WAXA UU I BARAY YUUSUF! W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xusseen (Mubarak)

Waxa uu i baray Yuusuf!

Waxa ay i bartay sheekada Nabi Yuusuf (CS), in aan ku kaalmaysto gudashada danahayga “Aamusniin” iyo in aanan la wadaagin marar badan dad kale, adiguna Nabi Yuusufoow aabBahaa waxa uu kuu sheegay in aadan u sheegin riyadaada walaalahaa!. Waxa aan ka bartay sheekada yuusuf, in ay dhacdo in uu ku fogeeyo kan dhow, kuna soo dhaweeyo shisheeyaha, ayna dhici karto in shirqool kuu maleegaan ku kuu dhow, uuna kaa badbaadiyo ku kaa fog, waana sida kugu dhacday markii ay kugu tuureen ceelka walaalahaa, ayna kaa soo bixiyeen socoto, kadibna uu si wacan kuula dhaqmay boqorkii lagaa gatay!. Waxa aad I bartay Yuusufoow, in marar badan danbiilayaasha iyo dhagar qabayaasha ay wataan shaar wanaagsan, ayna isku muujiyaan kuwo wanaagga ka shaqeeyo, Ibliis waxa uu aabbaheen uga saaray jannada isaga oo ku yiri; “Waan kuu naseexaynayaa”, walaalahaana waxa ay kaaga soo kaxaysteen aabbaahaa iyaga oo ku dhaheen; waan ilaalinayanaa yuusuf!.


Waxa aad i bartay Yuusufoow, in mu’minku uusan ka tagin shaqadiisa dhabta ah meel walba oo uu joogo, adiguna adiga oo ku jiro xabsiga ayaad gaarsiisay dacwada dadkii ku gula xirnaa xabsiga!. Waxa aad i bartay mudanahygoow, in ay dhici karto in farajku kaa soo daaho, adiga oo laguu gogol xaarayo guul weyn, saa darteed waxaa ka soo hor baxay xabsiga dhalinyaradii kula xirneyd, halka aad adigu ku hartay si aad muddo kadib inta aad soo baxdid u noqotid boqor!. Waxa aan ka bartay sheekadaada Nabi Yuusufoow, in iyada oo la talo saaranayo Ilaaheey haddana aanan laga tagin dadaalka, adiguna aabbahaa markii uu walaalahaa u soo dirayay: Masar waxa uu u sheegay; in ay ka galaan albaabo kala duwan, isaga oo sida oo kale yiri: waxa aan talo saaranayaa Ilaaheey isagaa ayaa ah: mid la talo saarto kan ugu wanaagsan!.


Waxa aad i bartay Yuusufoow, in gobta aysan baddallin maalmaha, adiguna markii aad xabsiga kula jirtay dhalinyaradii waxa ay ku gudhaheen; “waxa aan aragnaa in aad wanaagsan tahay”, sidoo kale sanado kadib markii aad boqor noqotay waxa ay ku dhaheen walaalahaa; Waxa aan kuu aragnaa in aad ka mid tahay kuwo wanaagsan!. Waxa aad i bartay Nabi Yuusufoow, in qorsheyn iyo nadaamin la’aan aysan hirgalayn waxa aan doonayno, saa darteed abaarti waxa aad uga bixisay masar qorsheyn, sidoo kale walaalkaa reebashadiisa waxaa ka danbeeyay qorsheyn!. Waxaad i bartay Nabi Yuusuf, In aanan xilka u raadsan milkin iyo magac, balse, ay rabto xilkasnimo iyo masuuliyad iyo aqoon, saa darteed, uma aadan dalban furayaasha khasnadaha Masar si aad u milkisid ee waxa aad u dalbatay si aad u qaybiso, haddii lagaaga habBoon yahanA ma aadan doonteen xilkaas!.


Waxa aad i bartay Nabi Yuusuf in gobtu cafiyo marki uu awoodo in uu aargoosto, sidoo kale, waxa aad i bartay in aanan xummaanta u tiirin walaalahay, adiguna waxa aad xummaanti ay walaalaha kugu sammeeyeen aad u tiirisay shaydaan! Ku laga fogeeyay Eebbe agtiisa. Mahadsanid mudanaheyga Yuusuf, waxa aan ka bartay sheekadaada xikmado iyo cashirro waaweyn. Mahadsanid Rabbiga Yuusuf, waxa aad dhab ahaantii inoo soo dajisay sheeko tan ugu wanaagsan, si dhab ah xikmado waaweyn iyo waayo aragnimo mug leh ayaan ka helnay sheekada Yuusuf!.

W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xusseen (Mubarak)
Baare iyo bare Somaaliyeed
Buugjecel@gmail.com

SHEEKOOYIN