WALAALIHII WAX DHEEFKU KALA GEEYAY! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

WALAALIHII WAX DHEEFKU KALA GEEYAY!

Way agoontoobeen. Aabbahood ayaa dhintay goor aan fogeyn. Waa laba wiil oo kaalmo gal ah, balse, kuma jiro mid reer leh oo gasar iyo goof yeeshay. Kurta iyo dhiishaba ma geeyaan kulanka Alle bariga ee reerkooda. Tol diid ma ahan ee waa wiilal laga horreyn jiray. Aabbe mar walba waa aabbe. Haddii ay dhallaankiisu ubad kale dhaleen, isla iyaga ayuu ilmo u yaqaannaa. Aabbe la’aani waa awood la’aan. Reerku ma ahan badar noole. Waxay ahaayeen reer ay ku adagtahay nolol-maalmeedku. Geerida aabbahoodna waxay u tahay gabbal dumay. Haddii hortaada xayaabada laqa qaadi jiray maxaad dareemi laheyd kolka uu kaa iisho qofkii hortaada xayaabada ka qaadi jiray? Agoonnimo iyo aayo beel. Haah! Waa sidaas…

Dhaqane iyo Dhibwaale, waa laba da’aad oo isku xigta. Ma jiraan walaalo kale oo la dhashay. Hooyadood goor hore ayey iilatay. Aabbahoodna waa kaas daba kacay! Allow megentaa! Da’ ahaan waxa curadsan Dhaqane. Wuxuu isku tuhmayaa inuu yahay midka talada la wareegi doonaa iilashada aabbihiis ka dib. Dhiblaawena taas gef uma arko. Waa walaalkiis ka weyn. In la isu milgeeyo sida loo kala weyn yahay, waa ababin ay abbahood ka dhaxleen. Tolkooduna wuxuu wax ku qeybsadaa curad iyo cirib.

Aabbahood Raage, wuxuu labadiisa wiil uga tegay dhigaal adduunyo oo tirsan. Xooluhu waa hal sac oo irmaan, weyshii uu dhalayna ay ka dhimatay. “Gayax la geesa-saaro”. Waxa sacaas u wehliya: hal geed cambe, hal haan oo ay biyaha ku aroortaan iyo hal buste oo ay wada hugtaan. Salaad Alle sidii ay kuu qabato ayaa loo dukadaa ee sidaas iyagu raalli kama ahan, balse, danta ayaa jilba duubtay, ka dibna, gole fadhiisisay.

Waa aadane iyo dammac ee Dhaqane wuxuu go’aansaday inuu talada isagu la wareego. Wuxuu si degdeg ah walaalkiis ka yar ugu wargeliyay; “Inay dhaxlaan afarta wax ee uu aabbahood uga dhintay, balse, inta uusan dhaxalka qeybin ayuu talo u doontay cid aan u naxeyn. Wuxuu u talo doontay; caadaawe laayaan ah oo aan dan ka laheyn baraaraha aayahooda. Ciddii uu talada u doontay waxay farta ugu fiiqeen inuu dheefta kaligiis qaato, dhibkana uu walaalkiis faraqa u galiyo. Sidee ayey taasi ku suurta gelaysaa? Dhaqane ayaa is wayddiiyay, ka hor inta aanu ku dhaqaaqin falkiisa gurracan. Farriin cadaawe iyo faalin sheyddaanba waa halkooda ee Dhaqane wuxuu maanka ku guntaday taladii cadawgiisa. Wuxuu usoo laabatay walaalkiis ka yar ee Dhiblaawe, wuxuuna ku yiri: “Walaalkeey iga yarow waxaan dhaxleynaa hantida kooban ee uu abbaheen nooga geeriyooday ee maxaad ka qabtaa arrinkaas?” Waxba kama qabo waana kugu kalsamahay. Dhiblaawe ayaa sidaas ku tiraabay.

Aabbe wuxuu nooga dhintay:

  1. Hal sac oo irmaan.
  2. Hal haan oo aan biyaha ku dhuranno.
  3. Hal geed cambe.
  4. Hal busto oo aan isla hugsanno.

Dhaqane ayaa sidaas ku xasuusiyay walaalkiis ka yar.

Dhaxalsiintii hantida:

Wixii xuddunta/xundhurta ka dambeeya saca irmaanka ah aniga ayaa iska leh, adiguna waxa aad leedahay wixii xuddunta ka horreeya. Dhaqane ayaa sidaas Sacii ku qeybiyay.

Geedka cambaha ah inta sare anaa iska leh, adiguna waxa aad qaadaneysaa inta hoose ee jiridda iyo xididdada ah. Dhiblaawe aqbal iyo guddoon ayuu yiri qeybintaas.

Sida aad ogtahayba labada gellin waxay ka koobmaan habeen iyo maalin. Haddaba, bustaha aan wada hugsanno adigu maalintii heyso anna habeenkii ayaan heysanayaa. Dhaqane ayaa sidaas ku taliyey.

Dhiblaawe dhaxalsiintii maalka ee walaalkiis wax wayddiin ah kama soo celin, duuduub ayuuna u qaatay. Walaalka ayaa ku dhagraya marna maankiisa kuma soo dhicin. Burkaba balaayo kama fisho. Xoolihii waa la wadaagay. Nin wuxuu qaatay dheeftii. Kii kalena wuxuu qaatay dhibkii. dhaxalkii sidaas ayaa lagu gooyay habeenkaas.

Waagi ayaa beryay. Labadii wiil waxay dooneen inay caanaha saca ku wada jermaadaan, balse, maxaa dhacay? Wiilkii weynaa ee dheefta qaatay sicii ayuu caanaha ka maalay kaligiis ayuuna wada cabay. Walaalkiis ka yar ayaa ku yiri: “Walaalkeeyow caanaha wax iga sii?” Wiilkii weynaa ee dhaxalka qeybiyay ayaa ku jawaabay: “Walaal caanaha saca dhankii aan ka lahaa ayaan ka maalay ee adigu geesaha ka maal”. Ku darso oo afku saca wuxuu uga yallaa dhankaaga ee waa inaad foofisaa oo aad daaq geysaa. Ha na illoobin bustaha maalintii ayaad leedahay ee hore u sii qaado.

Kolkii la isu soo hergelay ayuu kii weynaa geedkii cambaha ahaa mirihii ka gurtay, walaalkiis ka yarna wuxuu ku yiri: “Geedka jiridda iyo xididdada ayaad ku leedahay ee miro ka raadso”.

Dhiblaawe jermaaddii hiiro waa ay geftay. Qadadiina waa kaas walaalkiis mirihii cambaha ku kaliyeystay. Habeenkii ayaa la isu soo hoyday. Dhaqane ayaa yiri: “Walaal bustaha soo wareeji, maalintii ayaad laheyd, wayna dhammaatay ee waa kalkeyga”. Dhiblaawe talo ayaa ku caddaatay. cid uu u irkado ayuu waayay. Wuxuu guntaday walaalkiis inuusan dhaxalka u qeybin si caddaalad ah.

Wiilkii yaraa wuxuu talo ku gooyay inuu xal raadiyo si uu u helo cunto, balse, wuxuu taladii u doontay cid aan ehel u aheyn oo aan u naxeyn. Wuxuu maray dhabbigii uu hore ugu jabay walaalkiis. Gorfeyn iyo gedgeddin dheer ka dib, waxay nacabkiisii talo ahaan u siiyeen: “Walaalkaa marka uu damco inuu saca maalo, adna saca geesaha ka garaac, goorta uu geedka cambaha ah miro ka doonto adna misaar (Godin) soo qaado ee jiridda ka jar geedka cambaha ah, bustaha maalintaada qaado, balse, habeenki marka aad siineyso haanta biyaha u dhex geli, ka dibna bustaha oo biyo ka da’ayaan sii”. Taladii nacabkiisa ma diidin ee waa uu qaatay.

Waagii xigay ayaa beryay. Wiilkii weynaa wuxuu damcay inuu saca caanaha ka maalo, balse, kii yaraa ayaa geesaha ka garaacay. Wuxuu ku yiri: “Walaalkeeyow maxaa dhacay?” wuxuu ugu jawaabay: “Geesuhu saca dhankeyga ayey uga yaalliin ee maxaa kaa galay?”

Sidaas ayaa lagu kala soofay subaxdaas. Mar kale ayaa hergelmo la isugu yimid geedkii cambaha. Wiilkii weynaa wuxuu damcay inuu miraha ka soo gurto geed cambaha, balse, wiilkii yaraa intuu misaar weyn soo qaatay ayuu walaalkiis ka weyn ku yiri: “Walaalkeyow miraha geedka ku yaalla halkii aad doonto geyso anigu waxaan doonayaa inaan geedka jiridda ka gooyo maaddaama aan qeybta hoose leeyahay, isla jeerkaasna wuxuu soo qaatay misaar geedkii ayuunna jiridda ka gooyey.

Iyaga oo aan subaxdaas caana maalin oo aan geedkii cambaha miro laga guran ayaa habeenkii la isoo hoyday. Kolkii la isugu yimid halkii la jiifan lahaa ayaa wiilkii weynaa ku yiri: “Walaal ballanteennii waa la gaaray ee bustaha igu soo wareeji”. Wiilkii yaraa isma dhibin ee wuxuu ugu warceliyay: “Haanta biyaha dhexdeeda kala soo bax, halkaas ayaan kuu gelayaye.

Dhaxanti iyo gaajadii ayaa la wada dareemay, balse, waa goor ay xero iyo fandhaal kala dhaceyn oo aan hambadii la daba qaban karin. Taladu goortii ay suubbaneyd haddii ay si miir qabta u wadaagi lahaayeen noloshoodu hore ayey u sii socon laheyd, haddase waa ay joogsatay. Waxa isku soo haray labadoodii oo aan is dhaamin. Is aaminaddii gacalnimo dhexdooda ayey ka baday.

“Taladu waa mar aad gefto iyo mar aad gaari weyso”.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN