Waxyaabaha kor u qaaday tacliinta Finland W/Q: macallin C/risaaq Maxamed xuseen

Waxyaabaha kor u qaaday tacliinta Finland

Wadanka Finland oo ka mid ah wadamada waqooyiga yurub ama wadamada iskandaneefiyaanka ayaa sanad walba safka hore ka gala wadamada leh nidaam tacliineedka ugu wanaagsan aduunka. Ardayda reer Finland ayaa ka mid ah ardadya ugu horeeyaa dunida kolka la eego xisaabta iyo wax akhriska. Haddaba waa maxay sababta keentay in wadanka Finland oo ah dal aad u yar uu horumarka intaas le`eg ka gaaro dhinaca tacliinta?

Arrimahaan soo socda ayaa sabab u ah horumar tacliimeedka baaxada leh eeay gaareen ardayda reer Finland.

  1. Fursadaha oo loo siman yahay: Dowlada dalka Finland ayaa waxaa ay dadaal dheer iyo hantiba gelisaa dhamaan iskuulada dalka. Si iskumid ah ayaa loo kaalmeeyaa , korna loogu soo qaadaa dhamaan iskuulada, kolka la eego dhinaca dhaqaalaha, macalimiinta, maamulka iyo shaqaalaha kale ee iskuulada.Waxaa aad looga taxadaraa iney samaysmaan iskuulo kala heer ah oo qaarna ay fiican yihiin qaarna ay liitaan. Haddii farqiga u dhexeeya tayada iskuuladu uu kor u kaco, waxaa ay taasi dhalineysaa in macalimiinta wanaagsani ka tagaan iskuulada qaarkood oo u wareegaan iskuulada dhaqaalaha iyo tacliinta fiican. Dowlada finland iyo wasaarada tacliinta ee Finland ayaa aad uga soo horjeeda in ay sabaysmaan iskuulo leh dabaqado kala duwan.  Wadanka Finland waxaa uu ku faanaa in iskuuladu isku mid yihiin, isku dhaqaale iyo fursadna helaan. Sidaas darteed wax macne ah ma samaysneyso hadba meesha aad iskuulka ka dhigatid.
  2. Arday walba oo lagu taageero tacliinta uu awood u leeyahay inuu barto ama uu jecelyahay: Wakhti hore oo ay weli ardaydu yar-yar yihiin ayaa aad loo dersaa , loona eegaa waxyaalaha uu arday walbaa jecel yahay ee uu xiiseynaayo. Waxaana macalimiinta, maamulka iyo waalidkuba ku taageeraan ardayda doonitaankooda.  Inta badan kolka uu ardaygu jiro 16 sano waa uu ogyahay waxa uu doonaayo inuu barto oo loo baahan yahay in xooga la saaro.
  3. Tartanka iskuullada ka dhexeeya oo aad u yar: Iskuulada badankood waxaa iska leh oo maamula dowlada, taasoo meesha ka saareysa inuu iskuulada dhexmaro tartan lagu kala jiidanaayo ardayda ama macalimiinta. Waxaa iskuuladu si niyad ah isku weydaarsadaan waxyaalaha cilmi baarista ah iyo waxii kale ee kusoo kordha nidaamka tacliinta. Dhamaan dadka reer Finland waxaa ay isku raacsan yihiin in iskuulka oo wanaagsanaada uu guul iyo saldhig u yahay nolosha musaqbalka dadka. Sidaas darteed dhamaan dadku waxaa ay diyaar u yihiin iney bixiyaan cashuurta iyo dhaqaalaha lagu maalgelinaayo dugsiyada dalka.
  4. Ardayda oo iskuullada bilaaba da`da 7-jir: Inta ka horeysa wakhtigaan ardaygu iskuulka bilaabaayo, waxaa ardaydu soo bartaan waxyaalo kale oo badan. Waxaa ay dhigtaan dugsiyada xanaanada iyo kobcinta maskaxda. Halkaas ayaa lagu baraa waxyaalo kala duwan oo loogu diyaarinaayo iskuulka. Badanaaba waxaa laga dhisaa niyada iyo maskaxda si ay u noqdaan kuwo u diyaarsan jidka dheer dhinaca tacliinta ah ee sugaaya.
  5. Farxad iyo ciyaar: Ardayda ayaa kolka ay yar-yar yihiin, gaar ahaan dugsiga hoose/dhexe waxaa la siiyaa fursado ay tacliinta kaga nastaan oo ay ciyaaraan. Kolka ay iskuulka joogaan maalintii ayaa ardayda la siiyaa wakhtiyo gaagaaban oo nasasho ah oo ay banaanka u baxaan si ay u ciyaaraan.Mararka qaarkood ciyaaro laga soo fekerey ee qaab waxbarasho ku dhisan ayaa la baraa iney ciyaaraan. Maskaxda iyo jirka oo firfircoon ayaa saldhig u ah fahamka maadada la baranaayo iyo guud ahaan casharada. Waxaa kaloo aad looga shaqeeyaa in ardaydu faraxsan yihiin oo niyad wanaagsan hayaan kolka ay wax baranayaan.  Waxaa iskuulada laga shaqaaleeyaa howl –wadeeno ku takhasusay cilmiga bulshada, kuwaasoo la kulma ardayda aadna ula socda hadba sida niyadoodu tahay iyo waxa ay dareemayaan. Waxaa jirta maahmaah ay dadka reer Finland isticmaalaan oo oraneysa. “  Waxii aad ku barato farxad la`aan waxaad u ilowdaa si fudud” ( Those things you learn without joy,you will forget easily).
  6. Ardayda tacliinta ku liita oo aad loo caawino: Waxaa dhaqaale xoog leh la geliyaa in la caawino ardayda tacliinta ku liidata sababo jira awgood. Macalimiinta wanaagsan ee khibrada leh ayaa lagu jiheeyaa iney kor u soo qaadaan ardayda fasalka ka dameeya.  Muhiimadu waxaa weeye in tacliin iyo fursado iskumid ah ah ay dhamaan ardaydu helaan.
  7. Xoog dheeraad ah lama saaro imtixaanaadka:  Macalimiinta ayaa si dhow ula socda heerka uu arday walbaa tacliinta ka taagan yahay. Waxaa la ogyahay heerkiisa, waxyaalaha uu ku fiican yahay, waxyaalaha uu ku liito iyo guud ahaan awoodiisa tacliimeed. Sidaas darteed baahi weyn looma qabo in imtixaanaad la qaado mar walba si loo qiimeeyo heerka ardayga. Waa la qaadaa imtixaanaad balse ma aha mid go`aaminaaya in heerka tacliinta ardaygu wanaagsan tahay iyo in kale.
  8. Macallimiinta ayaa la siiyey awood dheeraad ah: Wasaarada tacliintu waxaa ay dejisaa manhijka guud oo aad u gaaban. Balse macaliinta ayaa awood u leh iney iyagu qaabeeyaan habka ugu wanaagsan ee ay ardaydooda wax u barayaan.  Tusaale ahaan waxaa yar wakhtiga ay fasallada ku jiraan ee ay wax dhigayaan kolka la garab dhigo wadamo badan sida USA. Wakhtiga usoo hara ayey  macalimiintu u isticmaalaan iney casharo wanaagsan diyaariyaan, aqoontooda kordhiyaan ama ay cilmibaaris sameeyaan.
  9. Sumcadda macalimiinta oo sarraysa: Xirfada macalinimo ayaa ah mid aad looga jecel yahay dalka Finland, waana mid loo hayo  sumcad iyo sharaf weyn. Waxaa sanad walaba jaamadaha macaliimta soo dalbada boqolaal arday ah oo doonaaya iney macalimiin noqdaan. Halka wadanka Finland deriska la ah ee sweden ay jaamacadihii macalimiinta madhan yihiin lana la`yahay arday noqota macalimiin.  Macalimiinta dalka Finland ayaa waxaa ay haystaan fursado waaweyn oo ay aqoon-kororsi ku samayn karaan. Qaar badan oo macaliinta ka mid ah ayaa sanad walba qaata shahaada heerka labaad ee masterka. Guud ahaan waxaa ay waxbarashada macalimiinta finland qaadataa 5-7 sano oo jaamacad ah. Mushaharka macalimiinta ayaa wanaagsan kolka la garabdhigo wadamo badan oo ay finland isku heer yihiin.
  10. Diyaarsanaan xoog leh:  Waxaa aad u diyaarsan macalimiinta, ardayda, waalidka, shacabka iyo dowlada. Kuwaasoo dhamaan doonaaya in guul laga gaaro dhinaca tacliinta. Waxaa ay isla garteen in heerka keliya ee dalka iyo dadku horumar ku gaari karaa uu yahay heerka tacliinta oo kor loo qaado.

W/Q: macallin C/risaaq Maxamed xuseen dheere Eskilstuna, Sweden

SHEEKOOYIN