“Wadka aan ka weeciyo, Dhacdo dhab ah!”
Qofkii ay sugayeen baa habsaamay, dabeyl baa jirta laamaha geedaha hadba dhinac u ciyaarsiineysa, laakiin si cad looguma jeedo, kaliya waxaa la maqlayaa laamaha xanfarku lulayo ee foorinaya. Xaabka geedaha hoos tuban ee qallalan baa isaguna bidbidaya, sanqar walba oo ay dheguhu maqlaan waxa ay beereysaa naxdin, waxaaba la moodayaa qof gaatamaya jaantiisa. In cabbaar ah markii ay ku jactadeen meesha, waxa ay gabadhu aragtay humaag aan la hubin cidda uu yahay.
“Ma nin baa? Mise waa naag?” ayey is weydiineysaa, walaalkeedna wuxuu ku hadlayaa taleefan, balse waxa ay is-maqli la’yihiin ruuxii soo garaacay. “Yaa waaye? War maad hadashaan?” ayuu ku celcelinayaa. Gabadhii bey cabsidu ku korortay, nafteeda u walwali meyso e walaalkeed bey u baqeysaa maadaama xilliga colaadaha ragga uun la ugaarsado inta badan, laguna tookho “reer hebel nin baan ka soo dilnay.” Ha hubeysnaado ama yuusan ahaan e waa isku mid, waligeedba sidaas bey aheyd. Isaguna (walaalkeed) wadno-kurkurkeeda war uma hayo wuuna sii yar fogaanayaa si ay hagaag isugu maqlaan qofka soo wacay.
“Maxaa isku soo beegay wicitaankan iyo dadkan soo socda? Maxaase looga aamusan yahay walaalkey oo loola hadli la’yahay? Malaha waxa ay xaqiiqsanayaan in uu isaga yahay si ay u dilaan.” Su’aashii hortimaadba jawaab ay la fiigto ayaa uga soo baxeysa.
Naxdin baa soo siyaaratay. Humaaggii ay inantu aragtay wuxuu noqday labo ruux. Wey dareentay, rag bey ahaayeen, waxa ka hangaraya haash ama sigaar. Markaaba, waxa ay sawiratay iyagoo rasaas oodda kaga qaadaya walaalkeed, in kastoo aysan xaqiijinba in ay raggani hubeysan yihiin iyo in kale. Dhankii ina aabbeheed ayey u daboguryeysay. Jaakad-bireed in ay tahay waatan is moodday, abbooweheedna wuxuu wali ku mashquulsan yahay taleefoonkii. Lacalla haddii ay raggani rasaas furaan, waxa ay ku fekertay in ay shafka u dhigato xabbadaha qoriga, si walaalkeed ugu badbaado. Isaga oo ay ifka ku wayso, waxay ka door-biddey in ay iyadu ka horreyso. Haddii lagala tashan lahaa waxyeello kasta, waa hubaal in ay nafteeda ku wareejin laheyd qaddar kasta, si uu walaalkeed baaqi iyo bad-qab ugu sii ahaado dunidan ballaaran.
Dhabarkeeda ayuu ku aaddan yahay, iyadoo ka sii jeedda kuna sii jeedda ragga soo socda, ayey gacmeheeda u kala qaadday sidii shimbir baalasheeda fidsatay oo duuli rabta. Habka ay gacmaha u raaricisey baa fasirayey oraah digniin ah, qofkii garaad leh wuxuu ujeedka gabadha u fahmi lahaa “walaalkeey ha u soo dhawaanina, ka leexda.” Mar kale waxa ay noqon kartay “aniga ha igu dhacaan wixii isaga ku dhici lahaa, anigu aan dhinto isaguna (walaalkey) ha ii noolaado, waan ku qanacsanahay in aan nafteyda u huro.”
Sidii iyadoo ah baa waxa soo garab-maray nimankii, gabadha walaalkeed shaki baa galay. Cid kale kama uusan shakin e walaashii ayuu ka yaabay qaabka ay ragga u fiirineyso, misana ay isaga xaggiisa ugu dhawaaneyso. Wey gudbeen raggii, weyna miriq-beeleen. “Maxaa kugu dhacay oo aad la anfariirsan tahay?” gabadha walaalkeed baa sidaa u su’aaltamay. Waxa ay ugu war-celisay “raggan na ag maray, waxa aan moodayey in ay ku dilayaan, anna waxan is lahaa isku dhig wax walboo abboowahaa ku dhici lahaa.” Intaa kolkii ay tiriba, indhihiisa waxa ka soo qubtay ilmo teelteel ah. Walaalo sidaa isu jecel, isuna dhowranaya qofkii arka ama maqla waa uu ilmeynayaa, in ay iyaguna isu muujiyaan naxariis iyo jaceyl, isuna ilmeeyaan xaq bey u leeyihiin. Wiilkii baa laabta galiyey walaashii, kama uusan bixin, ilmaduna kama aysan joogsan ilaa uu ka yimi qofkii ay muraadka ka lahaayeen. Markii ay soo dhameysteenna waxa ay soo laabteen iyaga oo garbaha iyo gacmaha is heysta.
Walaaluhu isku nasiib ma aha, horraantii toddobaadkan kolkii la ila wadaagay dhacdadan, ayaa aan soo xusuustay mid kale. Wiil dhallinyaro ah baa ku biirey ciidamada deegaanka. Ciidanku waxa ay dagaal kula jiraan mid ka mid ah ururrada ka soo horjeeda dowladda. In muddo ah ayuu jaqda ku jirey, waa mar uu dhuumaaleysto iyo mar uu dagaallamo. Waxa uu ka qeyb-gali jirey weerarro ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah. Diiwaanka kuwa la doondoonayo ayaa lagu daray. Maalin bey iska maqleen dhanka isgaarsiinta aabbihii oo waayeel ah. “Maandhoow duco-qabe, cidda u kaalay.” ayaa uu ku yiri, wiilkii waxa uu ku jawaabay “Aabboow, walaashey inta ay joogto ma imaan karo.” Walaashii waxaa qaba nin xubin ka ah ururka ay dagaalka kula jiraan, waliba waa nin ka tirsan jabhad fariisin ku leh goob isla deegaanka ku taalla, xilligaana waxa ay iyadu la joogtay reer aabbeheed. Odaygii baa ku yiri wiilkiisa “iyada aniga ayaa dhalay, adna waa aan ku dhalay, anaa ka amar sarreeya, gabar adiga kula dhalatayna kuma waxyeeleyso ee maandhoow ducadeyda qaado soona noqo.” Wuu yeelay, saacado dheer ka dib, isla habeenkii waxa uu u hoyaaday reerkii isaga oo docda ku sita qori AK-47 ah.
Habeenkii in badan oo ka mid ah baa la is warsanayey, curad iyo aabbihii wixii danaha reerkooda ah uun bey ka wada hadlaan. Nabad iyo reynreyn ayaa lagu waabariistay. Subaxdii waxa uu qeyb ka ahaa tiro walaalo ah oo loo xilsaaray foofinta xoolo xereysnaa iyo baadigoobka kuwo lumay. Duhurkii mar ay tahay baa la qado-tagay. Markii ay qadeeyeen, ayuu wiilku waxa uu jiiftay geed aan guriga ka fogeyn oo harac qaboow, qorigiisiina baalka ayuu dhigtay. Kolkii ay indhihiisu is galeen, gabadhii la dhalatay ee uu ka shakisanaa ayaa kolay kala soo baxday taleefoon nooca ay Soomaalidu u taqaan niicle (Nokia).
Waxa ay wacday ninkeedii oo ay ku tiri “M…..kii waa uu jiifaa.” Kii gabadha qabay, waxa uu soo kaxeystay tiro ciidan ah. Kooxda weerarka qaadeysa, kooda aan si aad ah u hubeysneyn wuxuu sitay billaawe soofeysan oo labo baac aan ka yareyn. Wax aan saacad dhammeyn ka dib waxa ay yimideen gurigii reerka. Iyagoo dhuumaaleysanaya ayey u gudbeen dhankii uu jiifay curadkii reerka, isaguna wali wuu hurdayaa. Afarta jaho ayey ka mareen iyagoo saantiranaya, waxaa loo direy seeddigii, asagoo taagsanaya ayuu dul istaagay, durbana wuxuu haabtay qorigii wiilka. Qajaftiisa ayuu ku kacay balse waxba ma uusan qaban karin, waxaa lagu diley qorigiisii, ku dhawaad hal qasnadna waa lagu faarujiyey. Halkaa ayuu ku dhintay, Rabbi ha u naxariisto.
Sheekadan dambe ee ku lifaaqan dhacdada WADKA AAN KA WEECIYO, waxa aan ula baxay WADKA AAN UGU BAAQO.
Waad ku mahadsan tahay akhrinta dhigaalladan ku saabsan damqashada walaalnimo.
DHAMMAAD.
W/Q: Ibraahim Ismaan Afrax