War hooy garo ”qofka aad la saaxiibeyso iyo qofka aad u saaxiibeyso” W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq (Zedra)

War hooy garo ”qofka aad la saaxiibeyso iyo qofka aad u saaxiibeyso”.

Saaxibtinimadu waa kalsooni dhamaystiran iyo isku hallayn badhaxtiran, taas oo ka hufan dabeecadaha is rogroga ee ay noloshu wadato. Haah! Saaxiibtinimadu isma beddesho, waana dareen ku qotoma naf qaybsi ka ballaadhan xidhiidhada caadiga ah ee wada dhalashudu salka u tahay. Soomaalidu  waxay tidhaa: saaxiibku mar waa sahankaa, marna waa sedkaa, marna waa sababtaa.  Waa seddex mar-xaladood oo la hubo inay saaxiibtinimadu leedahay.

Waa tan koowaad ee ”waa sahanka lagu guuro, waa tusaha meesha aad gaadhi karto, waa hanka kuu jiheeya dariiqa’ aad qaadayso”, waana sababta ka dambaysa in aad la timaado hiigsi iyo himilo dheer oo la mahadiyo.  Waa tan labaad ee waa sedka iyo hantida aad dunida ku haysato, waa dheefta aad keligaa gaarka u leedahay ee aaney cid kaaga dhawi jirin.  Waa natiijada saxda ah ee aad maxsuulkeeda weheshato, waana qiimaha iyo qiyamka aad huwan tahay ee aad mus danbeedka ka dhigato.  Waa marka sedexaad ee waa sababta guushaada, tilmaamaha noloshaada, dhiirregeliyaha socodkaaga, kobciyaha garaadkaaga iyo kaabaha rajadaada.

Marka aynu ka hadlayno macnaha dhabta ah ee saaxiibtinimadu, kuma aroorto jid qudha iyo mar-xalad keliya ee waa mid ku xidhiidh-san guud ahaan nolosha aadanaha.

Ma odhan karno saaxibtinimadu waa hal-beeg laysku wada raacsanyahay oo dadku isku si u arkaan, isku sina ula kulmeen, balse, waxaynu odhan karnaa saaxiibtinimadu, waa nasiibka lays dheer yahay ee lala kulmo. Siyaabo kala duwanna waa loo helaa, balse, muhiimaddu, waa in ay jirto dareen wax wada qaybsi ah oo aan wax loo dhigaa jirin.

Intaynaan wax badan gorfaynin, aynu kala fahanno saaxiib iyo saaxiibtinimo, falsafad ahaan waa qof iyo hu’gii uu xidhnaa, maya waa asal iyo farac, ma intaas uunbaa? maya, waa sifo taagan iyo suurad magacyo badan yeelata, si fiican iimaad fahmin, balse, aan kuu jilciyo, waxaad xisaabisaa cimrigaad jirtay, soo wax badan maad jirin? Haa iyo maya! bal kasoo qaad in aad wax badan jirtay, nolosha wax badan soo umaad soo joogin? Haa. si fiican baad u xasuusataa saaxibkaagii yaraanta, mar kale saaxiibkaagii wax barashada, mar kale saaxiibkaagii shaqada iyo imminka oo aad isku meel ku nooshihiin saaxiibkaaga dhabta ah, kuwii hore laga yaabee in aad beri hore kala lunteen.  Maya wakhti horaa isugu kaaya danbaysay. Intaasiba maxay ahaayeen?! Saaxiib. waa suurad is beddesha oo magacyo badan qaadata, balse, saaxiibtinimada dhabtaahi, waa sifo taagan oo aan is beddelin.

Dadka qaar waxay nasiib u yeeshaan hal saaxiib oo noloshoodu is buuxiso, iyaguna isku cabbiran, qaar kale waxay yeeshaan saaxiibbo is beddela oo midba mar-xalad ugu astaysan yahay, waxaase xidhiidhka macna u yeela dareenka la wadaago iyo sida waayaha nolosha loo qaybsado. Waxaa jira saaxiibbo badan oo wakhtiyo badan jaal ahaa, balse, aan isku cabbirnayn iyo kuwo muddo kooban is yaqaanna oo aan waxba u kala dahsoonayn, tani waa sababta dareen wadaaggu saaxiibtinimada u wehesha ah.

  1. Adigu ma leedahay saaxiib?
  2. Mase taqaannaa sababta aad saaxiib ula tahay? 
  3. Dadka kale muxuu kaaga duwan yahay? 

Ma isagaa saaxiibkuu ah mise adigaa saaxiib u ah, mise laba saaxiib ah oo simman baad tihiin? Ma taqaannaa kan saaxiibtinimadiinna  u nugul adiga iyo isaga? Adiga saaxiibkaa noloshaada kaallintee buu kaga jiraa? luuqad caynkee ah baa idinka dhexaysa saaxiibkaa? Ma xasuusata inta jeer ee aad caawisay ama uu ku caawiyay?  Maxaad dareentaa haddii khalad lagu sammeeyo ama aad adiguba ku khaldantid? Imisa shay oo kuu gaar ah baad ka qarin kartaa? Maxaadse u sheegi kartaa saaxiibkaa? Marka layskiin bar-bar dhigo adiga iyo saaxiibkaa, maxaad ku qancisaa dadka kale? 

Ma jirtaa sir kuu gaar ah oo aad ku adkayso saaxibtinimadiinna oo aanu weli isagu ka war hayn? Meesha aad rabto in aad gaadho iyo halka aad rabto in aad saaxiibkaa gaadhsiiso ma kala tagaana? 

Su’aalahaa iyo qaar kale oo badanba intaanad ka jawaabin waa inaad taqaannaa nooca saaxiibtinnimo ee deriska kula ah, kolley, sida aan filayo laba mid uun bay tahaye mid seddexaad maaha, waa mid xun ama waa mid wanaagsan, saaxiibka wanaagsan iyo saaxiibka xun ka aad xaggiisa tahay ayaa ogaanshiyo kaaga baahan.

Arrintani waxay muhiim u tahay jiritaankaaga, sababtoo ah meesha ugu fudud ee laga helayo qiimaha qofnimadaada iyo shaqsi ahaantaadaba waa saaxiibkaa, haddii saaxiibkaa fiicanyahay, adna waxaa lagaa fishaa waa fiicnaan, haddiise uu saaxiibkaa xun yahay adna khayr lagaa filan maayo. Haddaba si aynu isula jaan qaadno, aynu ku horrayno saaxiibka wanaagsan, innaga oo  maqaallo kale ku wadaagi doonna saaxiibka xun, maantase aynu dul istaagno saaxiibka wanaagsan,  kelideen ma nihin ee waxaa inna weheliya mid ka mid ah dadka wax ka yidhi saaxiibka wanaagsan, isma taqaannaan inaan iskiin barana iima qorshaysna, balse, waa mid ka mid ah hal-abuurrada  Soomaaliyeed  oo maanso ku cabbiray saaxiibka wanaagsan waxaanu yidhi sidan soo socota:

  • Saaxiib wanaagsani
  • Naxariista waartuu
  • Ku waraabiyaayoo
  • Wuxuu kaaga dhigan yahay
  • Bu’da wehelka dhaayaha
  • Waagii dillaaciyo
  • Walacdii timaadana
  • Wuxuu kaa waraystaa
  • Wakhtigiyo ayaamuhu
  • Siday kuugu wacan yiin
  • Xilliyada wax saarkee
  • Hadhku kaa wareegee
  • Naftu kaa wareerteed
  • Wajaqdeed asqawduu
  • Wahabkiyo dhibaatada
  • Kaa weeciyaayoo
  • Waqal weeye kuu da’a
  • Marka lagugu wiirsado
  • Ama aad walkinaysee
  • Kaa liico waayuhu.
  • Saaxiib wanaagsani
  • Waa lama huraanoo
  • Sida wiilku aabbaha
  • Warka uga dhegaystuu
  • Wax san kaa maqlaayo
  • Siduu yahay walaalkaa
  • Ama waalidkaabuu
  • Kuu waaniyaayoo
  • Sida waabka diintiyo
  • Wardigiyo quraankiyo
  • Loo wado salaadee
  • Rabbi loo wakiishuu
  • Wacdi kugu baraayoo
  • Wuxuu kugu rabbeeyaa
  • Waxyigii rasuulkiyo  (SCW) 
  • Qisaskii la weriyoo
  • Ifka waaqiciisiyo
  • Waduxaa sirteeduu
  • Waddar kuu tusaayoo
  • Wuxu kugu yidhaahdaa
  • Wadka lama hilmaamee
  • Ha illaabin waysada
  • Haddii aad wadaamaha
  • Ceel wayn ku tuurtoo
  • Biyo aad ka waydoo
  • Weelkaagu madhan yahay
  • Rajo male waraabkuye
  • Kasha wayraxeedaa
  • Niyadaada wiiqdoo
  • Walhashada duruuftiyo
  • Inkastood walaaciyo
  • War-warkiyo xanuunnada
  • Ha waraaqin leedahay.
  • Saaxiib wanaagsani
  • Hadba waxaad ku sugantahay
  • Wejigiyo dhafoorkuu
  • Ka helaa wacaashoo
  • Dibnahaaga waabtee
  • Qarsanaaya way diyo
  • Halka waranka eelkiyo
  • Waabaydu jiiftiyo
  • Waxa waydda kaa dhigay
  • Isagoon ku waydiin
  • Wuxuu kaa dareemaa
  • Bogga walax ku taalloo
  • Ku wareeg-san beerkiyo
  • Waayirrada qarsoonee
  • Wasladaha qalbiga iyo
  • Isku xidha wadnaha bidix.
  • Saaxiib wanaagsani
  • Wax tar lagu badhaadhiyo
  • Wehel weeye buuraa
  • Wacadkana ma buriyoo
  • Kama weecdo barashada
  • Haddaad waaqla joogtoo
  • Cidlo lagugu weeraro
  • Waa geesi waracoo
  • Intuu cadawga waaxyaha
  • Ka wareemo oofaha
  • Nacabkana wid kaa dhaha.

Saaxiibka wanaagsani waa qofka leh sifahaa maansadu ay sheegtay iyo in kale oo ka fara badan, ugu horrayn hal-abuurku wuxuu ina tusayaa in saaxiibka wanaagsani yahay indhaha aad wax ku aragto, markastana aad kala kulanto naxariis aan shuruud ku xidhnayn, cadceed kasta oo soo baxdana waa ruux ka war haya xaaladdaad ku sugantahay.

Mar kale maansadu waxay ku baraysaa inuu saaxiibka wanaagsani yahay qofka keliya ee ku garab istaaga marka aad dhibaataysantahay ama sabanku kaa xumaado, marka ay dadka kale ku dhaliilaan ama ku niyad jebiyaan waa ruuxa ku dhiirregeliya ee kula qaybsada xaaladda aad ku jirto, mana aha qof la waayo xilliyada baahida ee waa qof u nool garabsiintaada.

Saaxiibka wanaagsani waa mid kugu waaniya wanaagga isaguna tusaale kuugu noqda dariiqa toosan, wuxuu kugu hanuuniyaa akhlaaqda suubban, wuxuuna  kuu horseedaa liibaanta adduunyada iyo tan aakhiraba, wuxuu kugu boorriyaa tukashada salaadda, barashada diinta, akhrinta qur’aanka iyo sama falka waalidkaba, waana qof kuu xil qariyo oo aan ceebahaaga iyo dhaliishaada midna  baahin, dhankiisana aad halyay ka tahay isla markaana dharwsoon oo sir tiinna xafida. 

Saaxiibka wanaagsani uma baahna inuu ogaado duruufta ku haysata, balse, waa qof kula dareen ah oo baahidaada ka jawaaba isaga oo aan ku waraysan, ma taqaanna sababta? saaxiibka wanaagsani wuxuu kaa dareemaa meel aanay dadka kale oo dhammi aanay kaa dareemi karin waayo waa qof yaqaanna ruuxaad tahay iyo kaallinta aad ugu jirto, saaxiibka wanaagsani wuu illoobaa naftiisa wuxuuna ka shaqeeyaa horumarkaaga, runtii waxaan odhan karaa waa naf huraha koowaad ee aad leedahay saaxiibka wanaagsani waayo intaanu tiisa ka fikirin ayuu taada hir geliyaa.

Ujeeddadaydu maaha inaan kuu sharraxo saaxiibka wanaagsan, balse, waa inaan kula wadaago talo yar oo wax badan kuu taraysa, sow kula ma fiicna inaad saaxiib wanaagsan noqoto? Haa dheh.

 Haddaba ha sugin inaad saaxiib fiican hesho, balse, waa inaad noqotaa saaxiibka wanaagsan ee la sugayo, ma taqaannaa sirta ku jirta halkaa?  Waxaad ahaanaysaa qof damiirkiisu nool yahay oo dhabarka u rita mas’uuliyad wayn oo dadnimadu hoggaan u tahay, taas oo ku dhisan qalbi wanaagsanaan iyo daacadnimo kalsoonidu qurux u tahay, kana fog danaysiga iyo luggooyada.

War hooy garo ”qofka aad la saaxiibeyso iyo qofka aad u saaxiibeyso”.

Ugu dambayn, waxaan idin leeyahay: “saaxiibka kula sida naftaadiyo miyaa la simaa qof socoto ah” jawaabtu waa xaggiinna.

W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq (Zedra)

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN