Wey Innaga Jeclaan Karaan W/Q:- Cabdisayid Aadan Soofe

 

unnamedWaxa uu dhashay saddex iyo lixdan sanno ka hor. Qarni dulleysan oon qofna taariikhda kaga jirin. Waxa uu ku dhashay dhul jinku leexiyey fallaadhaha cadceeda oo iftiinku is awdey madawguna istuurmey oon ceel u qodneyn ciddina u maqnayn. Waxa uu ku dhashay dhul ba’an oo noolaanshihiisu tahay dabbiiciyan mid adag sababo la xidhiidha dhulkaas oo ah lama-degaan ay ku yar yihiin waxyaabaha assaasiga u ah nolosha aadanaha. Waxa uu ka dhashay ummad iscunta oo caydu u tahay suugaan kibirkuna faan. Ummad kala daadsan oon dunida waxba ka oggeyn. Ummad aan xataa lahayn xeer rasmiya oo candhaba waa xubin e kala hagga, wacadgooraale kala baajiya, iyo sooyaaal dhisa siiyaalkooda ummaddeed.
Ummadaasi awood ahaan waxay tahay maato; itaalkeedu yahay xuub caaro. Ummaddaasi garaad ahaan waxay tahay mayd oo waxa u aqoon ah ubadkoo nolosha lagu aaso. Ummaddaasi aragti ahaan waa ayaandarran oo waa isu-muuqato aan indhahoodu aadane kale qaban, waa isu-qaba ildheer aan irbad arag, waa warmoogto isu-haysata Malaaiigta wararka. Jirritankooda ummaddeed waxa uu ku jiraa khalkhal! Sababo la xidhiidha oodwadaagta oo ah quwaddo ka xaddaarisan kana abbaabulan balse indho-indheynaya arkana goljillicda oo haddaanay maanta soo booqan berri soo duuli doona.
Nasiib wanaag se maantadan oy geeridiisa kasoo wareegtey dhawr iyo tobban sanno ummaddaasi waa mid, ul iyo maydhax, abbaabullan, og adduunweynaha, hayaan ah, arli boob iyo addoon raadis. Waxay leeyihiin cuddud oo adhiraacdii waa askar, waxay leeyihiin aragti oo intey ka dhaxleen inta aaminsan mooye inta kale nabad kagama seexato, waxay leeyihiin garaad oo wixii kala irdheeya ee kala dagaalla waxay dhahaan “Fitna”. Waxaas oo dhan waxa u sabab ah dastuurkii eexda ka dheeraa ee uu magaallo heblaayo ku qorey uguna sheegay waxa mideeya iyo waxa uu rabo in ay noqdaan; waaba halka sannadku ka bilowdo. Qoorweyn baa qalay, quwaddihii qooransan jirey taariikhdaa lagu darey, qaar kalena sii sababeysan baa nolosha loogu qeexay.
Intaas oo keliya iyo in aan soo koobi karo ma ahayn waxay la kullantey ummaddan reer baadiyaha ahayd ee tubta toosan la tusay. Ceelashii biyaha ee maalmaha loosoo aroori jirey waxay noqdeen magaallooyin leh maamul, maareyn iyo kala danbeyn ku sallaysan sharciyo iyo qawaaniin laga dhaxlay shaqsigan aadka u qaaliga ah. Saxarihii ahaa geeri go,anta cagtu kama go,do waxa uu noqdey goob ganacsi oo safarku hadh iyo habeen isweydaarto, culluumtaa ka darran iyo dhammaan wixii la halmala hormarka. Si yar oo kooban, marka laga kaalayo in Kitaabka Qur’aanka Kariimka ahi uu yahay hadalkii Ilaahay oo qofkasta oo Muslin ahi aaminsan yahay haddana haddii xagal kale laga eego waxay noqoneysaa in kitaabka kasta oo Afka Carabiga ku qoran uu yahay “Suugaan Carbeed”. Sidaa daraadeed Nabi Maxamed (NNKH) waxa uu Carab uga tagay Kitaabka Alle oo afkooda ku qoran gaadhna ka haya afkooda oo maca haddeey Carab oo idili ka tirtirranto dunidan waxa hubbaal ah in afkoodu waari doono.
Sikastaba ha ahaate addunweynaha gaal iyo islaamba waxa laysku raacey in Nabi Maxamed(NNKH) uu ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa abid, waayo, waxa uu ahaa shaqsiga keliya ee dunidan soo marey ee wakhtigii ugu yaraa Geelyahano iyo Qabiilyahano kaga dhigey Xukunyahano iyo Aqoonyahano. Hadal iyo hoobaantii “Carabtu in kabadan inteynu jecel nahay nabigeenna suuban wey jeclaan karaan balse isma-xigsiin karaan”

W/Q:- Cabdisayid Aadan Soofe

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.