Waxaan ahay Afrikaan! WQ: Hassan Mudane

unnamedcxv

Waxaan ahay Afrikaan!

Magacaygu waa Soomaaliya, waxaan dhacaa dhanka bari ee qaaradda Afrika Waxaa laygu naaneysaa( Geeska Afrika) Waxa aan isku arkaa in aan ahay kan ugu sarreeya san ku neefle, waxa aan isku arkaa in aan ahay kan ugu Garasho iyo garaad badan san ku neefle, waxa aan isku arkaa in aan ahay kan ugu gobsan san ku neefle. Iyada oo sidaas ah hadana markii wax la iga weydiiyo firka aan ahay, Abkayga iyo Soo jireenkayga nololeed salkeeda halkuu ku arooro, waan aamusaa waayo ma garan karo meel aan ku sheego Sooyaalkayga iyo salkay dhabta.

        “Dad iyo dal aan Sooyaal lahayn waa dad mustaqbalkooda dhummay”

                       (Madaxweynihii hore ee dalka Botswana, Sir Seretse Khama)

Waxaan leeyahay Hooyo iyo Aabbe, Hooyaday waxay ila jeceshay hiiraal iyo higsi wanaagsan waayo marwalba waxay iiga sheekaysaa nolol qurux badan, waxay ii abuurtaa rajo fiican, waxayna iga digtaa cadowga waxay iga dhawrtaa dhib inuu isoo gaaro, balse Aabbahay wuxuu ila jecel yahay waxa aysan hooyaday ila jecleyn, wuxuu mar walba isku dayaa in uu igu beddesho lacag isaga oo raba in uu ii guuriyo wadaad aan ii qalmin. Sidoo kale, waxaan leeyahay labo Barre (Macallin);Macallinkayga GAR (Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga) wuxuu marwalba iiga sheekeeyaa iguna baraarujiyaa isagoo i baraya cidda aan ahay: “Bal eeg diintaada, quruxdaada, sankaaga dhuuban, timahaaga tidcan,midabkaaga ifiya, ma kuu sheegaa asalkaaga? Waxaad tahay Carab!”

Balse macallinkayga ‘SHAARIB’ (Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda) isagana wuxuu igu dhahaa: “Bal eeg midabkaaga, dhulkaaga, dhaqankaaga, waxaad tahay Afrikan asal ah”.  Habeenkii ma seexdo mana nasto maalintii waayo waxaa qalbigayga ku hardamaya labadaas macallin. Waxaan ku noolahay nolol ku dhisan cabsi iyo welwel waayo waxaan ka cabsanaa in aan gacanta u galo cadowgii ay hooyaday iga digaysay ama in uu Aabbahay ii guuriyo nin aan ii qalmin.

Dadka aan ka sarreeya waxay ii maleeyaan in aan ahay qof xorriyad leh oo wax dooran karta balse weli ma helin xorriyadii aan wax ku dooran lahaa waayo waxaan ahay qof aan doorasho lahayn, weli ma helin fursadii aan kaga hadli lahaa runta waayo waxaan ahay qof aan hadli karin, weli ma helin fursadii aan ku raadin lahaa sooyaalkii taariikhdayda waayo waxaan ahay qof aan waxba qorin.

Dadbaa igu dul socda balse aan darreensaneen qiimaha aan leeyahay, dadbaa i maamula balse aan garaneen xaqa aan ku leeyahay. Dadbaa il-taban igu eega waxayna dhahaan mustaqbalkaaga waa mugdi, dadbaa iyagana il-togan igu eega oo waxay dhahaan mustaqbalkaaga waa iftiin iyo rajo fiican. Rajada kaliya ee aan leeyahay waa hooyo iyadana weli meysan helin fursadii ay wax iigu qaban lahayd ama ay igu maamuli lahayd.

Ugu dambeyntii, waxaan ahay gabar qiimo badan balse nasiib darran, hooyaday waxay iigu naanaystaa Maandeeq balse Aabbahay waxa uu iigu hal qabsadaa Hashii, markii la isku qabto labaas magac waxay noqonaysaa “Hashii Maandeeq”

Hal waan ka waxtar badnahay, waayo hasha caano iyo hilib keliyaata ayaa laga helaa, Anigu waxaan ahay Hooy, waxaan ahay degaan, waxaan leeyahay biyo, waxaan leeyahay baad, waxaan leeyahay hanti muuqata iyo mid qarsoon, waxaan ahay mid qurux badan oo hasha ka bilic badan waa hadduu arkayo aabbahay, waa dhab magaca Maandeeq waan ahay balse hashii maandeeq mayhi¨, Maan + Deeq, waa tii miyir iyo maskaxba buuxisay ee ku filnaatey, waan ahay taas hase yeeshee, Hal ka weyni kana waxtar badni, ma ogi wuxuu magacan aabbahay igula jeclaaday, lama yaabayo adduunka uu ugu jecelyahay waa Geel, sidaa ayuu magacan iigu alkumay, sidoo kale wadaadkana iigu doorey.

Haddaadan weli garanin midka aan ahayn anigaa iskaa baraya, waxaan ku magac dheerahay Soomaaliya, waxaan ka sii ahay Afrikaan! Ee Barasho Wanaagsan.

WQ: Hassan Mudane

Qoraaga Buugga Sirta Guusha.

 

SHEEKOOYIN