Weerarka waxaa u wehel ah wareer! W/Q: Ramla Gobdoon

Ramla

Weerarka waxaa u wehel ah wareer!

 

Dunidan aan ku noolnahay, ugub ku ma ahan, in weerar lagu qaado goob ey dad badani joogaan, is la markaana uu ka dhasho, qasaaro naf iyo maalba leh. Waddammada lagu tilmaamo, in ey ka mid yihiin kuwa adduunka ugu nabdoon, ayuu mararka qaar ka dhacaa, falal la mid ah kuwa laga geysto gudaha dalkeenna, balse, waxaa la is ku dhaafay, wax ka barasho iyo wax ku qaadasho.

Weerarrada arxandarrada ah, ee ka dhaca dalkeenna, gaar ahaan caasimadda, waa kuwo aad u soo noqnoqda, oo muddooyinkii dambee loo adeegsanayay habab is ku eg ka dhaca, kaasoo ah, in kooxda weerarka fulineyso ey qabsadaan goobta ey wax ka fulinayaan, iyagoo saacado badan ka dhex dagaallama, kana sameeya qaraxyo kale iyo dilal toos ah.

Shabaab ayaa dusha loo saariyaa masuuliyadda falalkan gurracan, iyaguna waxa ey sheegtaan, in ey ka dambeeyeen, balse, markii la is barbardhigo sida ey wax u dhacayaan, goobta ey ka dhacayaan iyo qolada lagu riixayo eedda, waa wax aad u ka la fog, oo eysan rumeysan karin maskax caqli iyo feker u saaxiib ah. Waxaa jiray xilli ey Shabaabku geysan jireen weerarro, balse, hadda wax badan ayaa is baddalay. Qaraxyadu waxey badanaa ka dhacaan xarumaha dowladda iyo goobo ka agdhow, halkaasoo ey buuxan ilaalo aad u tira badan, oo weliba is kugu jira nooc kasta.

Waxaa shaki la´aan ah, in ey jiraan kooxo fududeeya, siduu qaraxu u suurta lahaa, taasoo aad uga xogheysa jawiga goobta, meelaha laga soo gali karo iyo xilliga uu weerarku ku habboonyahay. Waa qasab, in shaqsiyaadkaas ey noqdaan kuwo meesha u badan, oo goor walba jooga. Waxey noqon karaan ilaalada, shaqalaaha xarunta ama dad si wanaagsan looga yaqaanno meesha, kuwaasoo aan laga celinkarin meel kasta, oo ka mid ah xarunta. Qof kastoo inaga mida wuu ogyahay, in wax walbo ey qorshe ku socdaan, markey dhacayaan falalka noocaanoo kale ah, waa la ma huraan, in xiriir wanaag uu dhexmaro kan wax fulinayo iyo midka soo tabinayo warbixinta, sidaas darteed, waa in dhammaanteen aan ogaannaa, in cadawgu leeyahay caawiyayaal faro badan, oo meel walba gelikara.

Natiijooyin aad u xun, ayaa mar walbo ka dhasha weerraradaas, waxaana ku dhammaada dad aan waxba galabsan, kuwaasoo is kugu jira, qeybaha ka la duwanee bulshada. Maxey dowladdu u sameyn la´dahay ka hortag, oo ey u dejin la´dahay hab lagu af jaro arrimahan soo laalaabta? Muxuu shacabku u la shaqeyn la´yahay dowladda, oo uu u soo gudbin la´yihiin wax kastoo deegaanka ku cusub, si baaritaan iyo dabagal loogu sameeyo? Waa weydiimo mudan, in la is weydiiyo, oo ey habboontahay, in jawaabo loo helo, balse, waxaa muuqata, in la wadagabay masuuliyadihii na wada saarnaa, oo dad gooni ah lagu halleeyay shey ilaaliskiisu uu qof walba waajib ku yahay.

Dhacdooyin ka la duwan, oo ka la xanuun iyo qasaaro badan ayuu shacabka Soomaaliyeed la soo kulmay, nasiibdarro weli wuu daadanayaa dhiigga dadka, weliba si micno darro ah, sababna aan laheyn. Shacabku cidna u ma doorin, in ey ku noolaadaan cabsi, argagax iyo gumaad, ilaa ey iyagu gacmaha is dulsaarteen, oo ey ka aamuseen ka hadalka wixii u daran iyo is ka dhicinta kan leynayo. Maadaama shacabku uu yahay, midka ugu nugul waxyaabaha dhacaayo, is la markaana ey u dheertahay gargaar iyo xannaano la´aan, waa qasab, in ey is ku meel ka soo wada jeesteen, oo ey la dagaallamaan qof kastoo curyaaminayo tarankooda iyo jiritaankooda, una diidaayo, in ey nabad iyo xasillooni ku naalloodaan. Marka aan sidaa leeyahay ka ma wado, in la is ku soo baxoo la qeylodhaamiyo, markan waxey arrintu u baahantahay, in awood wax la is kaga dhiciyo. Intey shacabku dhammaan lahaayeen iyagoo sidan u dulleysan, kuna mashquulsan fadhi ku dirir iyo maalaa yacni, waxaa uga sharaf badan, in ey dhintaan iyagoo ku dagaallamaya waddadii ey ku heli lahaayeen nolol qurux badan, mustaqbal ifa, maamul wanaagsan iyo nabad waarta. Dhowr iyo labaatan sano ayey xalaadba inoo dhiibeysay mid kaloo ka darran, u ma maleenayo, in ey weli harsanyihiin wax dheeri ahoo la sugo, waa xilligii uu qof walbo u istaagi lahaa sidii aan u noqon laheyn, ummad adduunkan ugu noolaato si sharaf leh.

Cadawgeennu wuxuu leeyahay wejiyo ka la duwan, waana in aan is kaga dhicinnaa, si is ku mid ah, oo aan jixinijix iyo nin jecleysi laheyn. Haddii aan kulligeen noqonno, is ku hadaf, na ma celin karaan koox yaroo dano gaar ah wadata, kaliya ma ahan, in la is ka celiyo kuwo dhiigga daadinaya, ee sidoo kale, waa qasab, in aan la xisaabtanno kuwa magaceenna ku qaraabanaya, hantideennana dhacaaya, aayaheenna mugdi galinaya.

Waa howl ad u adag, oo qatar faro badan laga la kulmi karo, ha yeeshee, waxaa intaas meesha ka saari kara, inagoo ku midowno soomaalinnimo, oo si wadajir ah u go´aansanno, inaan difaacanno waxyaabaha naga wada dhexeeya, qof walbana uu xil is ka saaro, sidii uu uga soo bixi lahaa kaalintiisa. Haddii aan taas ka wada seexanno, oo aan waxba ka baddalin habdhaqankeenna, mid kastoo inaga midana uu kor ka fiirsado waxa dhacaya, waxaan noqon doonnaa dad raalli ka ah baaba´ooda iyo dhammaan waxa loo geysto.

 

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN