Waqtigeeni wacanaa inagaa walaacinnay W/Q: Mohamed Abdikadir “Socdaal”

sawirka

Waqtigeenini wacanaa inagaa walaacinnay

 

Halka uu hiigsiga nololeed kuu hogaamiyo ayaa ah meesha aad sidoo kale ka heleyso wehelka buuxinaya baahida naftu dareemayso. Aragtidii iigu horeeyay ee aan arko waxa ay aheyd sidi qof aan aqaano oo kale waqti badana soo wadaagnay, soo wada qosolnay, isla soo dhoola cadaynay, waaya badana soo wada ciyaarnay,

Waxaan ogaa in iskuulka ay ku cusubtahay oo laba maalin un ay dhiganayso taa ayaana ah xaqiida ii cadeynaysa inaan aqoon, waxaan soo xasuustay Oraah aan horay u maqlay oo lahayd “dadka dunida isku barta ee saaxiibada noqda waa kuwo awal ay nafahooda saaxiibo ahaayeen ka hor abuuritaan kooda sidaa si lamidana waa kuwa lamaanaha ah”

Waxaan iri Barasho wacan magaceyga waa Maxamed, iyadoo dhoolacadeynaysa ayey iigu jawaabtay soo dhawoow magacaygu waa Faaduma.

Faadumo waa inan kasoo hayaantay dalka hooyo sidayda oo kale ujeedkana aan kawada simanahay oo Magaalada aan ku suganahay waxaan u nimid waxbarasho. Waan la sheekeystay aadna isku fahanay waxaana jecleystay inay noqoto qofkii aan ka weheshan lahaa qurbaha aan isla joogno,

Waa qof kaftan badan dabeecadna eebe u dhaliyay dhoola cadeyntana aanan Bushumeheeda ka dhamaan faraxsan marwalba arageedana lagu farxo, midibkeedu waa Cadaan oo qofna indhaha uma dhamayno karo, Bushumo madow xigeena, dhax dhuuban ood moodo in la qoray, ma cayilna caatana ka fog oo waa noocii Abwaanku lahaa dhaxdu madag afkuna dhuxul ma wax loo dhigaa jira?

Aad iyo aad ayaan ugu farxay barashadeeda ma’aqaan sababta waxaan aaminay in nolosheyda ay soo gashay qof qiima leh waxaan u qaaday dareen ka duwan kii aan u qaadi jiray hablahii ka horeeyay ee aan haasaawe wadaagnay!

Maadama aan ku bartay goob waxbarasho tahayna xiligii ay dadku rawaxayeen waxaan ka codsaday inay ka harto gaariga iskuulka si aan usii dhaweeyo wayna iga aqbashay. Waxaan gaabiyay socodkii oo aan u bilaabay sheeko anigoo marba mid soo qabanayay si socodku inoogu qurxanaado halka iyaduna ay aheyd mid ila wada sheekada iigana sheekenaysa waayo badan iyo waxay soo aragtay.

Intaan la socday waxaan dareemayay inaan helay qofkii nolosha igula hogaamin lahaa halkaan hiigso isleeyahay, waxaana dareemayay ama aan isku dayay inaan nafta ka dhaadhiciyo inay la socoto lamaanaheeda Nolosha.

Waqtigu waxuu ahaa xili qorax dhaca waxaana socotay dabayl yaroo macaan taa oo keentay farxada iyo dagnaanta nafteenu dareemaysay qurxisayna socodka lamaane ee aan qalbiga ka sawiranaayay.

Waxaan ahay nin ku fekeraya sawiranaya ama dhisanaya guri aanan wali la tilmaamin halka laga dhisi lahaa waayo warba uma hayo inantaan ku faraxsanahay ma midkalaa ku lamaan? Miyay doonantahay? Mise waa reer ?

Marka aan sawiranayo, isdareensiinayo farxada iyo daganaanta aan ku dareemayo la socodkeeda dhanka kalena waxaa ii sawiran calool xumada isugaysa marka ay I tiraahdo nolosheyda boos kaagama banana.

waxaan damcay inaan u qeexo waxa dhabta ee aan dareemayo iyo waxa aan la jeclaystay maadama aan soo gaarnay ilinka hore ee gurigeeda xiligan wixii ka danbeeyana aan kala Hayaami doono.

“marka hore waan ku faraxsanahay barashadaada Qaali, Nolosheyda waxaad ku beertay dareen kaa oo macnaha dhabta ee uu leeyahay ay tahay inaan nolol Macna leh kula wadaago kulana qaybsado dhib iyo dheef wax walba oo noloshaada kusoo siyaada adigana aan kaa rajaynayo sidoo kale, Waxaan Rumaysanahay inaa tahay qofkii ay nafsadeyda raadinaysay waayo daqiiqado kooban oo aan kula qaatay waxaan dareemay farxad aanan waligey isoo marin waxaan jeclahay inaan lambarada kala qaadano siina wada sheekaysano oo xiriirkeena intaan ku ekaan madama dunidan Maalinba laba isbarato.

Nasiib wanaag waxaa isugu key aaday erayo aanan fileen in aan sidaa isugu aadin karayo waayo intaan soo socday oo idil baan kasoo fikiraayay waxaan u sheegi lahaa marka u danbeysa ee aan macsalaameyn doono Nasiib xumase waxaa aan Aqrinayay ma’aysan maqal oo maankeyga unbaa sawirtay inaan u sheegay. Halmar unban arkay gabadhii oo muuqaalkeedii isbadalay aadna ka dareemayso fiiris layaab, waxayna igu tiri:

Maxamed maxaa kugu dhacay waad dhoola cadeynaysay afkana nuuxnuuxinaysay sidii qof ila hadlaya ee ma waxbaad ii sheegtay?

Waxaan ugu jawaabo ayaan aqoon waayay waayo kuma celin karo wixii aan aqriyay oo waxaan ka cabsaday in mar labaad sidii igu dhacdo waxay iga codsatay inaan gudaha usoo galo guriga waxaana ugu jawaabay inaan markale soo booqan doono oo hada aan halkan kaga noqonayo.

Waxaan kasoo qortay ciwaankeeda iyo lambarkeeda waxaana usheegay inaan soo wici doono Caawa. Waan soo tagay anoo maankeygu kusoo dhacayaan erayo badan oo ay laabtu jeclayd inaan ku iraahdo balse afku diidanaa qiritaankood.

 

La soco qaybta 2aad

 

W/Q: Mohamed Abdikadir “Socdaal”

SHEEKOOYIN