WADDADA SUUBBAN Q2AAD W/Q. Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

WADDADA SUUBBAN  Q2AAD
 
“Islaamku waa manhaj iyo hannaan dhisaya qeyb kasta oo nolosheyna ka mid ah waana risaaladii u dambeysay ee ka timaadda  xagga “Eebbe” (S.W.T.).
Islaamku waxuu dejiyay nidaam iyo Xeer, oo uu u jeexay dhabbo wanaagsan. dhinac kastana nolosheyna wuxuu u yahay hiigsi iyo hab nololeed sare iyo caqiido wanaagsan, oo miro iyo camal fal leh noona ah lama dhaafaan, iyo lagama weecdaan!”

Beryihii hore  axaadiista Nabiga(S.C.W.). iyo sunnahaba waxaa dusha ka qabtay, ama ka xifdin jiray reerihiisa iyo asaxaabtiisa waqtigiisa noolaa gaar ahaan  kuwii ugu dhawaa oo helay fursadda iyo wanaagga la socodiisa Nabiga (S.C.W.). dadku waxay ahaayeen kuwa meel wanaagsan jooga si ay u maqlaan una xafidaan dhaqanka iyo hadallada Nabiga(S.C.W.). dadkii ururiyay ama weriyay axaadiista iyo falalkii Nabiga (S.C.W.). Waxay ahaayeen dad suubban oo aad u dhowrsoon, oo leh dhaqan iyo dabeecad heer sarreysa! dad kaa daacadda iyo “Eebbe” ka cabsida badan waxay yeeli jireen ineey qoraan ama korka ka qabtaan Axaadiista iyo Sunnaha Nabiga(S.C.W.).

Baahida loo qabo xadiisyada aawgeed waxay dadka aqoonta u leh ee dusha ka haya ka aqrin jireen goobo iyo rugag lay sugu yimaado oo kala duwan, sida masaajidda iyo meelaha lagu kulmo inkastoo in badan oo ka mid ah axaadiista la qoray tiro badan oo wax ku ool ah ayaa ku xifdisaneyd quluubta Asaxaabtii aadka uga ag dhawaa Nabiga(S.C.W.).

Mudda kaddib fitnadii ka dhex dhacday taageerayaashii Cali bin Abii daalib(R.C.). Iyo “Mucaawiye” waxay qolo waliba billaawday, Inay soo saarto Axaadiis amarro iyo tusaalooyin Nabiga la gasoo xigtay(S.C.W.). Si ay u difaacaan aragtidooda iyo mowqifkooda:

Waqtigaa ayayna billaabmeen kooxo munaafiqiin ah inay soo saaraan Axaadiis “Been abuur ah” oo ay u tirinayaan Nabiga Suubban(S.C.W.). Waxayna qoladaa munaafiqiinta ah axaadiis badan oo been ah ku dhex dareen kuwa run ah. Si looga hortago arrintaa oo loo joojiyo waxaa la dareemay baahida iyo siday lagama maarmaan u tahay in lasoo saaro hab lagu baaro oo looga hortago, faafitaanka xadiisyada aan la hubin oo aan ka sugnaan Nabiga(S.C.W.). hab suura galinaya in laga sooco Xadiisyada saxdaa kuwa beenta ah ama daciifka ah ee aan sugneyn!’

Sannadkii (101). Hijradii kaddib Cumar Ibn Cabdulcasiis oo ahaa madaxweyne Eebbe yaqaan ah oo dhowrsoon oo reer Banii Ummayad Ah, ayaa wuxuu magacaabay, Culimo aqoon dheer leh si ay usoo saaraan Xadiisyada saxiixa ah oo ay uga soocan kuwa kale ee aan jirin, Culimadaa Eebbe yaqaannada ahaa waxay dejiyeen xeerar iyo habab lagu helo halka ay kasoo fuleen axaadiista iyo warbixin la xariirta nolosha weriyayaasha Xadiiska iyagoo fiiro gaar ah siinayay aragtidooda iyo aqoontooda Diiniga ah iyo dhaqankooda suubban. Dadaalkii Culimada waxaa kasoo baxay oo ka dhashay Culuum ay kamid yihiin  “Cilmul-Xadiis” oo ah Aqoonta Xadiiska!’
“Cilmu-rijaal” Oo ah ‘Aqoonsiga Ragga xadiiska weriyey! iyo “Cilmul-Asmaa” oo ah “Cilmiga magacyada” Sidaa ayayna ku bilaabatay in la marsiiyo xadiis kasta baaritaan adag, oo laga fiiriyo xagga luuqda, qaabka erayada, iyo macnahaba, dabadeedna fikradda ama mowduuciisa sida uu u waafaqayo Qur’aanka kariimka ah, iyo axaadiista kale iyo sida uu ula jaanqaadi karo dhacdooyinka Taariikhiga ah ee sugan!’

Intaas ka dib “Silsilad kasta oo taxan ee weriyayaasha waxaa la marsiinayay baaritaan taariikhdooda, runtooda, awooddooda, xifdinta iyo xusuusta, dhaqankooda, waxaana arrintaa aasaas iyo saldhigba u ahaa xeerarka iyo qodobbada loo dejiyay “Cilmu-Rijaalka” iyo baaritaanka iyo  nolosha gaarka ah ee sida faah-faahsan loo hayay ee la xariiray asaxaabtii Rasuulka (S.C.W.). Iyo taabiciintoodii: Baaritaankaas iyo shaqadaa adag ay ka yimaadeen Culimadaas waxaa ka dhashay in la qoro “Kitaabbo kala duwan” oo faah-faahsan  ee ka hadlaya noloshii weriyayaasha, gaar ahaan dhaqanka iyo dabeecaddoodii, hufnaanta iyo runtoodi: 
Habkaan waxaa aad lasugu duway Cilmiga qaar ka mid ah ee la xariira weriyayaasha ama ururiyayaasha  “Axaadiista” oo si wanaagsan looga shaqeeyay oo kalsooni leh waxaa ka mid ahaa raggii ka shaqeeyay Cilmul-Xadiiska, oo gacanta wanaagsan ka geestay: “Ibni Shihaab As-zuhri iyo abuu Bakar Ibn Xazam”
Fikradda la xariirta sida loogu dadaalay iyo shaqada lagu bixiyay ururinta iyo kala soocidda Axaadiista waxay kaaga muuqan karaan Tusaalooyinkaan soo socda:

1. Ayuub Al-ansaari wuxuu ka dhoofay magaalada “Maddiina” wuxuuna aaday “MASAR” si uu uga keeno, “hal xadiis” 

2. Jaabir Bin Cabdullaah waxuu ahaa safar bil si uu “hal xadiis” uga keeno, Cabdullaahi  Bin Anas; aruuriye kale ee ku howlanaa aruurinta axaadiista Nabiga (S.C.W.).  Wuxuu ogaaday oo loo sheegay nin hal xadiis haya sidaa ayuuna ugu dhoofay, ama u aaday,  asigoo aad u jecel inow ninkaa la sheegay la kulmo, markii uu gaaray deegaankiisii ayow dadka weeydiiyay ninkii loo shegay, markaasaa loo tilmaamay oo la yiri waa ninkaa: waxuu arkay ninkii oo is ku dayaya inow qabto faras uu lahaa isagoo ku dagayay, ama ku dabaya si uu u qabto faraskiisa weel meran oo aan waxba ku jirin! Ugana dhigayay faraska in Cows ugu jiro, iyo raashin, ururiyihii markow arkay ninkaan oo xoolo been ku qabanaya, dagaya wuxuu ka qaatay fikrad ah inuusan aheyn nin buuxinaya shuruuddii  laga rabay  ruuxa laga xigan karo hadalladii Nabiga(S.C.W.). Waxuuna is yiri: kan xadiis lagama xigan karo, sidaa ayowna isaga laabtay, gurigiisii  asigoo aan la hadlin ninkii!” Meeshaas waxaa kaaga muuqanaya sida loogu dadaalayay arurinta axaadiista Nabiga (S.C.W.). iyo sida looga dhowrayay oo looga hortagay wax kasta oo khalad ah oo la gelin karo. Si ay facyada dambe u gaaraan Xadiisyadu iyagoo sugan, laguna kalsoon yahay oo aan innaba shaki iyo mugdi laheyn:

Qarinigii labaad (2). ee Hijriyada  iyo waxii ka dambeeyayba Culimo badan ayaa ka shaqeeyay arrimahaan oo ka tegay kayd dhaxal gal ah oo la xiriira calaameynta iyo hab kala saaridda axaadiista: waxaa ka mid ahaa Culimadaas sharafta badan, “Abuu Jurayj oo magaalada Maka degganaa”

“Imaam Maalik oo magaalada Maddiina degganaa”

“Imaam Sufyaan as-sawri oo degganaa Kuufa Ciraaq”

“Imaam. Xammad bin Salma oo degganaa Basra Ciraaq”

“Imaam Cabdullaahi Ibn Mubaarik oo degganaa Khurusaan Oosbikistaan!”

Imaam Awzaaci oo degganaa “Suuriya”

Imaam abuu Xaniifa Oo degganaa “Ciraaq” Imaam Abuu Xaniifa waa aasaasaha Mad-habka iyo madarasada” XANAFIYADDA”

“IMAAM MAALIK Waa aasaasaha Mad-habka iyo madarasadda “MAALIKIYADDA”

“IMAAM SHAAFICI Waa aasaasaha Mad-Habka iyo Madarasada “SHAAFICIYADDA” Oo dadkeeyna Soomaaliyeed ee Islaamka sugan ahi ay heystaan.

“IMAAM AXMED BIN XAMBAL waa aasaasaha mad-habka iyo madarasadda “XAMBALIYADDA”

Ha yeeshee shaqadaan la qabtay ilaa markaa oo aad u qiima badneyd ma aheyn mid dhan, Tusaale ahaan Kitaabka Al-muwadda,  ee uu Imaam Maalik qoray,  wuxuu kusoo  ururiyay oo kaliya (1700). oo axaadiista Nabiga ah (S.C.W.). Waxayse taabteen oo kaliya rrimo la xariira “Salaadda, Soonka, Xajka’ IWM!”

Sidaa aawgeed waxaa loo baahday in la sameeyo, Camallo dhamaystiran oo dhinac kasta taabanaya oo lagu daro mawaadiicda kale oo dhan, lana waa siciyo arrimaha ay taabanayaan si ay uga faa’iideestaan Dunida muslimka oo dhan; Arrintaa iyagoo ka duulaya ayeey qaadeen Culimo kale tallaabo hor leh oo lagu baarayo
Sugnaanta “Axaadiista” waxaana arrintaa u dhaqaaqay

IMAAM MUSLIM, (181A.H.).     
Iyo IMAAM BUKHAARI, (256.H.).

Muhiimmada koobaad ee shaqadooda waxay aheyd in la baaro magacyada Silsilada is daba taxan ee “Xadiiska” Yacni in la fiiriyo qofba qofkuu ka werinayo Ilaa laga gaaro weriyaha Nabiga ka maqlay ama ka werinayo falka (S.C.W.). Waxaa arrintaa mid mid u eegidda bar bar socotay baaritaan hoose ee dhab loo faaqidayay akhlaaqda, dhaqanka, runta, garashada, iyo xasuusta, qof kasta oo ka mid ah weriyayaasha “Xadiiska” “Imaam Bukhaari” Wuxuu dadaal gaar ah kusii bixiyay inow sameeyo baaritaan qoto dheer kana soo saaro kuwa ugu saxsan kumanaanka kun  “XADIIS” ee markaa wareegeysanayay,  Wuxuuna kala soo baxay, (600,000 ‘Lix boqol kun xaddiis’ oo hortiisa  yiil oo kaliya (7275- Todobbo kun laba boqol todobaatan iyo shan, xaddiis). Wuxuuna ku qoray Kitaabkiisa “Saxiixul- Bukhaari”

Sidoo kale “Imaam Muslim” wuxuu ka doortay oo kala soo baxay (300,000 seddax boqol kun,  oo xaddiis oo hortiisa tiillay, kaliya 9200 Sagaal kun iyo laba boqol, xaddiis). Wuxuuna ku qoray Kitaabkiisa Saxiixul-Muslim; Xaddiisyadaa ay soo doorteen Imaam Bukhaari  iyo Imaam Muslim waa axaadiis ay aad u xurmeeyaan Muslimiinto, uguna weyn. Waxayna u arkaan inay ku xigaan Qur’aanka kariimka ah!”

Muddo kaddib labadaa Kitaab waxaa soo raacay, (4-Afar Kutub oo loo yaqaan sunanta afarta ah). oo Kala ah:

“Imaam abuu Daawuud 275 Hijradii Kaddib’


“Imaam Tirmidi 279 Hijradii Kaddib!’

“Imaam Ibni Maajah 295 Hijradii Kaddib!’

“Imaam Nisaa’i 303 Hijradii kaddib.

Waxaa sidoo kale jira ururin muhiim ah uu leeyahay, “Imaam Axmed bin Xambal 241 Hijradii Kaddib!” oo loo yaqaan, “MUSNID IMAAM AXMED” Ururinta xadiisyada iyo sunnaha Nabiga (S.C.W.). Ahmiyaddooda Diineed ka sokow waa axaadiis saxiix ah oo sugan iyo qorid maalin kasta ah oo la xariirta dhacdooyinka taariikheed ee maalmihii hore ee Islaamka: 

Xadiisyada lasoo aruriyay aad ayay u badan yihiin  waaba qabyo tiro badan, oo aan u fududeyn qof kasta inow aqriyo, fahmo, oo uu xusuusnaado si uu ugu camal falo! sidaa awgeed waxay aheyd  lagama maarmaan in la diyaariyo oo la isku dubbarido “KUTUBBO” Ka kooban  axaadiis xul ah oo muhiim ah nolosha qofka Muslimka ah, si ay uga faa’ideestaan kuwa aan fursadda badan u heli karin ineey aqriyaan oo ka faa’ideestaan “KUTUBTA” badan ee la xariirta “Axaadiista” Nabiga (S.C.W.). Hadaba “KUTUBKA” Shuruudahaa buuxin kara waxaa ka mid ah ‘KUTUBKA, La yiraahdo oo la magac baxay “Riyaadu-Saalixiin” Ama “Beertii Suubbanayaasha” oo laba qeybood ah, waxaana qoray Caalimkii iyo Muxaddiskii weynaa ee “Imaam Muxyaddiin  abuu Sakariya Yaxyaa bin Sharaf  An-nawaawi” oo ku dhashay “Nawaa” oo ah magaalo ku taal “SUURIYA” Sheekha oo noolaa intii u dhaxeeysay 631 Hijradii Kaddib 1233 Dhalashadii Nabi Ciise (C.S.). Ilaa 676 Hijriyadii kaddib, kuna beegan 1278 Dhalashadii  Nabi Ciise (C.S.). kaddib. iyo kutubbo kale oo aad u tira badan.

 
FG:  afarta sheekh ee aan kor kusoo xusay ee is ka leh afarta mad-hab ee ugu sarreysa Shucuubta Islaamka, waxay ahaayeen culimo fahamka Diinta iyo fasirkeeda halba dhan u fahmay dagaal Diineed ama mid dadeedna kama dhexeyn, oo qaar ayaaba qaarka kale arday u ahaa, laakin inbadan oo ka mid ah dadkeyga Soomaaliyeed waxay u heystaan inay yihiin Kutub kala kaan ah laakin sidaa maahan ee mad-habtu waa fahan iyo fasiraad sheekh caalim ahi sida Eebbe u fahansiiyay u qaatay, gadaashiisana bulsho badani ama firqo qaadatay, “Afartooduna waa ay saxan yihiin oo mad-hab qaldan ama qalloocani kuma jirto!’ Sidaa aawgeed waxaa kugu waajib ah inaad wada rumeyso, inaad wada baratana waa midda kaliya ee aad ku badbaadi karto.
 
TIXGELIN. waxii qalad ah, ee aan weriyay ama aan haleeli waayay naf iyo Sheyddaan ayay ka ahaadeen, waana ka sixi kartaa, maadaama “DIIN” laga hadlayo, xarafkii qallocdana macnaha ayuu beddelayaa, ee raali galin ayaan ka bixinayaa, waana  laysoo weydii karaa qoraalkaan wixii ku saabsan;  “Eebbena ha nagu sugo, Diinteeynna Suubban!’
 
W/Q. Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”
Cuute23@hotmail.com
Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.