Warqaddii macsalaamaynta WQ: Ramla Gobdoon

quotescover-JPG-27

Warqaddii macsalaamaynta

Iyada oo ku soo daashay hagaajinta boorsooyinkeeda safarka ayay qolka iigu soo gashay. Sariir aan ku jiifay, ayay dhinac kaga fariisatay ka dibna billowday dardaaran. Kolkii ay wax walba ka hadashay ayay i waydiisay wixii aan jeclaan lahaa, in ay iga sii qaaddo ama ay horay iigu soo qaaddo. Waydiinta oo markaa ka dhammaatay afkeeda ayaan ka horgeeyay,

“Warqadda aan kuu dhiibi doono ii qaad hadhowna jawaabteeda ii soo qaad.” Xilligaa ii ma qorna warqadda aan sheegayo, is la markii ayaan ku orday qaanadda lagu keediyo waraaqadaha cadcad qalinna ka soo dafay boorsadayda. Cinwaan ayaan uga dhigay “SALAAN” koonaha warqaddana ku qoray taariikhda ay ku beegnayd habeenkaa. (07-08-2014) labo gu’ oo bil dhimman, ka hor.

Qoraal dheer ayaan billaabay qoriddiisa. Waan salaamay. Caafimaadkiisa ayaan ka warraystay kaygana u sheegay. Waan raalligaliyay. In aan u xiisay ayaan u sheegay. Waxbarashadayda ayaan uga warbixiyay. Waan u mahadceliyay. Erey walba oo isaga ka farxin kara ayaan qoray. Waxaan ku celceliyay in uu jawaab ii soo qoro. Waan u duceeyay ka dibna macsalaameeyay.

Markaan qalinkii dhigay, ayay ilmo ka soo hooreen indhahayga. Dib ayaan u aqriyay wixii aan qoray. Bashqad agtayda ku diyaarsanayd ayaan si tartiib ah u dhexgeliyey warqaddii. Barkintayda hoosteeda ayay ku barisay habeenkii, kolkii uu waagu baryayna waxa aan ku wareejiyay gabadhii qaadi lahayd. Laftirkeeda ayaan aad ugu adkeeyay, in aysan ka soo tagin jawaabta, daqiiqado ka dibna waxaa dhaqaajiyay gaarigii ku sii dhawayn lahaa garoonka.

Marka laga reebo maalmaha ay safarka sii tahay, labo toddobaad ayuu qorshuhu yahay, in ay dalkii joogto, gaar ahaan Muqdisho. Way i soo wacday markii ay nabadtagtay, waxa ayna ii sheegtay, in ay berri gayn doonto warqadda. In uu jawaab ii soo qori doono iyo in uusan ii soo qoraynin ayaan shakigaliyay. Sidaas oo ay tahay xiiso ballaaran ayaan u qabay, in aan helo waraaq dhankiisa ka timid dibna aan u arko farqoraaleedkiisii quruxda badnaa. Waan hubay in ereyada uu ii soo qori doono ay si fiican ii taaban doonaan.

Waa markii u horreysay ee aan dalal fog kala tagno warqadna aan u qoro. Waxa uu waqtigu is guraba waa ay soo nabad aruursatay. Sidii qof dareenkayga la socda oo kale ayay igu salaantay, in ay waraaq jawaab ah ii waddo. Waan farxay. Waan ka la badbatay. Dareen kalgal, oo aan marna hore ii faaruqin ayaa aniga dhan i saaqay. Meel aan is geeyo ayaan garan waayey. Waan boodbooday, oo haddana, boodbooday.

In aan sawirto ereyada ku qoran warqadda ayaan billaabay, se farxad darteed ayaan is ku dhexyaacay heer aan kun wax ku fekero daqiiqad gudaheeda. Sheygii u horreeyay ee ay ka soo saarto boorsadeeda goortii ay guriga timid, iyada oo aan waliba si fiican u saldhigan waxa ay ahayd warqaddii jawaabta u ahayd tayda.

Qolka ayaan ku la cararay aniga oo aad ugu dheggan. Waxaan is ku tuuray sariirtayda lugahana soo laabtay. Waan rogrogay, oo gedgedday, anoo dhan walba ka firinaya. Si taxaddar leh ayaan baqshadda uga furay. Bisinka oo kor ku sharraxan ayay indhahaygu qabteen iyo taariikhda. Kolkaan arkay farqoraaleedkiisii qurxooneyd ayay indhaha soo buuxiyeen illin aan bannaanka u soo daadan.

Si ka la dhigdhigan oo ay degnaan ku dheehan tahay ayaan u aqriyay ereyada xikmadda iyo dareenka miiran, ee uu ku soo qoray qad buluuggan. Sadarba sadarka kale waa uu iiga dareen badnaa. Illin la moodo in ay ka soo burqanayso il biyo ah ama maax, ayaa dhabannadayda ku soo daadatay. Qayb ka mid ah qoraalka oo ahayd sadarrada kore dhammaadkooda ayaa aad ii saamaysay;

“Aniga oo kuu rejeynaya caafimaad iyo cimri dheer ayaan haddana kuu sheegayaa, in aan ku jeclahay inta hooyo ay jeceshahay ubadkeeda. Cafi iyo masaamax”. 

Wax kulul ayaa dhabannadayda ku yaacay. “Cafi iyo masaamax” ayaa ku dhegtay maskaxdayda. Wuu i cafiyay. In aan qalad ka galay oo uu iga cafiyay ayaan dareemay. Maxaan sameeyay taloow waa kan i cafiyayee?. Haa, wuu i cafiyay. Saw adiga ka ma dalban raalligelin? Taas ayay jawaab u tahay ayaan ku dajiyay naftaydii walaacday.

Waxaan waayay meel qolkayga ka mid ah, oo aan ku aammini karo warqadda. Dhowr meel ayaan ku xareeyay haddana ka soo saaray. Maalmihii u horreeyay oo dhan waxa ay ila wadaagtay sariirta. Barkinta hoosteeda ayaan ku xareeyaa habeenkii marka aan aqriyo, subixiina halkaas ayaan ka soo saaraa si aan haddana u aqriyo. Ereyada ku qornaa oo dhan ayaan xafiday. Sadarrada qoraalka ayaan si tartiib ah u salaaxaa, sidii in aan gacantiisa haysto oo kale ama aan dareen ka dhexhelayo.

Muddo ka dib waxaa la gaaray maalin noolaha dhan wada sugaysa. Waxaa la gaaray maalintii madoobayd. Maalintii ay adduunyadu indha kale igu soo fiirisay. Gabadhii ii keentay waraaqda ayaa i kor taagnayd markii aan indhaha soo kala qaaday. Waxaan ku toosay oohinteeda iyo socodkeeda badan. Waan gartay in aysan soo wadin war fiican. Maxay xilligaa iga soo doontay? Maxay iga la soo doontay warkan foosha xun? Sidee ayay ugu dhiirratay in ay ku dhawaaqdo magaciisa ka dibna tiraahdo “Allaha u naxriisto” Waliba iyada oo laabtayda ku jirta? Intaa markii ay tiri ayaan is ka fogeeyay, aniga oo aan arkay balse maqlaya ayay wax ka jabeen dhexdayada. Waxa kalaa i soo dhacay. Caloosha ayaa i gaddoontay. Waan jareeyay. Madaxaa i cuslaaday. Waan qaadan waayay in uu ka soo toosi waayay hurdadii xalay. Sidii biyo dhulka lagu shubay oo kale ayay hortayda ugu daateen qorshayaashii aan u diyaariyay kulankeenna.

Haddii ay geeridu qof la tashanayso aniga ayay ila tashan lahayd. Haddii ay geeridu qof afti ka qaadayso, aniga ayey i weydiin leheed. Hadday geeridu garasho leedahay, anigu ayey i garan leehed. Hadday geeridu gocosho dhawr tahay, aniga ayey iga dhawri leheed. Hadday geeridu xilkas tahay, aniga ayey xaalkayga kasi leheed.

Waan ogaa in uu maalin dhimanayo. Waan ogaa in maalmihii dambe uu xanuunsanayay. Waa xanuunka i cabsi galiyay. Waan ogaa in maalintan foolxumada badan ay imaan doonto. Haddana ma ogi waxa sidan oo dhan ii helay. Inaan dib u kulmayno ayaan is ka dhaadhicayay. Aniga ayaa isu sheegay in aan mar kale arkayo, markaa ka dibna ay dhici karaan waxa maanta dhacay. Illaahayoow muxuu waagan u baryay? Muxuu iigu baryay meeshan aan joogo? Daqiiqad gudaheed ayaa waxaas oo dhan is kula hadlay. Waan kacay. Waan fadhiistay. Taleefankaygii ayaan soo saaray. Dhowr wicitaan iyo farriimo tacsi ah ayaa shaashadda saaran. Hadda ayaan ka daray. In ay maalintan soo socoto waan ogaa, laakiin sidan ay ku timid, xilliga ay timid iyo meesha ay iigu timidba ma filayn. Ii ma ahayn!

Kun go’aan ayaan qaatay haddana ka laabtay. Waan is taagay haddana wax kale ayaa fadhiga igu celiyay. Warqaddii ayaan soo xusuustay. Xoog ayaan ku jiiray gabdhihii agtayda joogay. Waxaan ku cararay halkii ay saarnayd boorsadii ay ku dhexjirtay warqadda. Buugaag ka soo horreysay dhulka ayay ku soo daateen. Dhawaqii ay bixiyeen ayay ku soo ordeen gabdhihii oo mooday, in aan wax isu gaystay. Sidii in uu i ceyrsanayo qof, ayaan boobsiis ku furay boorsada. Warqaddii waa tan. Goortii aan warqadda ka la furay ayaan illintana la billaabay. Sanad iyo shan bilood ka hor ereyadii uu ii soo qoray saaka micna kale ayay ii yeesheen. Ereyadu waa is la kuwii. Waxba is ka ma baddalin. Jirkaa i dubaaxay kolkaan aqriskeeda galay. Illaahoow maalintanna ma i la sugaysay?

Waxaan dhowr subax soo toosaba aniga oo og waxa aan samayn doono iyo halka aan aadi doono saaka dhulka ayaan aallaa. Wax aanan awoodi karin ayaa i dul koray, si aan isaga dejiyana aanan aqoon. Tiro aanan qiyaasi karin ayaan warqadda aqriskeeda dhammeeyay, haddana soo billaabay. Ereyadii sida xooggan iiga ilmaysiiyay maalintii koowaad ayaa saaka si kale wax ii tusay. Waxa aan ogaaday, in uu i macsalaamaynayay markii uu lahaa “Aniga oo kuu rejeynaya caafimaad iyo cimri dheer ayaan haddana kuu sheegayaa, in aan ku jeclahay inta hooyo ay jeceshahay ubadkeeda. Cafi iyo masaamax.” 

Sidaas ayuu igu nabadgalyeeyay AABBIHII aan jeclaa. Waxa aan la soo qaatay waqtiga ugu badan ee aan noolaa. Labadii sano ee isaga uga dhinnayd sii joogista adduunka ayaan anna ka soo ag dheeraaday. Muddadiiba mar ayaan u qoraa warqad. Is la warqaddii uu ii soo qoray ayaan ka dhex helaa, mid kale oo kuwayga jawaab u ah.

Waa tii la lahaa; “adduunyo in meel la wada joogo, shidaad ayaad diidday, aakhirana camal!” ee Allaw sidaan qayb ka mid ah amminkeenna dunidan ugu ka la dheeraannay, aakhiro ha noo ka la dheerayn. Naruuro badan AABBE ku joog, oo Jannadii udgooneyd dhexdeg.

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN