Waxyaalaha kuu sahli kara diyaarinta khudbad wanaagsan Qore: Macallin C.risaq Maxamed Xuseen

Waxyaalaha kuu sahli kara diyaarinta khudbad wanaagsan

 

Qofku kolka uu khudbad jeedinaayo, ujeedada ugu balaaran ee uu leeyahay waxaa weeyaan in uu fariinta uu xambaarsan yahay gaarsiiyo ama u gudbiyo dadka isaga dhegeysanaaya. Fariintaasu waxa ay noqon kartaa mid diin ku saleysan , mid siyaasadeed ama mid ku saabsan cilmiyada kale ee bulshada. Haddaba suĂ asha isweydiinta mudani waxaa weeyaan: Sidee ayey khudbadaadu ku noqon kartaa mid si wanaagsan u fulisa ujeedadii aad ka lahayd? Sidee khudbadaadu ku noqon kartaa mid soo jiidata dhegeystayaashii ay ku wajahnayd?.

Su Ă alahaas jawaabtooda waxaan ka dhex heli doonaa qoddobadaan kooban ee hoos ku qoran.

Dhegeystayaasha khudbaddu waa kuwa noocee ah?

Waa inaad ugu horeyn si wanaagsan u deristaa dadka ku dhegeysan doonaa nooca ay yihiin. Ma dad waayeel ah ayey u badan yihiin mise dhalinyaro? Aqoonta ay leeyihiin waa mid noocee ah? Guud ahaan maxay xiisaynayaan dadkaas ku dhegeysanaya? Isweydiinta SuĂ alahani waxa ay kuu fududaynaysaa inaad khudbadaada ku adeegsato erayo ay dadka ku dhegeysanayaa si wacan u fahmi karaan. Taas waxaan ula jeedaa iyadoo ay inta badan kala duwan yihiin erayada la isticmaalo hadii lala hadlayo dad aqoon leh iyo hadii lala hadlaayo dad beeraley ah oo aan wax aqoon ah laheyn.Qaybaha kala duwan ee cilmiga waxaa ay leeyihiin ereyo u gaar ah oo ay fahmi karaan dadka qaybahaas cilmiga ku xeel dheer. Waxaa jira waxyaalaha lagu magcaabo dhaqan luuqadeed.Tusaale ahaan ninka beeraleyda ahi luqad buu leeyahay, kan farsamayqaanka ahi luqad buu leeyahay,ganacstadu luqad bey leeyihiin.Sidaas darteed waxaa aad iyo aad muhiim u ah inaad warbixin buuxda ka heshid dadka aad la hadleysid. Haddii kale waxaa aad khatar ugu jirtaa in khudbadaadu noqoto mid aan la xiiseyneynin, dadkuna ku caajiso, kuna wajahan wado qalad ah

Ujeedada khudbada

Khudbada aad soo jeedineysaa waa mid ceynkee ah? Ma waxaad dooneysaa inaad gudbiso akhbaar cusub (information)? Mise waxaad dooneysaa inaad dood abuurtid? Mise ujeedadaadu intaas aan soo sheegnayba ma ahee, waxaad dooneysaa inaad wax madadaaliso. Maxaa yeelay nooca ay tahay khudbadaadu waxaa ay saameyn weyn ku yeelan kartaa qaabka aad u diyaarineysid khudbadaada.Waxaa kaloo ay saameyn ku yeelan kartaa heerka luqada aad isticmaaleysid.

Haddaba kolkii ujeedada iyo nooca khudbadaadu ay kuu cadaato, waxaad kaloo baaritaan ku sameyneysaa arimaha ay ka mid yihiin wakhtiga aad khudbada jeedineysid iyo weliba meesha aad ka jeedineysid. Waa kala duwan tahay haddii aad khudbadaada ka soo jeedineysid hool weyn oo dadku kaa fog yahay iyo haddii aad kasoo jeedineysid qol yar oo la is horfadhiyo.Wakhtigu siyaabo badan ayuu muhiim u yahay.Ma subax hore oo dadku weli hurdeysan yihiin baad khudbadaada jeedin doontaa mise duhurkii mise intaasba maahee waxaad jeedin doontaa goor habeen ah. Wakhtiga aad khudbada jeedineysid waxaa uu aad muhiim ugu yahay qaabka aad ku bilaabi lahayd khudbadaada. Tusaale ahaan haddii khudbadaadu ku aadan tahay goor aroor ah waxaa haboon inaad waxoogaa inta aadan khudbadaada rasmiga ah guda gelin aad dadka kaftan iyo arrar ku soo dhoweysid. Kolkii aad dareento in caajiskii sii baxaayona aad muhiimada khudbadaada guda gashid. Waxaa kaloo iyana muhiim ah inaad ogaatid wakhtiga khudbadaada loogu tala galay si aad u qorshaysato waxii aad oran lahayd.

Mowduuca khudbada

Mowduuca aad ka hadleysaa waa mid sidee ah? Aqoontaada ku saabsan mowduucanse imisa ayey dhan tahay? Waxaa kaloo iyana aad u haboon inaad qorto mawduucaaga adigoo u sameynaayo ciwaan sida: Maxaa keenay hoos u dhaca suuqa lacagaha? Intaas dabadeed waa inaad raadiso xaqiiq dhab ah oo ku saabsan mowduucaaga. Meelaha aad warbixinta ka raadsan karto waxaa ka mid ah buuggaagta horay loo qoray iyo weliba aaladda Internetka hadii ay taasi suurtogal kuu tahay. Waxaad kaloo warbixin mowduucaaga ku saabsan ka heli kartaa adigoo waraysi la yeelanayo dad xog ogaal u ah arinta aad ka hadleysid. Waxaa kale oo iyana muhiim ah intii aad ku dhexjirtid ururinta akhbaarta inaad eegtid buugaagta aad adeegsaneysid wakhtigii la qoray. Marwalbana waxaad dooraneysaa warbixiniba mida ay ka dameysey. Arintaasi waxay kuu suurto gelineysaa in wabixintaadu ay noqoto mid cusub oo xiiso leh.

Kala hormari hadalkaaga

Kolkii aad halkan soo gaartid waxaa kuu dhan boqolkiiba sagaashan khudbadaadii.Waxaad haysataa mowduucii, isla markaasna waxaad soo akhrisay wax badan oo mowduucaas ku saabsan, warbixintii aad u baahnayd ayaad soo urursatay. Waxaa kaloo haddaba lagaa rabaa inaad goĂ an ka gaartid sidii aad hadalkaaga u kala hor marin lahayd, Adigoo eegaayaa ujeedada khudbadaada, dadka ku dhegeysanaya iyo weliba arimaha kale ee aan horay uga soo sheegnay.

Waxaa iyana haboon inaad khudbadaada u sameysid meel bilow ah, meel dhexe iyo meel dhamaad ah. Taasi waxay dadka ku dhegeysanaayo u fududayneysaa iney si aan hakad lahayn  khudbadaadii ula socdaan.
Intaas ka dib, isku day inaad tababar wacan ku sameysid khudbadaada. Waxaa aad u wanaagsan hadii ay kuu suurtawdo inaad qof ama dhowr qof ka codsatid iney ku dhegeystaan ka dibna kula socodsiiyaan wixii dhaliil ah iyo wixii kale ee laga bedeli karo khudbadaada.

Waxyaalaha kale oo iyaguna muhiimka ah waxaa ka mid ah hadba heerka codkaagu yahay kolka aad hadleysid. Ma waxaa haboon inaad codkaaga waxoogaa kor u qaadid mise waxaa haboon inaad yara gaabiso. Taasi waxay run ahaantii ku xiran tahay hadba meesha aad khudbadaada ka mareysid iyo xaaladaha kale ee kugu meeraysan. Dhaqdhaqaaqa xubnaha kale ee jirka ayaa iyaguna muhiim ah sida gacmaha , lugaha iyo wajigaba.

Waxyaalaha khudbada dhaawaca waxaa ka mid ah kusoo celcelinta erey halqabsi kuu ah, YACNI YACNI, ama Maxaan ku iraahdaayeey, ama adeer iwm. Waxyaalahaas oo dhan ka nadiifi khudbadaada. Waxaa kaloo muhiim ah inaad ku koobnaatid luqada aad ku hadleysid ee aadan dhowr luqadood isku qasin. Haddii taasi dhacdo waxaa ay wax u dhimaysaa adiga hadlaaya shakhsiyadaadii iyo weliba kudbadii aad jeedineysey. Haddii aad isticmaasho erey aan ahayn luqada aad ku hadlesid waxaa haboon inaad macnihiisa sheegtid.

Arimahaas oo dhan kolka aad ka fekerto waxaa ay khudbadaadii noqoneysaa mid xiiso leh oo dadku u riyaaqaan. Waxaa ayna dhalin kartaa in lagaa casumo meelo badan oo khudbad laga jeedinaayo

Xusuusin: Waxaan khudbad kasoo jeediyaa golayaal kala duwan oo la igu casumo, waxaana khudbada u diyaarsadaa sida aan kor kaga soo hadlay. Taasi waxaa ay keentaa in khudbadahaygu noqdaan kuwo si aad ah ay dadku u jecel yihiin, ugana faa`iideystaan.

Qore: Macallin C.risaq Maxamed Xuseen

Eskilstuna, Sweden

 

SHEEKOOYIN