Wariye iyo Warbaahin Q4AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Wariye iyo Warbaahin Q4AAD

Gefafka Wariyayaasha
.
Xeeldheerayaasha bartay aqoonta iyo ogaalka warbaahinta isla markaana ammin badan ku soo dhax jiray  iyagoo  kaashanaya waayo aragnimadda aqooneed iyo meertooyinka ku gadaaman qaababka kala duwan ee warbaahintu ku shaqayso, waxa ay ibbo fureen xeerar iyo hannaan wax ku oola oo bahda warbaahintu ku howlgasho.
Hubaal xeeldheerayaashu waxa ay dhidibka u mudeen  hilin toosan iyo qorshe habboon  aadna u hufan oo lagu howlgalo isla markaana warbaahinta qaybaheeda kala duwan lagu hago.
Yoolka ugu weyn ee barashada aqoonta warbaahintu   waa in wariyahaashu iska ilaaliyaan gefafka iyo meel ka dhaca wax is dabamarin, been abuur, kicin, iska horkeen bulsho, qof  ama koox beegsiga dhaleecayn aan jirin, nin jeclaysi, taageero koox ama deegaan gaara, sababtuna waxaa weeye in mar walba wariyahaashu iyo warbaahintu dhexdhaxaad ahaadaan, bulshada u ahaadaan, qofka wariyaha ahina kala saaro, rabitaankiisa iyo aragtidiisa qofeed iyo dhab ahaanshihiisa xogta uu tebinayo inuu isku lammaaniyo.
Sida aan la socono inta badan xarummaha warbaahintu waxay leeyihiin maamul, hanaan iyo qorshe fulineed oo lagu wada shaqeeyo, arrintaasina waxa ay meesha ka saaraysaa is barbaryaac, wax is daba marin, shaqo xumo iyo in la baalmaro hanaanki iyo xeerarka u dhigan warbaahinta.
Sidaa darteed waa lama huraan inuu jira hanaan dhisan iyo hoggaan howsha kala haga oo habeen iyo dharaar u taagan kala hufidda iyo habaynta hadal walba oo ka baxa ama lagu qoro warbaahinta, waxaana la yiraahdaa Tifaftire. Tifaftire, waa shaqshaqada iyo hubiyaha, kala hufa ee kala haadiya, midhiftira ee saxalka iyo saxarka ka dhawra,  war, wareysi iyo warbixin walba, inta aysan bulshada gaarin.
Iyada oo ay sidaa tahay, warbaahintuna leedahay ilaalo iyo tifaftir hawshiisu tahay in uu  toosiyo waxii qalloocan, dhammeytiro waxii qabyo ah, isku dubarido hawsha tebineed ama baahineed ayaa haddana waxaa jira ama dhacaba   gefaf ka yimaad wariyaasha, qaab qoraal, qaab tebineed, qaab farsamo iwm.
 Waa maxay waxa  ay u dhacayaan gefafku?
Gef waa dhacaa, waxa aynuna u nahay  aadane, haddana marka hawshaada oo dhami tahay in aad gefka ilaaliso, kuuma noqonayso marmarsiinyo ibnu aadam ayaan ahay, waayo, haddii wariyihii, qoraagi, farsamayaqaankii gefku ka dhacay midka laga rabo inuu hubiyo inta uusan baahin waa adiga.
Sidoo kale waxaa dhacda in mararka qaarkood, dadka loo igmado xilka toosinta, tifaftirka iyo isku dubaridku, marka horeba aysan lahayn aqoonta iyo waayo aragnimada hawshan, sidaa awgeed isla iyagii ay sii dhiirigeliyaan gefkii, maxaa yeelay ma jirto aqoon iyo waayo aragnimo.
Xilalka xarumaha warbaahinta sida sida, Agaasimaha, tifaftiraha, madaxa barnaamijyada,  soo saaraha,  isku dubaridaha, iwm  waxa ay u badanyihiin xilal magac u yaal ah oo lagu qurxiyo muuqaalka hawleed  ee xarunta warbaahineed.Waxaa hubaal ah magac xileedyada aan kor ku soo xusay  inta badan ayna ka war haynin waxaa ka baxa “Warlaliska, wargeyska, mareegta iyo muuqsidaha ama muuqbaahiyaha” waxaaba dhici kartid sidaan hore u xusay in qaar ka mid ah, dadka xilalkaas ku magacaaban aysan  u lahayn hawshan aqoon durugsan, waa tii murtidu dhahaysay “Xaajo nimaan ogeyn indhaha ayuu ka ridaa” sidaa la mid ahna, arrin nin aanan aqoonna    indha ayuu ka ridaa  , sidaa darteed mar hadday shaqadu sidaa tahay oo ay kaalintii tafatirku bannaan tahay, waxaa hubaal ah in wariyaashu waxa ay doonaan ama la qumanaada inay baahinayaan, siday doonaana  u adeegsan karaan qalinka iyo codbaahiyaha
.
Bal aan idin tusaaleeyo, gefafka ka dhaca wariyayaasha iyo guud ahaanba warbaahinta.
Gafafka wariyaasha waxaan u kala qaadaynaa laba qodob.
1. Gef aqoon daro iyo waayo aragnimo la’aan awgeed  ku dhaca oo la toosin karo haddii uu hanaan jirana ay fududahay in la xakameeyo.
2. Gef si ula kaca loo sameeyay, wariyaasha soomaalidu qaarkood waxa ay  si ula kac u sameeyaan gefafkaas iyagoo ag inay baal marsan yihiin hanaankii iyo xeerarkii qumanaa ee warbaahinta lahayd.
Warbaahinta qaarkeed ayaaba yoolkooda hawleed yahay arrimo ka dhan ah, warbaahinta hagaagsan ee dhexdhexaadka, kana caagan warbaahin la rabo in ay bulshada ku hagta jihada toosan,  waxaa ka mid ah arrimahaas ay sida bareerka ah u sameeyaan warbaahinta iyo wariyayaasha madaxa bannaan qaarkood,   warar been abuur, abaabul iyo kicin bulsheed,  xasarad abuur bulshada dhexdeeda ah, ku tagrifalka hanaanka warbaahinta oo dadka lagu baado ama lagu handado,  qalinka iyo codbaahiyaha oo si gurracan loo adeegsado iyadoo bulshada dhaqankeeda iyo jiraalkeeda wax loogu dhimayo.
Wariyaasha qaarkood iyagoo iska indho tiraya doorkii warbaahineed ee dhaxdhaxaadka ahayd waxa ay ku milmeen dhinacyadda siyaasadda dalka isku haya iyagoo maalinba halkii danteedu ku jirto u durbaan tuma.
Wariyaha iyo warbaahinta midkoodna gar uma lahan inuu sameeyo,  beegsi qofeed ama kooxeed  oo la  bartilmaameedsado qof ganacsigiisa, qoyskiisa, noloshiisa gaarka ah, muuqaalkiisa iwm.
Dhammaan arrimahaasi waxa ay dhimaal ku yihiin xeerarka warbaahinta waana gabboodfal iyo xadgudub shaqsi diintuna ma ogolo dhaqankeena suubanna waxaasi waa ku gef iyo meel ka dhac.
Sidoo kale waxaa jira arrin aad u fool xun oo la dhaho (shuruur, caano, adcun iwm) balse annigu waxaan u aqaana  wax is dabamarin iyo  baad. Arrinkani laba siyood ayuu ku yimaad, in qof dhaqaale ku bixiyo warbaahintu in ay been abuur iyo arrimo ka dhan ah qof ama koox kale abaabusho iyo in warbaahinta lafteedu abaabusho iyada oo qofkaas rabta in ay ku baarato kuna baado.
Laaluushka iyo wax is dabamarintu waxa ay wariyaasha u horseeday halis ay naftooda ku waayaan kaddib marka ay baahiyaan warar iyo barnaamijyo been abuura.
Haddaba si gafafkaas iyo kuwa kaloo badan looga fogaado waa in la ilaaliyaa oo loo hoggaansamaa xeerarka warbaahinta, mar walbana wariyaashu ay ahaadaan kuwo dhexdhexaada.Wariyaashu waa inay iska hubiyaan waxaa ay baahinayaan kana fajignaadaan wixii naftoodada iyo magacooda waxyeelo u keenaya.
Nabigeena SCW wuxuu yiri dhammaantiin waad gafaysaan(khaldamaysaan) waxaana ugu wanaag badan  kiina gafkuu uu galay ka soo laabta.
Hal abuur Cabdiraxiin Hilowle Galayr ayaa maanso uu curiyey gugii 2012, isaga oo isla qaabkan uga warramaya waxaa uu yiri .

 

1.Saxafiyoow sabbayntaadu

2.Hadba surima jiidhkaagu

3.Yaanu sabada kaa saarin

4.Yaanu sibiqna kuu daaddin

5.Yaanu kula sawaaraynin

6.Yaanu soohdinta dhaafin

7.Yaanu samadda kula aaddin

8.Saxaafadu sidaa maaha

9.Hadba seeri jiidh maaha

10.Sawdkaaga gado maaha

11.Sirgac iyo xumaan maaha

12.Bulshadana sumee maaha

13.Kala soocis keen maaha

14.Kala saar dadkana maaha

15.Sababee colaad maaha

16.Warar saafiyoo diiran

17.Samo iyo wanaag beera

18.Saluugiyo xumanna keenin

19.Ku salee aqoontaada

20.Hadba saymihii nabad leh

21.Saxalkiyo dhibkana qaadda

22.Sahankooda doon weeye

23.Socodkeeda badi weeye

24.Ku saxeex qoraal weeye

25.Soyaalka geli weeye.

26.Saxafiyoow sabayntaadu

27.Hadba surima jiidhkaagu

28.Yaanu sabada kaa saarin

29.Yaanu sibiqna kuu daaddin

30.Yaanu kula sawaaraynin

31.Yaanu soohdinta dhaafin

32.Yaanu samada kula aaddin

33.Sawdkaad tidhaah heedheh

34.Sadarkaad qortaa heedheh

35.Soo saaristaa heedheh

36.Sii baafiskaa heedheh

37.Adigu ku sugayaaye

38.Sixid kaa rabaa kow dheh

39.Marka lagu su’aaleeyo

40.Xornimadu sidaa maaha

41.Sidaad doonto yeel maaha

42.Samahoo la waydeeyo

43.Xumahoo la sii daayo

44.Sadhe iyo sun laaq maaha

45.Sacab beena tumo maaha

46.Sunuud raadi uun maaha

47.Sariigana ka bood maaha

48.Soodhiyo bulaan maaha

49.Qayliyo sawaxan maaha

50.Seegseeg adduun maaha

51.Aakhiro ka suul maaha

52.Umaddana sadqee maaha

53.Waa saacid gacalkaaga

54.Hadba kii samaan doona

55.Ruuxii sax tebinayaa

56.Sare iyo cirkaa geeye

57.Kii xumaha saydhaaya

58.Ee belo sunsuminaayaa

59.Sulufkiyo colaad doona

60.Siyaasiga ciladihiisa

61.Soo saar xumaantiisaa

62.Meeshii sabbaan jiidho

63.Ee saxal abaaroowda

64.Ee soofku ka idlaado

65.Soomaalidaa joogta

66.Samo iyo gargaarkooda

67.Iyo sahay u doon weeye

68.Socodkiina muuneeyaa

69.Soor yeysan idin qaadin

70.Iyo seefta xuma sheegu

71.Ka siqsiqa waxii seeran

72.Ku sinnaada magaciina

73.Iyo saxafigii suubaan

Lasoco qaybta xigta haddii Eebe idmo.
W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.