Waqtigeennii wacnaa innagaa walaacinnay W/Q:Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

sawirka

Waqtigeennii wacnaa inagaa walaaciinay

Habeenkii ayaa la gaaray waxaan soo fadhiistay fadhiga maadama aan gali doono sheeko muhiim u ah nafteyda, waxaan damiyay Talefishinkii ii daarnaan jiray xiligan oo kale habeenkasta ,

Caawa filimaantii jacaylka ee aan daawan jiray ma jiraan maadama aan aniga bilaabayo qiso jacayl oo nafteyda quseysa.

Habeenka barkii ayaa tagay oo goorsheegtadu waxay sheegeysaa in la gaaray 12kii , waxaa bilaabatay taariikh cusub oo wadata maalin cusub Nolosheydana u xambaarsan hiigsi cusub taa oo uu wehliyo qof cusub.

Waxaan rabaa inaan caawa la hadlo qofkii maankayga gashay ee dareenkaygu u boholyoobey xasuusteeduna igu soo noqnoqonaysay inbadan anigoo raba inaan ka dhaadhiciyo waxa aan damacsanahay, waxa aan la jeclahay iyo  waxa aan uga baahanahay intaba.

Waxaan soo qabsaday taleefoonkii oo aan dul tagay lambarkeedii waxaan ku fekeray oo isweydiiyay halkii aan hadalka ka bilaabi laa’…

Geesinimadu waa ka hor intaanan maqal dhicitaanka Taleefanka aan wacayo ee maxaan oran doonaa markii layga qabto taleefankaa?

Wali ma garaacin lambarkeeda suulkeygu wuxuu u diyaarsanyahay inuu riixo si jabaq sida u caraabiyo codsigay  dhankeedana uga yeeriyo dawanka  allanka ay sidato, waxaan u ahay diyaar inaan waco marka go’aanku kasoo baxo qalbigeyga laakiin Laabta ayaa hoos ka ooyaysa oo leh iyadoo is canaananeysa

  • Dhaayaha dadweynee
  • Shalay dhawristoodii
  • Jacaylkeyga dhawaq dheer
  • Ku iri waan ku dhawrayaa
  • Caawaan dhabee lahaa
  • Misna afki dhawaaqiyo
  • Ka dhowrsaday inuu dhaho
  • Dhooleey walaaleey
  • Caashaqaan la dhiilee
  • Igu reebay dhiilada
  • Maad ila dhabeynoo
  • Ila dheelinaysaa?

Qalbigu waa cadaw kuu diri wuxuu doono adoon raali ka aheyn kaa diidana waxaad doonto adoo baahi daran u qaba, waa Cadkaa yare ee amra jirkeyga oo idil oo qorsheeya qolofkaa weyn ee dadku daawanayaan siduu u dhaqmi laa iyo qofkuu la dhaqmi laa !

  • Mar uun maan dhiiradoo
  • ku dhaqaaqo wicideed
  • ciil ha iga dhamaadee…

waan yaabanahay wali oo waxaan ka walwalsanahay sidi xalay oo kale in niyadeydu isiiso inaan iska seexdo oo aan bari aki doono.

  • Hadaan gabo juuqdoo
  • Jacaylkeyga oran waayo
  • Uguma horeyn jabkaasoo
  • Hadraawiba waa tuu
  • Jiinka wabi agtiisa
  • Celin waayay juuqdoo
  • Yiri waan jarmaadiye
  • Redio Jamhuurkaan
  • Jacaylkayga Geyn’e
  • Jawaabtiisa iga filo.

Anigoo xarbinaya kaligeey oo marna waca haddana ka jara intuusan dhicin buu taleefankeygii soo dhawaaqay,

Inta naxay oo booday ayaan hal mar kor u iri alla maxay noo soo garaaceysaa inagaaba usoconee may na sugto !!

Iyaduna waa garteed waayo xalay baan iri waan kusoo wici oon wicin caawa haddana ma sidii bay ku seexan kartaa?

Walee waa maya.. Taleefanku wuu dhacaa oo aan ana ka baqaa qabashadiisa, war niyoow gabadhu dhiiranaa waxaad caawa oo idil ka baqaysay miyey iyadu halmar soo dhufatay!!

Alleylehe waa inan rageed…

War yuusan go’ine bal Taleefanka ka qabo gabadha!!

Wuu go’aa iyana way igu soo celisaa, kama quusato wicitaankeyga ana ma go’aansado qabashadiisa…

 halmar ayaan booday oo qabtay taleefankii anigoo la moodo inaan meel dheer kasoo orday dhididkuna buux dhaafiyay dhabanadayda misna ka dhaxmoonayo laabta oo wareersan ayaan iri:

  • Anigii: Halow Walaal Faadumo ii waran
  • Iyaduu: Haa walaal waa fiicnahey seetahay adi
  • Anigii: Waa fiicnahay walaal, een een haddaan rabay inaan kuusoo Waco walaahi
  • Iyadii: Hmmm miyaad soo orodaysay waa maxay waad neeftuureysaaye ?
  • Anigii: Mayee waan iska jimic sanaayee maan qoraal ka wada hadalno hadaysan dhib kugu ahayn.
  • Iyadii: Waayahay balse qoraalka ha igala daahin yaan kaa seexane
  • Anigii: waayahay

Caawa oo idil markaan ka fekerayay oo isweydiinayay waxaan ka yeeli laa wicitaankeeda muxuu iigu soo dhici waayay inaan Farriin qoraal u diro ?

Hada waa lagu sugayaa oo farriin baa lagaa rabaaye bal wax qor.

Nafteyda ayaa caawa igu ah cadaw oo diidaysa waxaan iraahdaba iyadaa ii talinaysa qalbigana wuu dagaalayaa jirkiina wuu daalay suu ugu dhex jiray !

Farriintii ayaan bilaabay oon leeyahay

Walaal Marka hore waan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad iila wadaagtay barashadaadii, runtii ma aha wax aan qiyaasi karo qiimaha ay iigu fadhiday inaan ku barto kula wadaago sheeko..

Ma qiyaasi kartid nolosheyda labadaan bari farxada iyo  raynraynta kusoo siyaaday taa oo aad wadatay adiga.

Faadumo waxaa tahay qof aan ilaawi doonin xitaa d aan maalmahan kooban uun ku aqaan ka dibna aan nolosheyda kaa waayo, dhowrkan maalmood ayaa igala qiima badan sannado badan oo Nolosheyda.

Waxaan aaminsanahay inaa tahay iftiin soo galay nolosheyda Qurux kusoo biirtay Maalmaheygii farxada iyo Murugada lahaa.

Wali ma aanan gaarin markii aan ku oran lahaa wax walba oo qalbigeygu ku jiro waanse sugayaa waxaan damacsanahay ayaa ah inaan helo ogolanshahaaga inaan ogaado in naftaadu diyaar u tahay inaan qayb ka noqdo iyo inkale .

Warqadii ayaan diray waan hubaa way aqrisay balse wali jawaab ima soo siin,

Maskaxdeyda waxyaabo badan ayey isweydiinaysaa oo ay kamid tahay maxay Jawaabta ula soo daahday ?  may dhaqso kuusoo jawaabto IQB waxaanse hubaa inaysan igala baqi doonin waxa ay iga damacsantahay maadama aan ku aqaan dhiiranaan saaid ah.

Waxaan eegaa taleefanka daqiiqad walba si aan u arko wax ay iisoo dirtay Faadumo laakiin wali ma helin jawaab, nusu saac baa maray, saacad baa dhammaatay walina waan sugayaa in aan jawaab uun helo.

La soco qaybta 4aad

Mohamedsheikh001@gmail.com

 

SHEEKOOYIN