Waqtigeeni wacnaa inagaa walaacinay Q2AAD. W/Q:Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

sawirka

Waqtigeeni wacnaa inagaa walaacinay

Waan soo tagay anoo maankeygu ku soo dhacayaan erayo badan oo ay laabtu jeclayd inaan ku iraahdo balse afku diidanaa qiritaankood.Uma sheegi karin inaan ka helay, sababtoo ah, ka helitaankaa ayaan ka baqaayay inuu ii jiito dhankaa iyo jacaylkeeda. Waxay yiraahdaan dadka ka faallooda jacaylka “Qofka uu qalbigaagu ka walwalo inuu jecayl u qaaddo ayaa dhab ahaantii aad jeceshahay” waa aragti jirta sababtoo ah, afkeyga ayaa diidan inaan iraahdo waan ku jeclahay ma’ogiye aniga Xaqiiqdii waan jeclahay…

Waxa igu soo laalaabanaya maanta dhan waa khiyaal iyo hawaawi aan sawiranayo, iyadaan ka daawanayaa qalbigeyga kuna arkayaaa riyadeyda marka aan indhaha isku qabto, waxa ay niyadeyda ka tirtay wixii ka horreeyay iyadoo hor istaagtay wixii ka danbeeyay.Waxaan imid xaafadeyda waxaan isweydiinayo ee igu soo Noqnoqonaya ayaa ah gabdhaan quruxda badan ee aan maanta soo arkay, waxaan damcay inaan Waco, haddana waan ka walaacay oo waxaan go’aansaday inaanan ku dagdagin wicitaankeeda.

Waxaan isku dayay inaan seexdo, balse, hurdadii waa ay iga guurtay oo geed dheer iga fuushay, naftayda ayaa ka cudur daaratay inay seexiso indho ay ku jiraan iftiinkii inantay cugteen ee calmadeen, dhan walba ayaan isku gadiyay bal inaan gam’o laakiin waa ladi waayey.

Waxaa soo baxday qorraxdii anba ma ogi sida aan xalay ku qaatay waqtigeyga, aad ayey naftaydu walaahow iyo wareer ugu dhex abuurtey inantani, xasuusteeda iyo xalkeeda ayaa madaxeey iga qabsaday, balse waan ku qanacsanahay maadama dhafarkeyga aan ku qaatay qof qiima badan ka sheekeyntii.

Waxaan isku soo diyaariyay iskuulka aadidiisa, waxaan ahay dadka jecel ubaxa ama dhirta qurxoon ee guryaha lagu bilciyo sida beeraha yaryar ee guryaha hortooda lagu sameysto, sidaa awgeed guriga aan daganahay hortiisa waxaan ku sameeyay geedo yaryar oo qurux badan kuwaa oo aan waraabiyo subax walba, gurigeyga waxa uu u dhawyahay iskuulka aan faadumo isla dhigano, waxaana dhacda, iney subax kasta soo hormartaa gurigeyga.

Anigoo aysan maskaxdeyda ka maqneen isku mashquulinayana dhirta ayaa waxaa dhanka qorrax kasoo baxa iiga yimid iftiin aan indhaha u dhammeyn waayay oo aragaygii wararweer geliyey maaha libdhadii oo soo baxday ee waa iftiinka dhallaalka iyo kaaha dhankeeda iiga imanaya waaye waxaa indha sarcaadka igu riday,

Waan eegay, wali waxaan arkay qof soo socda, socodka iyo jaanqaadka xaragadu ku larantahay, habka iyo hubqaadka labiska iskuulka ee ay xirantahay iyo midabkeeda billiga iyo burjiga leh, muuqaalkeeda jinniga iyo soo jiidasha leh, wejiga araga san ee ilqabadka leh, Joogeeda iyo xubnaha isku dheelitiran ee eebahay u sameeyey, ayaa saaqay dareenkayga, cawarey arageyga kana dhigaya iftiinka dhankeeda ka imaanaya mid aan indhaha loo la dhameyn karayn,

Waan istaagay oo aan eegay iyaduna ma dareensano, oo waxa ay u sheekeynaysaa saaxiibadeeda la socda, waxaa saameyn igu yeelatay sida habsamida leh ee ay u laafyooneyso, aan iska yeelyeelka iyo dhaajiska midna ahayn iyo weji furnaanta dhalanka ee dhoola caddeyntu weheliso qof kasta oo ka hor timaadana xitaa hadduu careysnaa farxad ku beeraysa.

Sidaan ugu dhaygagsanaa dhankeeda ayaan halmar ka war helay Faadumo oo I hortaagan mar horena isoo gaartay, oo aad yar intey agteyda ku hakatey   si niyadsami iyo wanaag ku dheehan yahay ii bariidinaysana. Way I bariidisay ana sidoo kale waan bariidiyay, is xaal wareysi kaddib waxaan iri sii soco waan kaa daba imaanayaaye.

Isla markiiba si halhaleel ah ayaa u galay guriga, oo buugteydi soo dafay waana soo dhaqaaqay socod dagdag iyo tallaabo boobsiis ku jiro, markaan soo gaaray ayaan iri: “Haye ii waran?” Faadumona waxay iigu warcelisay: “Waa fiicnahay ee xalay waan ku soo wacayaa ayaan isku ogeyn ee maxaa dhacay ?”

Anigoo weydiinta raba inaan difaac ka galo, ileeyn xalay waa cabsaday ayaan ugu warceliyey: “Waxaan xalay oo idil sawiranaayay oo isweydiinayay , gabadhi faadumo aheyd ee hannaanka qurxooneyd, habsamida iyo hufnaanta eebahay hibbada u siiyey, ee aan shalay galab arkay sawirkeeda, waxaan maskaxdeydu iisoo celcelinaysa, laafyaheeda iyo muuqaalkeeda wax aan ku mitaallo dunida korkeeda aanan garaney, sidaa baan fursad ugu heli waayay taleefankeyga.

Intey si fiican indhaha iiga buuxsatey, wejiga muusood iyo qosol aan afka iyo dibnaha soo dhaafin balse, dareenka nafta ka yimid daamankeedu isu diyaariyeen, ayay tiri: “Hmmmm Ileyn hadalka waad sameyn taqaanaa niyoow kaftankana waad ku dheeraysaa kuma ogeyne!

Anigoo weli sii wata hawshaydii rabana inaan dulxaadiyo kaftanka, dareensiiyona sidaan ula dhacsanahay ayaan iri: “ Tii xalay waxaa iiga daran taan saaka arkay, ee weliba garab socdo waxaan isweydiinayaa sidaan muuqaan ugu dulqaadan doono, qosolka waa ku sii laray, anigoo leh, hadii aad sidaan kuu sii arko inaan nuurkaaga ku dhalaalo ayaan ka baqayaa ee maad indhashareer iga xiratid.

Markaan Afkii quruxda badnaa dibnihii yaryaraa ee buurbuurnaa isku dheelitirnaa ee aan waaweyne, kalana dheerayn ee aad moodaysay farshaxan inuu si wanaagsan u xardhay, Eebba cid walba ka farshaxansane ayay intey kala qaaday, qurux badanaa afkeedu, qosolyarna dhag ka siiyey ayay tiri: “Waryaa ma inaan suuxo ayaad rabtaa? Bas iga dheh warkaas ee bal ii waran see tahay?

Run ahaantii ma qiyaasi karin farxadeydu intay la’ekeyd, indhahaygu waxay mararka qaar eegayeen gabadh aad mood sidii daa’uuska ee eebbe bilicda iyo bili’gaba isugu daray ee i garab socota, mararka qaarna waxaan qalbiga ka lahaa allow riyadeydii ka dhig oo waliba ii Rumee.

Waxaan soo gaarnay iskuulkii waxaan ka codsaday in barqadii xiliga nasiinada aan isku imaano si aan ula sheekeysto wayna iga aqbashay.

Maanta waa maalinkii aan u lahayn barnaamijka DHIIRIGELINTA ARDAYDA, waana inaan Ardayda iyo Safka hortooda hadallo ka soo jeedinaa intaan Kaabbada  sare  ee Calanka hoostiisa  istaago(Daabuurka), waxaa ku qoran Fasalkayaga, waxaa goobta istaagay Xariiriyihii waa uu furtay hadalka oo u guda galay barnaamij, markii uu dhaxda sii marinayo ayaa waxaa iisoo dhawaaday hoorjoogihii fasalkayaga, oo igu yiri waxaa lagugu qoray inaad Suugaan ardayda ka hor tiriso, Gabay, Maanso, Geeraar iyo Hees waa qasab inaad suugaan soo jeediso, aad ayaan u naxay oo waxaan iri niyoow waxba horey iigumaadan sheegine waa side? wuxuu yiri waa caadiye meesha wax uun ka sheeg ! Anigoo yaaban is weydiinayana waxa aan dadka la hor istaagi doono ayaa la ii wacay oo la’igu soo dhaweeyay codbaahiyaha.

xoogaa baan aamusnaa dadku waxay isweydiinayeen waxa i helay oo qaar u heysteen inay soo jiidashada dareenkooda tahay anigase waxaan ka fikiraayay waxaan oran doono. Ilbiriqsiyo kadib ayaan ku luuqeeyay Heestii Xasan Aadan Samatar qaadi jirey ee caanka ahayd.

  • Qorraxdoo aroortii
  • Qaybisay Fallaaraha
  • Ama qaanso roobaad
  • Daruur midabku qarisay
  • Qiimaheedii leedee

Waxaa iga baxday cabsidii iyo firka nixii, ka dib markaan arkay Faadumo oo ardayda ugu horreysa ii dhoola cadDeynayso misna ardaydu ii wada sacbinayaan.Ha sacbiyaan kuwaan muhiim ma ahee, adiga uun dhoola caddeynta ha iga joojin ayaan hoos ka leeyahay.

  • Qofna lama ammaano
  • Qalad looma heesee
  • Qureyshtii haweenkaay
  • Naftaad qancisay baa
  • Kuu qushuucdayoo
  • Wanaag kuu qireysee..

Waan waday misna igu sii socotaa markaan arko iyadoo i hortaagan alla yaa u sheega in heesta dhagahan wada maqlayaa ay ka muhiim santahay inay qalbigeeda gaarto !!

Waan dhammeeyay heestii oo dhammaan ardaydii ayaa bullaan iyo sawaxan isku daray iyagoo ku qaylinaya oo leh biis ,biis, war inoogu celi markale, ana waxa aan u baahnaa waan gaaray waayo waxaan rabay inaan jacaylkeyga ka hor qirto Bulshada oo idil maadama aan ka baqay inaan kaligeed ka hor sheego.

Intii aan waday heestan ma eegeyn dhan kale oo waxaan fiirinaayay wajigeeda maadama uu ahaa meesha aan ka aqrisanayo ereyda aan ku hadaaqayo.

Waxaan wareejiyay cod baahiyihii waxaana kala galnay fasaladii, balan ayaa noo madlan inaan Nasiinadda ku kulano, waan sugi la’aa inta laga gaarayo biririfta,balse waxay ii sheegtay inay biririfta aysan wada qaaddanayn ee ay baxayso, oo meel ay u socoto galabta xiliga bareefadkana aan is arki doono, ana waan cudur daartay madaama aann aanan bareefadka imaan doonin taa badalkeedna aan caawa soo wici doono.

Habeenkii ayaa la gaaray waxaan soo fadhiistay qolka nasashada ee fadhiga maadama aan gali doono sheeko muhiim u ah nafteyda, waxaan damiyay Talefishinkii ii daarnaan jiray xiligan,

Caawa filimaantii jacaylka ee aan daawan jiray ma jiraan maadama aan aniga bilaabayo Qiso jacayl oo nafteyda quseysa.

LA SOCO QAYBTA 3AAD

Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

Mohamedsheikh001@gmail.com

 

SHEEKOOYIN