WADDANKA YAA INA LA LEH? Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

WADDANKA YAA INA LA LEH?

Umad walba Alle marka uu abuurtay wuxuu ku abuurtay Dhul uu ugu tala galay, mana jiro Noole ku nool dunida maanta oo aan lahayn ama ku dhalan dhul uu u nasab sheegto, waana mid ka mid ah Caddaaladaha Alle awooddiisa lagu garto.

Marka aad aragtid qof la leeyhay dhul ma lahan micnaheeda waa in dadka u ka dhashay ay ku heshiin waayeen dhulki ay u dhasheen ama qolo kale inta soo hujuumtay ay kaga xoog roonaatay lahaanshiyaha dhulkooda sidaasna ya kula wareegeen.

dhulkeenaSu’asha aan u doortay in ay noqoto hooska uu harsanayo qoraalkan aan isku waydiinayo cidda inala leh dhulkeena ayaa waxay ka timid dhowr Waji oo ka mid ah Xaaladaha maanta aan la harsan la’anahay kuna calfan la’anahay Nimcada uu Alle ku manaystay.

Yaa inala leh dhulkeena? Waa su’aal u baahan jawaab ka timid Maskax caafimaad qabta, marka aan sidaa leeyahay waxaan ula jeedaa maskax u shaqaysya sidii laga rabay, oo ka dhowrsoon Dana shaqsiyadeed gabi ahaanba, danaha shaqsiga waxaa soo gali kara Baahi uu qofku qabo, waxaa kaloo soo gali kara Qabyaaladda, waxaa kaloo soo gali kara u adeegidda masaalixda Dad kale, sidaa darteed waxaan kusoo koobay gabi ahaanba Masaaliixda shaqsiyadeed.

Dhulka inaga soomaalida ah ayuu Alle nagu abuurtay, Badda intaas la eg ayuu na siiyay, Wabiyo waanu leenahay, dunida meel kasta uu Gaadiid maro waanu leenahay maanta sida saxda ah, ha noqoto Wabiyaal ay maraan Doomaha iyo Bado ay maraan Maraakiibt iyo Doomaha iyo wixii kala oo soo raaco, dhanka hawadana kama arradnin oo Alle waa uu nagu mannaystay Hawa macaan oo Dad iyo Duur joogba u roon, su’aashu waxay tahay marka, yaa inala leh Dalkeena? Jawaabta ii muuqato waa cidna.

Haddaba maxay tahay sababta aan dalkeena aayahiisa ula kaashanayno Beesha caalamka, horta mala is waydiiyay beesha caalamka cidda ay tahay? yaasa hogaansha? waa maxayse danta ay inaga leeyihiin? haddii xitaa ay dhacdo in aan u baahannahay maxaan uga baahanahay? intaas mala is waydiiyay?

Waxaan filaa sadar muuqda su’aal ka dhan in ay tahay sheekadu oo inaga aan fahmi la’anahay waxa aan Xaq u leenahay iyo waxa xaq naloogu leeyahay, maxaa yeelay Qof gurigiisa jooga qof usoo martiyay hadduu kala tashado qaabka uu nolosha guirigiisa u hagayo ceeb ma lahan, balse marka kan martida ah uu noqdo  mid qasab wata oo doonaya in uu la qaybsado gurigiisa markaas qofka guriga leh waxaa u banaan in uu galo difaac Naf huris ah, taas oo maanta inagu waajibtay balse aan naga muuqan, waana xaqiiqda maanta na dul taal haddii aan Soomaali wada nahay.

Mar walb waxaan maqalnaa beesha caalamka iyo waddamada dariska ah, su’aasha kor ku taal bal aan is waydiino ma Dalka ayay inala leeyihiin? waa maxay sababta marka aan rabno in aan hogaan samaysano ay hogaankaas inoogu yeershaan? waxaad maqlaysaa hebel Beesha caalamka ayaa diiddan ama Waddamada dariska ah ma rabaan , ma maqlaysid soomaalida ma rabto ama soomaalida ayaa raali ka ah, wax walba waxaan ku salaynaa raali ahaanshiyaha Shisheeyaha nuuca la rabo ha loogu magac daro.

Xaqiiqda marka si dhab ah aan hoos iskugu eegno wax badan ayaa naga qaldan, eedda dhanna waxay saarantahay ama aan saari lahaa kuwa noo ah Hogaanka, ha noqdaan hogaamada Qabiilada, ama hogaamada Siyaasadda oo aan waxba is dhaamin.

Umad hogaanka haduu ka halaabo si walba oo ay umaddaas u wanaagsantahay una wax garadsantahay waa hubaal in ay noqonayso umad la dullaysto, hubaal ahaana maanta, shaqsi ahaan qofka soomaaliga ah wuu ku dullaysan yahay meel walba oo uu Caalamka ka joogo, taas oo runtii marka si cilmiyaysan loo eego qofka soomaaliga ah dullinimada uusan shaqsi ahaan u dhalan ee uu ku noqday Xaalka waddankiisa ka jira awgiis.

Umadda soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka kaga nool yihiin shaqsi ahaan marka loo eego waa umad ka hormarsan ama ka dadaal badan umadaha ay la nooyihiin, sidaas ay tahayna marka ay si guud ay arrintu isugu soo biyo shubato waxaa muuqanaysa in ay tahay Umad ka arradan xaga Hogaanka, maxaa yeelay mar walba oo la dhaho Hogaan hala samaysto, qof walba oo soomaali ah waxaa kusoo kacaya Cudurka assaagooda ka reebay ee ah kan Qabyaaladda, kaas oo ka dhiga hogaankii la dooran lahaa mid aad u liita oo shaqsiyad xun, kuna fac ah hanka baahidiisa shaqsiyadeed oo aan wax dan ah ka lahayn umadda dooratay, awalba waxaa lagu doortay si aan habaysnayn maadama si aan habysnayn lagu doortayna Ceeb kuma ahan in uu u dhaqmo si aan habaysnayn.

Dalka inaga ayaa leh, Cid inala leh ma jirto sida aan doono aan u dhaqaalo yaraano, haddii maamulkeena iyo waxa aan haysano aan ku qanacsananaano, hubaal in  aan noqon karno umadda adduunka ugu nolosha wanaagsan, xaalka aan hadda ku jirnana aanan ku jiraynin.

Caqliga wuxuu Alle dadka u siiyay in ay u isticmaalaan sida waafaqsan danahooda, balse marka taas laga weecsho natiijada kasoo baxda ayaa waxay noqotaa waxa maanta na haysto ee duullinmada ugu wayntahay, bal eeg maanta wax nala ku cisseeyo ma jirto, ma nihin  Umad dunida wax uga aaddan ama wax u soo saarto, ma nihin umad diimeed oo diin dhaqankeeda looga soo hagaagi karo, su’aashu waxay tahay maxaynu nahay?

Waxa aan nahay waanu nahay taas hadda uma sii galayo, balse in aan nahay umad is ceshan waysay oo la kala celinayo waa inoo muuqataa, sifada ay arrintaas ku timid dhinicii la rabo haloo weeciyo, dhabta ayaa waxay tahay in maanta Umado kale ay ku arsaaqaan kala celinta dadkeena isku issirka ah ee dad aan nuucooda oo kala ahayn aysan dunida ku noolayn.

Ugu dambayn marka, mar haddii aanu nahay umad uu Alle nimcadiisa nuuc walba ay tahay ku mananaystay, hadana ku guul darrasyatay in ay hanato ama si wanaagsan ugu intifaacdo khayraadkaas la siiyay  soo natiijada ka dhalatay ma noqon in dusheena Malaayiin doolar lagu cuno, inagana ay Gaajo ina dilato?

Soo malaayiin doolar oo loogu tala galay ama Magaca Soomaaliya lagu soo qaatay maant looma isticmaalo kala qaybinteena iyo kala diliddena, waa natiijo kale oo ka dhalatay u kala dhuumashada aan u kala dhuumanayno Cadowgeena, taas waxaa kaaga sii daran in aan kala garan waynay Cidda Cadow inoo ah iyo cidda Gacal inoo ah.

Waxaa kaloo la yaab leh heerka aan maanta gaarnay ee ah in aan Gaal Madow iyo mid cadba uu inoo noqdo walaalkeena oo wax badan oo aan shalay ka xishoon jirnay aan maanta Warbaahinta lasoo taaganahay “walaalaheena Waddan hebel” kan Soomaaliga ah ee  aad u arago in uu ka soo horjeeda afkaartaadana aad ugu yeerto Magac walba oo xun .

Waddanka yaa inala leh hort?  Ma waxaa inala leh waddamada Dariska ah, waa maxay sababta Gobol walba Nin waddamada dariska ah ay raali ka yihiin soomaalina aysan raali ka ahayn loogu dhiibayo?

Waddanka yaa inala leh ? waa maxay sababta Askariga soomaaliga ah uu u Mushaar la’yahay oo uu Qorigiisa baahi darteed u iibsanayo, Gaalada ama Cadowga umaddana uu ugu noolyahay Nolol uusan ku haysan xitaa marka uu joogo Dalkiisa?

Wadddanka yaa inala leh? Waa maxay sababta  Madaxdeena ay mar walba u goobayaan raali ahaanshiyaha shisheeyaha oo aysan u baadi goobin raali galinta dadkooda?

Su’aalahu way badan yihin inta aan ka tagay idinka ayaan idiin daayay, balse waa qasab in lagu baraarugo dadka aan wax ka sugayno iyo dhabta ka jirta hogaanka dadkeena in la qeexo, maxaa yeelay Hogaan wuxuu hogaannimo mudan yahay marka uu maslaxddiisa shaqsiga ah ka hormariyo Maslaxadda guud ee uu Umadda u hayo.

Aad ayaad ugu mahadsantihiin aqrinta aad aqriseen qoraalkan

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

 

SHEEKOOYIN