WAQTI KAAMA TEGIN WELI| W/Q: Cabdikariim Garruun

Wakhti kaama tegin weli| Sheekada dhiirigelinta leh ee duuggan aas aasihii shirkada KFC – Henry Sandres. Akhris wacan.

Wuxuu ahaa qof da’ weyn oo waayuhu ku adkaa. Wuxuu ku noolaa guri docosh ah, wuxuuna lahaa gaadhi kharaab ah oo aan muuqiishu qurux badneyn. Noloshiisu waxay ku tiirsanayd 99% lacagta yar caydha dawladu siiso ( Social Security). Markii uu gaaray da’da 65 sano ayuu go’aansaday in ay noloshiisu is badasho. Hadda waa da’da 65 jirka. Muddo wuxuu ka fakirayay wixii uu samayn lahaa, naftiisana kaga saari lahaa dhibka. Wuxuu go’aansaday in uu ka ganacsado cuntada digaagga, taas oo ahayd mid u fudud,karinteedana uu ku fiicnaa, waliba nooca shiilan. Asxaabtiisa ayaa aad uga xumaaday arintaas, kuna canaantay waxa xiligan ku kalifay shaqadan adag. Balse naftiisa ayuu aaminay, wuxuna go’aansaday in ay tani noqoto talaabadii noloshiisa u horseedi lahayd is baddal wacan. Wuu ku dhaqaaqay, isagoon ka labalabayneyn.

Maadaama aanu haysan saaxiibo dhiirigeliya, wuxuu ka tagay magaaladii uu deganaa ee Knetucky. Wuxuu u safray gobolo kala duwan oo dalka Maraykanka ah, si uu iibgeyn iyo aqoonsi ugu helo cunto karintiisa wacan ee digaagga. Wuxuu la kulmay mulkiilayaasha maqaayaddo tiro badan , wuxuuna u sheegay in uu iibinayo cunto digaag oo aad macaan, taas oo aan nooceeda oo kale hore loo isticmaalin.Waxa uu u soo bandhigay: farsamada cunto karintu in ay lacag la’aan u tahay,balse laga iibsado cuntada oo kaliya. Waxay ahayd heshiis wanaagsan oo lagu qanco, nasiib darro se, way ku gacansayreen. In ka badan100 jeer ayuu maqlay erayga ‘Maya’. Dhamaan diidmooyinkaasi way niyad jabin, mana uusan quusan. Waayo, wuu isku kalsoonaa, oo waxa uu rumaysnaa in cunto karintiisa digaaggu ay ahayd wax gaar ah oo cajiib ah (Unique).

Wuxuu la daalaa dhacaba, aakhirkii wuxuu ku guulaystay in ay bulshadii tartiib tartiib u barato cuntadiisa oo nooca samayskeedu ku cusbaa carada Maraykanka. Waa la wada jeclaaday oo faraha ayaa macaanteeda la isku goostay. Waxa soo dalbaday maqaayado kala duwan, waxana badatay codsiyada uga imanaya gobolada dalka. Sanders wuxuu furtay maqaayad u gaar ah. Guushaas uu gaarayna waxay beddashay habka ay Maraykunaku u cunaan digaagga. Hartland Sanders wuxuu ganacsigiisa u bixiyay Kentucky Fried Cheicken oo loo soo gaabiyo KFC.

Wakhtigan KFC waa maqaayadda iibisa cuntada fudud, gaar ahaan digaagga shiilan. Xarunteedu waa Louisville Kentucky oo ah halkii uu ka bilaabmay fikirku. Waa maqaayadda labaad ee ugu weyn dunnida ee cuntada fudud iibisa, waxa kaliya oo ka horeysa McDonald’s. Shirkaddu waxay ka howlgashaa 150 wadan , waxayna leedahay ilaa 22,621 xarumood oo ku kala yaal daafadaha adduunka ( Xigasho: qiyaastii la sameeyay 2019- Wikepedia).

KFC waxa aas aasay Colonel Harland Sanders (1890-1980). Wuxuu digaagga shiilan ku hor iibin jiray dhinacyada wadooyinka. Wuxuu furay maqaayaddii u horeysay sanadkii 1952, intaa kadibna waxay caan ka noqotay suuqa ganacsiga cuntada fudud, waxayna u babac dhigtay oo ka hormartay awooddii cunnida ee Hamburger-ka, kaas oo dalka aad looga isticmaali jiray. Harland waxa uu noqday shakhsi caan ka ah taariikh dhaqameedka dalka Maraykanka, muuqaalkiisana ilaa maanta, si weyn ayaa loogu isticmaalaa xayaysiinta KFC. Si kastaba ha ahaatee, fididdii samcada shirkadu waxay caqabad ku noqotay da’ dii Sanders ee sii kordhaysay. Aakhirkiina Sandres wuxuu shirkada KFC ka iibiyay koox maalgashadayaal ah, taariikhdu markay ahayd 1964kii.

Xusuusnow, waligaa ha quusan ee mar walba rumayso naftaada. Sirtu waa kalsoonida iyo ku socoshada hillinka guusha ee aad u hayaantay. Sandres-na waa tusaalaha nool ee aan maanta haysano dunida dusheeda. Guushu garabkaaga ka ahaato akhriste, noloshuna waa halgan ee ha is dhiibin.

W/Q: Cabdikarim Garruun
Author-Blogger-Researcher

SHEEKOOYIN