Waddani-Dhaan W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

 

 

12033839_10153107425542050_996191562_n

 

 

 

 

 

 

 

Waddani-Dhaan!!!

Bulshadii waayahaan waxaa wareeriyay rag iyo dumar isku dhafan oo mar Alle iyo marka ay cod-baahiye fursad u helaan ka dhawaajiya erayga WADDANI, kaasoo ay hadba raar la koraan marna si naxariis darra ah ugu takri falaan. Inta aanan mawduuca nuxurkiisa aanan u guda gelin waxaan in yar doonayaa inaan ka iftiimiyo WADDANI WAA KUMA? Maxaa looga fadhiyaa?? Maxaa af-miinshaar iyo waddani lagu kala soocaa??

Haddaan qeexno oo aan falanqeyno waddani: “ Erayga Waddani waa eray asalkiisu iyo jiridiisa eray ahaan ka soo jeeda Afka Carabiga oo afkeena ku milan lana leh xariir badan.Waddani: Waa dhalad, nin u dhashay deegaankaas iyo dalkaas uu ku noolyahay, wax lagu yaqaan deegaankaas, Tusaale: “Haddii aad timaado suuq adigoo doonaya inaad ka gadato raashin, ayaa waxaad aragtey Laba Jawaan ama Loor oo Bariis ah oo is dhinac yaal, markaad gadislihii weydiisay waa caynma ama waa jaadma? ayuu kuugu halceliyey, Kani waa waddani? Oo ka dhigan waa dalagii dhulkeena ka soo go’ay, kanina waa baasarac laga keenay hindiya” Kan kale wuxuu ka soo go’ay hindiya.Markaasi waa marka lagu salaynayo, dhinaca dhalashada iyo ku abtirsiga deegaanka iyo dhulka qofku ka soo jeedo.

Dhinaca waxqabadka, tilmaansiga iyo huwashada Magaca waddani, waa mid ka duwan tii deegaanka,   Waddani ama dhalad waxaa ah, qofka waxtarka iyo waxdheef ku soo kordhiya dhulkiisa, ugu adeega si hufan oo kal iyo laab ah,   dalka adeegiisu keliya maaha inaad madax ama maamul tahay, ee adiga oo keligaa ah, ayaad gudan kartaa xilka kaa saaran, dhawrida dhul iyo deegaan, dad iyo duunyo.

Waddanigu waa midka ka ilaaliya dalkiisa cadowga iyo nacabka, u gaajooda dalkiisa dartiisa, u dhibtooda una dhinta dalkiisa, isagoon ku sugeyn magac iyo maal iyo maksab gooniya,Waddanigu waa midka dalkiisa iyo dadkiisa ka ilaaliya wixii dhiilo iyo dhibaabe ah, kan horumarka dalkiisa ka doorbida horumarka naftiisa.

Hadda Jaalkaygoow waddaniyaddu waa caqiiido iyo dareen dal iyo dad jaceyl ah, lagu caddeeyo afka, ficil lagu muujiyo haddana lagaa dareeemo oo lagaa arko. Hadday intaa kulansan waydana waa geeddiga wadaay iyo dhaan-dabagaalle shubaay!!!

Waddanigu waa hal door, farmuuuq, hormuud ah. Dadka oo dhami maahan waddaniyiin ee intooda badani waa muwaadiniin.. Sida nimanka oo dhami aaney rag u wada ahayn, waa halka Soomaalidu ku maahmaahdo” Raggu magaca guud iyo magta wuu ka simanyahay, Manfacana ku kala roon.Quraanka waxaa ku jira “minal mu’miniina rijaaal” Carabtuna waxay tiraahdaa “ليسكلذكررجل”.hadaba muwaadin kasta mahan Waddani.

Astaamahaaan ama tilmaamha wax-qabad ee wadaniga:

1. HOWL HUFAN: Waddaniga dhabta ah waa in uu dalka iyo dadka u qabta howl mugleh,hufan oo aaan macaash lahayn (return) yacni iskaa wax u qabso haddii kale waa ganaci (business.)

2.RUN: Waddaniga dhabta ah waa in uu runlow yahay hadalkiisa ficilkiisa iyo dhaqankiisa laga arkaa(waa caadil qofka waddaniga ah) waayo ma kala jecla dadkiisa mana kala sooco ma midabtakooro dadka mana yaqaano nin jeclaysi.

3.AMMAANO: Waddaniga dhabta ahi waa aamin aan marna gacan-togaaleysan hantida shacabka, dhiigga iyo sharaftoodaba.

4.HUFNAAN: Laalaab iyo laqdabo buuggiisa kuma qorna, wax kastana si cad bay u muuqdaan (transparency).

5..NAF-HURIS: (Tadxiyah/sacrifice) Qeybtan waa messha lagu kala haro waayo wax kuu qaasa baad dad kale u huraysaa adiga oo aanan ku abaal-sheeganeyn sida waqti, maal, ruux, fikirad iyo tamar (time,money,soul,thought,energy).

Af-miishaarnimo waddani laguma noqdo, sida afka oo muslim laga sheegto aanse dhaqankeeda lala imaan aanan muslim lagu noqoneyn.

FG. WADDANIYADDA: waa sida iimaanka oo kale qof walba qeyb ayaa laga helayaa qofba heer (degree) ayuu ka joogaa. Tusaale ahaan 20%, 30% ama 50% laakiin waddaniga aan rabnaa waa kee? Yaase waddaninimo dhaba sheegan kara?

Dulucda qoraalkayga aan u daadego oon ku deeqsiiyo halka aan u dan leeyahay. Shakhsiga fagaarayaasha ka soo muuqda maalinta wax un la qeybsanayo darajo ama maal ee ku hadaaqa waddaniyad iyo faataadhug ee xilliyada abaarta muuqiisa lagu diimo waddaniyaddiisa aqalka hala joogo.

Shakhsiga hanti adduun heysta lehna cilmi diini iyo mid maaddiba ah ee aanan dadkiisa waxba u hurin ee tuuladii uu ka yimi ay eedadii iyo walaashii isbitaal la’aan ku umul raacdeen, Ceel biyood iyo dugsi hoosena lahayn marka uu waddaniyad igala hadlayo ha soo kaxeysto qof iiga tarjuma waayo luuqad aanan aqoon buu ku hadlayaa.

Oraah Carabiya ayaa lahayd “ Haddii codka dheer ay raggannimadu ahaan lahayd, Eyga ayaa mudanaha ragga noqon lahaa” marka sida qaylada dheer ee eyga aanay mudanihii ragga uga dhigin, adigana qaylada iyo sawaxanka aad cod-baahiyayaasha iyo muuqaal-baahiyayaasha la timaado kaaga dhigi mayso waddani illaa lagaa arko hadal, fal iyo fullin isku marag fura.

Hadda ka hor baa ayeeyday waxay aragtay gabdho iyo wiilal Soomaali ah oo si un u kala daadsan, haddana uu ka muuqdo dhaqan dil iyo is madhax dhaan, markaa bay inta eegtay tiri Alla maxay sinji-dhaanyo yihiin hadda waa halkeedii Alla kuwa aan arkay ee waddaniyadda beenta ah jila maxay wadani-dhaanyo yihiin!!!!

Ha noqon   bixiyaha aqoonsiga waddaniga aqristoow ee noqo, Gorfeeyaha dhaqanka waddaniga, haddaad aragto qof af macaan, meelaha fagaarayaasha iska ilmeysiiya oo qiiro jabaan la yimaada,  haw aqoonsan waddani ee u dhabogal qofnimadiisa iyo waxaa uu xambaarsan yahay, si aadan ugu dhicin dabin aad hadhoow ka shalaydo.

U rog rog oo uga baaraandeg, sidii Nebi ibraahim(CS) markuu ilaahay raadinayey uu u xushay allahiisa saxda ah, isagoo wax walba uu u maleeyey mudey inuu ilaah yahay arkay inuusan ilaah ahayN, Sida: Xidigaha, Dayaxa iyo Qoraxda, haddaba adiguna ha noqon mid saxeexa ku duuga, qof walb oo Af macaan(Afmiinshaar) balse leh uur mariid ah.

Guntii iyo gebagebadii, Waddanimada aynu is barno, isku boorino, Noqo adigu waddani inta aadan qof kale u aqoonsan waddani, la imoow astaamaha waddaniga si aad u kala soocdo waddani iyo muwaadin.

 

Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

 

SHEEKOOYIN