Warqad furan: murashaxa XORRIYO geeyaa ha guursado! W/D: Cumar Yusuf Cabdulle

1508111_902541266474739_6838926004657351056_n

Warqad furan: murashaxa XORRIYO geeyaa ha guursado!

 

In aan ahay muwaadin ka sokow, waxaan ahay arday wax ka barta waddan dibadda ah. Ma awoodo in aan idin la kulmo, oo dalkii baad joogtaan badankiin, mana awoodo inan idiin kugula soo xiriiro khad taleefan oo qaarkiin olole xooggan baad ku mashquulsantihiin, sidaa oo kale, ma awoodo in codkii muwaadinnimo ee doorashada aan bixiyo. Sidaa awgeed baa garashadaydu i siisay, in aan warqad furan idiin soo diro.

Mudane/Marwo; ogsoonow waxaan ahay wiil dhallinyar ah oo kuu haya ixtiraam, qaddarin iyo xushmadba, lexejeclada uu kaa qabo waddankiisa awgeedna doonayo, in uu kugu biiriyo wixii uu u arko, in ay yihiin tubta toosan ee aan qoomammada danbe lahayn.

Soomaaliya maanta waxey mareeysaa marxallad aad u cakiran dhan walbo, dhaqaalihii iyo amnigii wuxu u afduubanyahay cadaw shisheeye iyo xumatalis aan ahayn kuwii ay xaqa u ahayd inay dadku u dhiibtaan.

Qormadeyda waxay ku soo aaddeeysa xilli aad u adag, oo duruufo dhaqaale ka jiran guud ahan dalka, halka adigane aad laaluush malaayiin Doollar aad kursiga ku dooneysid, oo laga yaabbo, in dawarsi shisheeye ku soo heshay. Sido kale, duruufo amni iyo dirir sokeeye ayaa ka jirta gobollo badan oo waddanka ah. Waqtigan aan qoraalkan qorayo waxa dhiig ku daadanayaa magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Eebbow qaboojiye.

Dhanka dhallinyarada oo ah ku dhawaad 70% tirada guud ee dadka, waxa heysato caqabado aad u badan, shaqo la’aan baahsan, xagjireyn, tahriib, dilal joogta ah iyo in lagu eedeyo burcadbadeednimo, oo xabsiyo shisheeye ku dhibaateysanyihiin, inteenna yar ee qurbaha wax ku baratayne waxaa na heysato hubaal la’aan halkii ay ku soo hiran lahaayeen.

Dhinaca caafimaadku iyo waxbarashadu aad bey u liitaan, iyadoo tirada dadka dugsiyada aado lagu qiyaaso 10% bixiyana lacago aad u badan oo ay u sii dheertahay tayada waxbarashada guud ee dalka oo aad u liidatt.

Dhibaatadaa aan kor ku soo xusay iyo in kaloo badan waxey si cad maalin walbo u hareereeyen nolol maalmeedka in ka badan 12 milyoon qof oo Soomaali ah, rajada kaliya ay qabaanna tahay cidda kursiga ku fadhiisan doonta. Haddaba, mudane, haddii aad hubto oo himiladeeda aad leedahay waa hubaal, in Rabbi kuu hibeyn doono. Haddii aadan hannaankeeda heynin yeynan kaa noqon hiyikac, hadhoow lagu hungoobo oo lagu halaagsamo.

Sidoo kale ayaa mudane cudurka ogu badan, ee maanta inna heeysta yahay qabiil iyo qabyaalad, ka sii daran oo qabyaaladdii baa la casriyeeyey oo qarankii oo dhan jeexjeex baa qabiillo u leeyihiin oo xudduudo u ka la sheeganayaan. Inanka Hargeysa joogaa wuxuu aaminsanyahay, in aanu lahayn Muqdisho, ka Garoowe joogaana Baydhabo, ka Kismaayo joogaana Cadaado. Sidaa u wad oo qabiil waliba dadkiisa wax ay ku shubeen, in ay gobolkan leeyihiin kuwaa kalena aanay lahayn.

Mudane musharax, qarannimo ma noqonaysaa mase tahay? Horta dal noocaas ah baad musharax u tahay oo siyaasiga iyo suldaanku in uu sidaa noqdo ay ogu wacan yihiin, dadkiisuna in sidaa laga dooriyo ay u baahan yihiin ee ogsoonow.

Waa kee halyeeyga xorriyo geeya?

Mudane musharax “xorriyo” ma ahan gabar, si un aad isaga caashaqi karto, oo hadba si kuula jibine jaceylka aad u qaadday, oo ilaa iyo guurna wada gaari kareysaan, ee waa masiirka iyo mustaqbalka hooyooyin aan heysan caafimad, hooseysana inay badbaadan waqtiga dhalmada. Waa masiirka carruur malaayin ka badan oo lagu tilmaamay in 60% ay ku dhintaan iyagoo aan qaangaarin. Waa masiirka boqollaal dhallinyaro, oo ku xiran xabsiyo shisheeye iyo gudaha dalka, iyagoo lagu soo eedeyey xagjirnimo iyo burcadbadeednimo ama u xiran wax aan la aqoon, qaarkoodna iyagoo waddankooda isaga haajira maalin walbo ku hoogmaan kuna baaba’aan saxaraha iyo badaha dunida. Yuunan warankeygu kugu gilgilan, waayo, waxad tahay shakhsi ka dharagsan duruufaha dadka iyo dalku maraayo, waana ku la dareensanahay, in howlo badani ku horyaallaan, oo aad olole ogu jirtid sidii aad u geyn laheyd Xorriyo, una hoggaamin laheyd ummad qallafsan, oo ka la irdhoowday, oo is aaminaad dhex oollin.

Mudane yeynan kaa qaldamin qof walbo xorriyo ma geyo, ee waxan rabnaa hoggaamiye fogaan arag, daacad, karti leh, kana fiyoow fitnadda federaalka iyo qabyaaladda, waayo, asaaggeen waxa innaga reebay hoggaanxumo.

Mudane musharax ma ogsoontahay, inaan ahay dulmane, aan cod ku laheyn ciddii ceynaanka inoo qaban laheyd, waayo, go’aankii dadka Soomaaliyed wuxuu jeebka ogu jiraa shisheeye, odey dhaqameed iyo adigoo aad mooddo, in karti iyo daacadnimo aad ka arradantahay! Balse, waxa hubaal ah, in uu maalin dhalan doono halyeey xorriyo geeyaa, waana marka dadweynuhu codeyn doonaan, oo qof iyo cod lagu ka la guuleysan doono, maadama aan hadda fursaddaa muwaadinnimo ee codeynta aanan heysan. Waxan rabaa, in aan warqaddan furan su’aalo dhowr kugu weydiiyo, ee haddaad isu aragto halyeygii xorriyo geeyn lahaa fadlan warcelin baan ka sugaa.

1- Ma leedahay aragti, istaraatiijiyad iyo qorshe cad, oo aad ku wajahdo faragelinta shisheeye, waayo, dhaqaalo, amni iyo siyaasaddii waddanka inta badan iyagaa afduubtay?

2- Qaabkee baad ku dabargooyn, ku tiirsanaanta shisheeye, si aan is ku filnaansho amni, dhaqaale iyo siyaasad u gaarno?

3- Ma inoo sheegi kartaa qorshahaaga ku aaddan Alshabaab? Ma ku dhiirran kartaa, in dib u heshiisin la la furo? Waa hubaal inan dagaal looga guuleysan karin ee qorshe kale ma heeysaa?

4- Ma aaminsantahay, in awoodda guud ee dowladnimo shacabku leeyihiin oo ay ku dhiiban karaan, kaana qaadan karaan?.

5- Ma aaminsantahay, in danta dowladnimada Soomaliyeed ku jirto, in kaliya hal ama labo koox/dowlad oo Soomaliya daneeya xiriir weyn la la sameeyo? Mana ku dhaqaaqi kartaa arintaasi?

6- Qorshahaaga buuxa ee dib u dhiska ciidamada xoogga dalka iyo ka saarida ciidamada shisheeye ee waddanka muxuu yahay?

7- Maxaad ka aaminsantahay midnimada Soomaliya? Ma jiraa qorsho cad oo ku aaddan gooni isu taagga Somaliland?

8- Qorshahaaga iyo muddada aad u diyaarisay dhammeystirka dastuurka KMG iyo afti u qaadidda federaalku intuu la eg yahay?

9- Qorshahaaga ku aaddan dhibaatooyinka guud ee dhallinyarada iyo dumarka heeysta maxay yihiin?

10- Qorshahaaga ku aaddan horumarinta tacliinta, caafimaadka, iyo dib uso celinta qaxootiga Soomaliyeed ee dunida daadsan noo qeex?.

Ogsoonoow mudane, weydiimuhu intan wey ka badan yihiin, ee waxaan u soo qaatay kana soo qaatay, intii aan is iri aragtideyda gaaban, waa ugu muhimsan yihiin, lagase yaabee, in ay jiraan qodobbo ka muhimsan, balse, mar walba waxaa ku horyaal weydiimahan iyo kuwo kale ama la mid, ee warcelintooda na deeqsii fadlan.

Mahadsanid mduane musharrax.

 

W/D: Cumar Yusuf Cabdulle

cumyusuf@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.