 21).

“Rasuulki Eebbe”(S.C.W). Waxuu ahaa matal wanaagsan oo lagu daydo Lana raaco; waxuu ahaa qur’aan dhulka ku socda Dhinac kasta falalkiisa oo dhan dhaqankiisa gurigiisa dhexdiisa iyo dibaddiisaba waa wax qoran oo xafidan, iyagoo faahfaahsan si ay u noqoto hanuun iyo tusaale iyo ileys Aadanuhu Iftiinsado! Aragtida iyo qabitaankaana Waxaan ka qaadeeynaa Qur’aanka kariimka ah, gaar ahaan Aayadahaan kusoo Arooray,

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
وَالنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ ﴿١﴾ مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ ﴿٢﴾ وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ ﴿٣﴾ إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ ﴿٤﴾ عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ  ﴿٥﴾ .

Waa igu Xiddiga markuu hoobto,e Saaxibkiin waxaa loola jeedaa Nabiga S.C.W).
Ma dhumin, Xaqana kama leexan, kumana hadlo hawadiisa, iyo Hadal tororog ah, ee hadalkiisu waa waxyi xagga “Eebbe” Uga yimaada! Waxaana wax baray oo xagga Eebbe kasoo gaarsiiyay ju xoog weyn,  (Malakul-Jibriil). (Suuradda An-najmi, Aayadaha, 1-5).

Hadaba iyadoo la eegayo ahmiyadda  ay u leeyihiin hadallada iyo dhaqanka Nabigu(S.C.W). Hanuunkeenna waxaa laga ma maarmaan ah in qof kasta oo Muslim ku adkeeyaa aqoontiisa, Qur’aanka, oo uu raaciyo, tan Axaadiista Nabiga(S.C.W.). ee saxiixa wada ah.

Waa Xaqiiq dhab ah oo jirta in meesha uu Qur’aanku ka yahay Hadalkii “Eebbe” Sunnadu sidaa aheyn! Luqada Labadaba wey kala duwanyihiin Dadka aqoonta u leh, Afka Carabiga si fudud ayeey u kala saari karaan,Qur’aanka iyo axaadiista. Shaki Li’i waa mucjiso Xagga sare ka ahaatay ee aan la la tartami karin isagoo kalena la keeni karin, “Insi Ama jin majiro ruux keeni kara Xitaa Aayad Qur’aan Ah” sidaa aawgeed Aayadaha Qur’aanka waxaa ugu dheer aayaddaan ku jirta “Suuratul Baqara” ee lagu magacaabo “idaa ta daayaan” 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا تَدَايَنتُم بِدَيْنٍ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى فَاكْتُبُوهُ ۚوَلْيَكْتُب بَّيْنَكُمْ كَاتِبٌ بِالْعَدْلِ ۚ وَلَا يَأْبَ كَاتِبٌ أَن يَكْتُبَ كَمَا عَلَّمَهُ اللَّـهُ ۚ فَلْيَكْتُبْ وَلْيُمْلِلِ الَّذِي عَلَيْهِ الْحَقُّ وَلْيَتَّقِ اللَّـهَ رَبَّهُ وَلَا يَبْخَسْ مِنْهُ شَيْئًا ۚ فَإِن كَانَ الَّذِي عَلَيْهِ الْحَقُّ سَفِيهًا أَوْ ضَعِيفًا أَوْ لَا يَسْتَطِيعُ أَن يُمِلَّ هُوَ فَلْيُمْلِلْ وَلِيُّهُ بِالْعَدْلِ ۚ وَاسْتَشْهِدُوا شَهِيدَيْنِ مِن رِّجَالِكُمْ ۖ فَإِن لَّمْ يَكُونَا رَجُلَيْنِ فَرَجُلٌ وَامْرَأَتَانِ مِمَّن تَرْضَوْنَ مِنَ الشُّهَدَاءِ أَن تَضِلَّ إِحْدَاهُمَا فَتُذَكِّرَ إِحْدَاهُمَا الْأُخْرَىٰ ۚ وَلَا يَأْبَ الشُّهَدَاءُ إِذَا مَا دُعُوا ۚ وَلَا تَسْأَمُوا أَن تَكْتُبُوهُ صَغِيرًا أَوْ كَبِيرًا إِلَىٰ أَجَلِهِ ۚ ذَٰلِكُمْ أَقْسَطُ عِندَ اللَّـهِ وَأَقْوَمُ لِلشَّهَادَةِ وَأَدْنَىٰ أَلَّا تَرْتَابُوا ۖ إِلَّا أَن تَكُونَ تِجَارَةً حَاضِرَةً تُدِيرُونَهَا بَيْنَكُمْ فَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ أَلَّا تَكْتُبُوهَا ۗ وَأَشْهِدُوا إِذَا تَبَايَعْتُمْ ۚ وَلَا يُضَارَّ كَاتِبٌ وَلَا شَهِيدٌ ۚ وَإِن تَفْعَلُوا فَإِنَّهُ فُسُوقٌ بِكُمْ ۗ وَاتَّقُوا اللَّـهَ ۖ وَيُعَلِّمُكُمُ اللَّـهُ ۗ وَاللَّـهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ﴿٢٨٢﴾.
waxaana ugu gaaban Aayaddaan ku jirta: “Suuratul Muddasir” 
 ثُمَّ نَظَرَ ﴿٢١﴾ .
Inow mucjis yahay Qur’aanku maanta oo laga joogo 1438 sano, wali waa la la’yahay qof ku kordhisa xitaa hal xaraf ama hal aayad ugu badnaan, sidaa aawgeed, waano iyo ku cibra qaadasho intaasaa noogu filan oo ruux Islaamnimo aaminsan shaki ugama jiro taas. Waana taxaddi Joogta ah cid ku dhaceeysaana jirin, ineey yiraahdaan  anigaa isagoo kale keeneyna, 1438 sano waqti laga joogo, ilaa maantadaan la joogo Qur’aanku waa mucjiso nool iyo xujo muujineeysa runta iyo xaq nimada Nabiga (S.C.W). Iyo Islaamka.

Si kastaba arintu ha ahaatee
Luqadda Axaadiista inkastoo ay heer ahaan gaareyn Luqadda Qur’aanka , waxeey iyaduna ka sarreysaa Qoraallada iyo dhahdooyinka dadka iyo hal curinnadooda oo idil. Waxaa lagu tilmaamaa Luuqda axaadiiista luuq sare, oo murti badan, oo wanaag iyo qurux leh iyo hal dhac cajiib ah weyna ka heer sarreeysaa luqadaha kale ee Afka Carbeed dhamaantood!’

Qur’aanka kaddib Axaadiista iyo sunnaha Nabiga(S.C.W).  Waxay ka qaateen kaalin weyn iyo qeyb libaax leh sameynta iyo hormarinta xeerarka iyo Sharciga islaamka. Waana Qur’aanka iyo sunnada masdarka qura ee diinta, Haddeey tahay qabitaan cibaado Akhlaaq iyo macaamiil qur’aanka iyo Sunnadu waxay ka kooban yihiin qodobbo iyo mabaadii’ la xariira qeybaha kala gedisan ee Nolosha qofka muslimka ah sidaa aawgeed haddii uusan Qofka muslimka ah aqoon u laheyn Axaadiista iyo Sunnaha Nabiga(S.C.W). Way ku adkaaneysaa, inow ku noolaado, Nolol wanaagsan oo aayo iyo aayatiin ba leh, Adduun iyo Aakhiro. Ama inuu ka hor tago Dhibaatooyinka Nolosha ama inuu ogaado xuquuda uu leeyahay iyo midda asiga lagu leeyahay, iyo waa jibaaadka laga rabo!’

Sidaan kor kusoo xusaba, Axaadiista Nabiga(S.C.W.). iyo Sunnuhu Waxay ka kooban yihiin qodobbo Saameynaya qaybaha Nolosha oo dhan waxaana waaye dhab ahaantii khasnadda iyo Isha laga cabo dabeecadaha wanaagsan iyo dhaqanka suubban ee guntoodu Tahay hormarinta nolosha Qofka Adduun iyo Aakhiroba.

Inaad qaaddo dhabbaha Nabiga(S.C.W). oo raadkiisa raacdo waa inay noqotaa hadafka iyo ujeeddada aad higsaneeyso si aad u gaarto guul iyo Liibaan iyo badbaado Adduun iyo aakhiriba:

Eebbe weyne waxaa uu  yiri:

 قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّـهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّـهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ ۗ وَاللَّـهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ﴿٣١﴾ .

“Ku dheh Muxammadoow! (S.C.W.). Dadka, Haddii aad “Eebbe” Jeceshihiin, aniga isoo raaca markaas ayaa “Eebbe” idin Jeclaanayaahe!” (Suuradda, al-Cimro Aayadda. 31).

Waxaa kaloo Eebbe weyne kor ahaayee yiri:

 إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا ﴿٨﴾ لِّتُؤْمِنُوا بِاللَّـهِ وَرَسُولِهِ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُ وَتُسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا ﴿٩﴾

Annagaa ku dirnay Nabiyoow, si aad marag, bishaareeye iyo dige u ahaato si aad adinkuna Dadoow “Eebbe” u rumeeysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan una weyneysaan  “Allena u Huftan aroor iyo galabba.’ (Suuradda, al-Fatxi Aayadaha. 8-9).

Sidaa aawgeed raac “Waddada Suubban” ee aan ka soo hadalnay iyo dhabbaha Eebbe u jeexay Addoomihiisa Nabi Nuurrena noo jeexay inaan raadkiisa qaadno si aanan ugu dhumin waddooyin kale oo qarda jeex ah ama haagaan iyo hog dheer nagu ridaya, Eebbe ha inaga badbaadiyee, haddaba intaad dhexda ku dhumi laheyd, ama aad la safan lahayd  Firqo iyo qolo gaar ah adoo firqo iyo qola kale Fogeynaya, ogoow Diinta iyo dhabbahaas Nabigu(S.C.W.). noo jeexay cid kaa xigtaahu ma jirto, ee qola gaara u daba fadhiisato waa kuu aqoon yaro, iyo hubsiino la’aan!”

Wixii aan saxay Eebbe xaggiisa ayeey ka ahaadeen, wixii aan qaldana sheddaan xaggiisa ayey ka ahaadeen, ee Eebbe ha iga cafiyo adiga iyo anigana Eebbe ha naga dhigo kuwii ku aroora dhabbahaas sugan ee aan qal-qallooca laheyn!’ 

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo!” W/D/ Xasan Shirib-maal

SHEEKOOYIN