Waxaan Ahay Mid La Dayacay W/Q: Bashiir Suuley

pizap-com14745552790211

Waxaan Ahay Mid La Dayacay!

Waxaan ku aallaa bar ka mid ah kuwa ugu muhiimsan dunida oo idil, waxaan ahay tan labaad ee ugu dheer kuwa la ayniga ah ee ay isku isirka yihiin. Waxaan ahay mid aad u bilicsan, dhan kastana ka dhammaystiran. Waxaa Alle igu mannaystay noole kasta oo kuwa ila mid ah ku noolaan kara, qaarkoodna far baanba dheerahay.

Barisamaadkii waxaan ahaa mid garab iyo gaashaan adag leh, waxaan ahaa mid aan la haweysan lagana haybaysto. Waxaa sheedda iga daawan jiray dan yare kasta oo damac iga galo, waxayse iiga gabban jireen barbaar gaashaaman oo ayaga oo guutooyin ah garabkayga taagnaa.

Muddo haddii aan sidaas ahaa dadkaygana deeqi jiray waxaa is diriray oo is dooxay duulalkii I danbaabi jiray, waxaa isku diray oo dab ka dhex-shiday dad shisheeye oo dano u gaar ah damacsanaa.

Waxaa I saameysay duufaantii dadkayga lagu soo daayey, waxaan docahayga ka waayey duce-qabayaashii I daryeeli jiray, waxaan durba noqday mid dullaysan dadkuna aysan kala xigin. Waxaa igu soo duulay duulal shisheeye oo dabbaabado wata. Durba waxay bilaabeen inay dheemanka igu duugan daabbushaan, intaas iguma daynin e waxay igu daadiyeen sanaatiikh daboolan oo sun ka buuxdo, kuwaas oo daannooyin ku reebay dadkaygii duufantu halakaysay.

Dalalka qaar kama daalaan duubbulka deeqda Rabbi igu duugay, qaarkood ayaaba dushayda saaran oo aan dhanna iiga dagin nimcadaasna iska dur-duurta, waa gartood oo cid iga dhicisa ayeysan deegaanka ku ogayn oo waaba tii horay dadkaygii loo dulleysatay la isuguna diray. Alla nasiib darniyaa!!

Dariskii aan dabka shidi karin sheeddana iga daawan jiray intii dalkaygu darbiga ahaa ayaa maanta doonaya inay dalkooda igu darsadaan, ayaga oo ka faa’iidaysanaya dayaca iga muuqda iyo darxumada aan la noolahay. Waagii aan duubbida tuuri jiray deegaankana dadkaygu ka talin jiray hameen kuma seexan dad kalaa ku soo doonan doona dadkaagana dulleysan doona.

Waxaan hubaa in qaar dadkaygii ka mid ahi damaaciga la igu hayo u durbaan tumeen ayagoo oo danahooda gaar ka ah eeganaya.

Hadda waxaan u dhag taagayaa dawcad ka socota dal kale oo lahaanshayga looga doodayo, waxba se ka oran mayo taas oo waxaanba ogahay in aysan dooddaasi si sahlan ku idlaan doonin mar ba haddii lahaanshahayga muran la galiyey.

Waxaanse dagi doonaa oo umalku Iddayn doonaa marka dakagyii aan jeclaa ee is dilay isna dooxay anna I daayacay is daayaan oo dib u midoobaan, waxaan hubaa haddii taasi dhacdo in aan cid danbe I soo haweysan doonin, ina damaacin doonin ee la iga didi doono.

Waxaan farriin dabacsan u dirayaa dadkaygii, waxaan maanta u baahnahay awooddiina oo midaysan oo aan kala daadsanayn ee isdaaya oo idinka oo isku duuban kaalaya I daaweeya dugaaggana iga dhiciya! Nabaadiino.

Farriin ka timid badda Soomaaliya.

W/Q: Bashiir Suuley

Email: Bashka057@gmail.com

Boosaaso Puntland Soomaaliya.

SHEEKOOYIN