Waraysiga mas’uulka amniga!!

Waraysiga mas’uulka amniga!!

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n
Halkani waa Baar Liido oo Muqdisho ku yaalla. Waa goob lagu qaxweeyo oo Xeebta Badwaynta Hindiya ku jeedda. Maalin kasta halkan dad baa soo buux dhaafiya. Waa qaybaha bulshada oo dhan. Kama marna mas’uuliyiinta xilalka u haya dowladda. Waxaad arkaysaa Kuraas cad cad iyo kuwa midabba kale leh oo halkan ay dadku la fadhiyaan. Badda iyo Mowjadaheeda ayaa lagu wada foogan yahay. Eegmo ayaa lagu istareexayaa. Waxaysa tani ka duwan tahay xaqiiqada ka jirta magaalada ay goobtani ku taal.

Meel ii dhaw nin baa fadhiya oo Koob shaah ah gacanta ku haysta xagga Baddana foolka aaddiyay. Nin kale oo la fadhiya ayeey sheekaysanayaan. Waxaana la arkayaa in ay ku jiraan jawi nasasho ah oo ay neecaawda Badda ku raaxaysanayaan. Iyaga oo sidaas u fadhiya ayuu Telefoon soo dhacay. Waa Telefoon gacmeed uu wato ninka halkan fadhiya ee sheekada la haya ninka kale. Durbaba intuu Telefoonkii soo qabsaday ayuu dhegta saartay. In yar buu aamusnaa oo uu dhagaysanayay qofka Telefoonka kulasoo hadlay. Markii aan is iri su’aashii la waydiiyay baa dhammaatay ayuu jawaab isaguna billaabay. Waxaan gartay in uu warbixin dhiibayo. Malahayga Idaacad buu la hadlayay. Mase hubo anigu. Waxaanse jawaabihiisa ka qiyaasay su’aalihii la waydiinayay. Wuxuu warku u dhacay sidan:

1. Mudane, Qarax baa daqiiqad ka hor dhacaye maxaad kala socotaa? Wariye, haddii aan runta kuu sheego Xamar maanta waxa ay maraysaa heerkii ugu wanaagsanaa. Sow ma arkin Quruxda Badda Liido iyo Mowjadaha hirarka ee is daba geddinaya? Sow ma arkin Dadka tirada badan ee usoo tamashle tagaya Badda iyo kuwa kuraasyada cad cad ku fadhiya ee leersanaya? Waa in dadka oo dhan ay usoo damaashaadaan Xeebta. Waa in maskaxda lagu dajiyaa quruxda halkan taalla. Muqdisho ha guulaysato. Muqdisho ha guulaysato.

2. Waan gartay Mudane, laakiin adiga maadaama aad tahay mas’uulkii arrintan u xil saarnaa, maxaad kala socotaa Qaraxa hadda dhacay? Een een, ma taqaanaa ma taqaanaa. Haa wuu dhacay qaraxa wuu dhacay laakiin ma xooggana runtii.

 2. Mudane, Ma xoogganayn maxaad ka waddaa dhawaaqiisa ayaa la maqlayaye? Haa waa la maqlay laakiin mid la fashiliyay ayuu ahaa oo sidii looga dan lahaa umuu dhicin.

 3. Mudane Sidii looga dan lahaa umuu dhicin maxaad ka waddaa waaba lagu dhin dhintay? Haa waa lagu dhintay waa sax laakiin qofna waxba kuma gaarin.

4. Mudane, qofna wax kuma gaarin maxaad ka waddaa meydad ayaa la daabulayaye? Haa waa sax laakiin waxaan ka wadaa ciidamadu way ka guulaysteen cadawga oo ma jiro mas’uul wax ku noqday qaraxa.

5. Mudane shacabka dhintayne ka warran? Actually dalka waxaa maanta ka socda Construction iyo Developments badan. Shacabkuna aad buu ula dhacsan yahay achievements-ka ay dowladdu gaarayso. Federal system-kii waa kan la ballaarinayo. Dhawaanna Elections baa dhacaya. Markaa Media-yaha waa in ay shacabka tusiyaan quruxda dalka ka jirta oo aan la sheegin qaraxa iyo dhibka.

Kaasi wuxuu ahaa mas’uulkii amniga oo isagoo Liido fadhiya nooga warramayay quruxda xeebta iyo hormarka Federaalka, xilli goor dhaw ay dad badan amni darro ugu dhinteen magaalada.

W/qoray: Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHEEKOOYIN