Wax Nin weyn loo sheego maahan Q1AAD. W/Q: Cismaan Cabdixaliim

Wax Nin weyn  loo sheego maahan Q1AAD.


________________________________

Wiil Mudug Vs Dhakhtar Kanada Udhashay

 

Isagoo Gaalkacyo ku weynaadey ayaa waayaha iyo nasiib is biirsaday Canada ka tuureen waa 40 jir aan weligiis dhakhtar iyo Isbitaal midna u tegin, juuc-juuc iyo cimmiladii uu ku cusbaa ayuu la xanuunsaday dhakhtar ayey geeyeen, sheekadan ayaa isaga iyo dhakhtarka dhex martay.

Dhakhtarkii: xaggee lagaa hayaa?
Reer Mudugii: Xoogaa Juuc-juuc iyo madaxa xanuuna ayaan dareemayaa

Dhaktarkii: Hadda ka hor intaad waddankaagii joogtey wax xanuuno ah ma qabi jirtey?

Reer Muduggii: May dhakhtar wax xanuun ah weligey iguma dhicin.

Dhakhtarkii: Oo intaad waddankaaga ku noolayd weligaa wax dhibaato ah ama xanuun ahi kuguma dhicin miyaa?.

Reer Muduggii: May dhakhtar, weligey wax dhibaato ah ama wax xanuuno ahi haba yaraatee iguma dhicin, waase jirtaayoo mar aanu kii Ina-Dhamuuke ahaa oo aanu isku laf hoose ahayn dirirnay ayaa markaan feerkii ka badiyey oo nala kala qabtay, anigoo iska tagey oo sii jeeda waa waxaas fulayga ahe, intuu soo gaatamay tooreey iiga dhuftay labada garab dhexdooda oo dhowr xidid i gooyey, inkastoo waxaasi wax weyn oo dad loo sheego ahayn!

Dhakhtarkii: Haye.

Reer Muduggii: Mar kalena abaartii Wayraxa anigoo ceel biyo qurmay oo wata-biir ah ka guraya ayuu igu dumay oo intaan labada lugood iyo gacan ka jabay sagaal habeen ceelkii iyo biyihii qurunka ahaa ku dhex jirey iyadoon cidna iga warqabin, inkastoo waxaasi wax nin weyn loo sheego ahayn.

Dhakhtarkii: Haye.

Reer Muduggii: Mar kalena Rati baas oo buubaal ah ayaan is iri reerka u jarabar oo layli si loo raran karo, balaayadu intuu xarrigii aan ku hayey ii go’ay ayuu igu soo fakaday oo igu durduriyey oo dhabarka iyo miskaha ayaan ka jabay, waxaase wax dhaktar weyn loo sheego ma ahane.

Dhakhtarkii: Haye.

Reer Muduggii: Xili kalana mid inkaar qaba oo Ina-Faraweyne la yiraahdo ayaa god Abeeso ku jirto habeen annagoo baadidoon ah, oo xoolo raadinayna ayuu iiga talaabsaday, oo intaan lugta godkii la galay ayey lugtii iiga soo bixi weydey godkii, markaasay abeesadii godka gudihiisa ku jirtey hadba mici igu dhufataa ilaa aan suntii la suuxay, inkastoo waxaasi wax nin weyn loo sheego aysan ahayn.

Dhakhtarkii: Haye.

Reer Muduggii: Gu’gii kaas ka danbeeyeyna reerkayga iyo Reer Qansax oo dagaal xumi dhex maray ayaa halkaas feeraha ah saddex xabbadood la igala helay oo dhimasho ayaa la iigaga tagey, laba maalmood kaddib ayaa dhaawacaygii la soo helay, waxaase wax micno leh oo dhakhtar loo sheego ma ahane.

Dhakhtarkii: Haye

Reer Muduggii: dhaweydna reerkoo yaal ceelkii Ina-dhiidhi ayaa habeen Libaax xoolihii u soo dhacay, xeraddii ariga ayaan ka daba galay oo Ri uu qaadan lahaa isku qabsanay, gacantuu intuu mici igala helay ayuu meeshuu Ri’dii qaadan lahaa anigii i jiitay oo dhirtii qodaxda lahayd isla dhex qaadnay isaguna dhowr cantuuguu ila helay anniguna dhowr toorey ayaan la helay, subixii ayaa naloo yimid anigiyo libaaxi oo dhaawac is ag fadhina, waxaase wax dhib ah oo nin weyn looga sheekeeyo ma ahanee

Beri dhoweydna aniggoo..!!!!!!!!

Dhakhtarkii oo qolkii orod uga baxay ayaa ugu war danbeysey isagoo ku qaylinaya oo leh inaad noolaatid ayaaba khalad ahayd.

Qaybta 2aad la soco.

W/Q:Cismaan Cabdixaliim

 

 

SHEEKOOYIN