“When Donkeys Give Birth To Calves” Buug dhugasho iyo dhuuxid mudan

“When Donkeys Give Birth To Calves” Buug dhugasho iyo dhuuxid mudan

Inta aanan mowduuca cinwaankan gudagelin, bal aan iftiinsho sidan ku helay. Maalin anoo dhexmushaaxaayo baadidoonka Googlaha ayaan helay afar gabay ow qoray qoraaga weyn ee caalamigaa ee Soomaaliyeed Profassor Cali Jimcaale Axmad, kuwaas oo ku soo baxay websiteka la yiraa www.warscapes.com ka dib waxay noqotay inaan dabagalo gabayadaas afartaa oo dhammaantood ku jiro buuggan aan maanta ka hadleyno oo la yiraa “When Donkeys Give Birth to Calves” kaas oo gabayadaas laga soo qaaday.

Runtii aniga la yaab iguma noqon murtida, xigmadda iyo aragtida qiimaha badan ay gudbinayaan gabayada qoraaga, maxaa yeelay, waxaan in badan oo hore akhriyay qoraallo iyo buugaag badan ow qoray Profassorka. Qoraalladaas ka sokowna waxaan hore u dhegeysan jiray barnaamijkiisii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee ka bixi jiray Radio Muqdisho 80meeyadii, kaas oo la dhihi jiray “Qoraalka iyo Qoraaga!”.

Tan iyo dhammaadkii 70meeyadii isha ayaan ku haayay qoraagan qiimaha badan ee sidiisa naadirka yahay. Haddaba inta aanan gudagelin bal ila fiirsha qoraallada kale ee caalamigaa ow qoray qoraaga aan maanta ka hadleyno oo ah Profassor Cali Jimcaale Axmed, kuwaas oo qaarkood lagu turjumay afaf badan oo adduunka looga hadlo, qaarkoodna laga dhigo Jaamacado ka mida kuwa adduunka.

Waa kuwaan Buugaagta ow qoray qoraaga:

 

  1. The Invention of Somalia”1995
  2. Daybreak is Near (1996)
  3. Diaspora Blues (2005)
  4. Fear is a Cow (2002)
  5. The Road less Traveled waxay wada qoreen qoraagii geeriyooday ee Taddese Adera (2008)

6.Silence is not Golden oo isna ay wada qoreen isla qoragaas geeriyooday Taddese Adera sanadkii (1995)

  1. Iyo kan aan hadda ka hadleyno ee When Donkeys Give Birth to Calves (2012).

 

Qoraagu waxuu ka mid yahay Suugaanleeyda Soomaaliyeed ee caalamigaa, sida qoraaga weyn ee Nuuruddiin Faarax, oo ah macallinkii Profassorka. Waxay wadaan olole ballaaran oo suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed lagu caalamiyeeyhaayo.

Marka aan in yar jalleecno qaar ka mida cinwaannada qoraallada Profassor Jimcaale, waxaad arkeeysaa in qoraal walbaa salka ku haayo xigmad ama murti Soomaaliyeed.

Tusaale 1. “Silence is not golden” oo salkeedu yahay murtida laga isticmaalo Geeska Afrika iyo caalamka ee tiraa AF DABOOLAN DAHAB, taas ow qoraagu qabo bedelkeeda, waa ta soomaalidu tiraa nin kaa hadal badan dhaxal adoogaa ayuu kula wadaagaa.

  1. “Fear is a Cow” oo salkeedu yahay “Weysha gowrac dibiga ha ku quustee,” oo ah murti ay Soomaalidu wada taqaan.
  2. When donkeys give birth to Calves” oo salkiisu yahay murtida soomaaliyeed ee tiraa “Dameeraa Weyla dhala” oo loola jeedo marka laga hadlaayo waxaan dhici karin oo mustaxiila.

When Donkeys Give Birth to Calves: totems, wars, horizons, diasporas waa buug cusub oo gabayo ah, kana koobma shan qayb oo kala ah: “Nomadic,” “War Images,” “Snapshots,” Gnomic/Epigrams,” iyo “In the Shadow of the Ellipsis.”  Waxaa ku jira 60 gabay oo taabanaaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin jahawareerka siyaasadeed, dhaqameed iyo bulshadeed oo Soomaaliya ka jira, walbahaarka iyo uurku taallada qaxootinimada, qurbajoogga iyo saboolnimada guud ee laga dhaxlo marka ummadi kabaalkeedu jabo.

Waxaa buugga lagu furayaa gabay lagu magacaabo “Atmospheric Spirits”, loona hibeeyay qoraaga weyn ee Soomaaliyeed ee Nuuruddiin Faarax.  Waa gabay taabanaaya dhiillada soo jiraaga ah ee si toosa ama si dadban u belaysa maanka wadareed ee Soomaalidu leedahay. Sidaan ayuu u qoranyahay gabaygu:

 

In my hometown, the dead

Still exact revenge

From the grave.

The receptacles of the dead

Are the living dead

Who already straddle

Two worlds.

Do the parched remains of a scuttled idea

Refurbish a tale mangled by time

And reduced to ashes?

Let cinders tell our story.

 

Waa gabay tibaaxaaya dibjirnimada laga dhaxlo qiiro aan dhimir lagu xardhin. Waa gabay Soomaalida ku boorinaaya in ay garato sanadka iyo qarniga lagu jiro, iyo in walcan iyo isir u dagaalku ku dhaafiyo adduunyadaada iyo aakhiradaadaba.

Waxaa fikirkaan sii kobcinaaya gabayga 11aad oo soo afjaraaya qaybta koobaad. Waa gabay lagu magacaabo “The Clan, The Nation and the World.” Waana kan:

 

If our forefathers sprang back to life

In horror they would cringe, crawl

Back into their holes.

They’d laugh at the rooster mummy

And the serpent mummy

And the scorpion mummy

And the skeletal crab that still decorate

The Afar Irdood gates of our national dome.

I dream of a new mix, the splash of

Colors, a mishmash of totems where

The rooster mummy and the serpent mummy

And the scorpion mummy and the skeletal crab

Coalesce

The convergence ushering in the era of a new totem

With the body of a camel, the horns of a bull

The udders of a cow, the hooves of a horse, the

Mane of a lion, the beard of a goat, the gill of a fish

And the contours of red earth embroidered

With fresh stem from galool berde yicib yaaq beeyo

Murcood gob qare galley meseggo waambe qamadi

Sarmaan shilan foodcas masaarojabis

Isku dume, Isu dume, Molder of nations, where are you now? (17)

 

Qormadan gaaban ee aan wax kaga sheegayo Profassor Cali Jimacaale buuggiisa cusub, waxaan ku soo qaadayaa oo kale gabay la yiraahdo “Exponential” oo nagu dhiirrigelinaya in aan riyo cusub oo mug leh la nimaado. Waana kan:

 

Think

How tomorrow will emerge

From its socket

The dawn doesn’t say much

About the coming hours

The dawn

Is born of the dew of the night before

Tear drops on branches

Tear drops on grass

Shafts of joy that the

Night has come to an end

The joy is exponential

The hours

Only indices of the burning day

The dawn

Is conceived in the dream of the night before

What did you dream, brother, the night before?

What did you dream, sister, the night before?

 

Waxa hubbanti ah in ummaddu u baahantahay xilmi ama riyo cusub oo ay ku doogsato. Riyadaasi waxaa laga dheehan karaa sida ow qabo Profassor Cali Jimcaale dharabta dhedadu dhaliso. Waxaan rejeynayaa in dhugmo loo yeesho marka la akhrinaayo buuggan cusub oo fikirka riixayaa uu ku saleysanyahay murtida Soomaalida ee tiraah “Dameeraa weylo dhala.”

Waxaa qaybta 3aad ee buuggan oo lagu magacaabo “Snapshots” xuddun u ah shirib Soomaali ah oo ow tiriyay Faarax Seefeey, una qoran sidaan:

 

“Adduunyo uur lahaan arkaa

Umulisaanse loo arkeyn!”

 

Sidoo kale waxaa qeybta 2aad oo lagu magacaabo “War Images” ku jira gabayga “A Grim Account”oo ku saabsan diyaaraddii PANAMA ee ku burburtay tuulada Lockerbie ee Scotland. Waxaa ku jira gabaygan qayb ka mida gabaygii Xuseen Dhiqle ee ahaa “Qayaashmaash Libaax baa Dhurwaa qaybi yiri soore

Waxaad kaloo ila fiirisaa gabayga “Running with the Bulls” oo ay ku xardhanyihiin maahmaah iyo murti Soomaaliyeed, sida: “Dekane duug ma leh” iyo “Macal cune muuqan doonee” oo tilmaamaayo xumaanta dembiyada iyo dhaca xoolo dadweyne ama ummadeed. Shiribka Faarax Seefeey, gabayga Xuseen Dhiqle iyo murtida kale oo aad ka dhex arkayso buuggan intuba waxay wax ku biirinayaan caalamiyeynta iyo baahinta adduunka lagu baahiyo suugaanta Soomaaliyeed.

Profassorka waxuu hadda wadaa buug kale oo gabaya ah, sida ku cad gabaygiisa 59aad ee isla buuggan, bogga 86aad: Fiiri cinwaanka ah: “Nature poems:some titles for a book still in the offing”.

Waxaa hubbantiya dedaalka ay hormuudka ka yihiin Profassor Cali Jimcaale iyo macallinkiisa, qoraaga weyn Nuuruddiin Faarax oo hadda loo saadaalihaayo inuu helo abaalmarinta Nobelka ee suugaanta, in dedaalkoodu, mustaqbalka dhaw, gaari doono in qaamuusyada ku qoran luqada Englishka laga dhex heli doono ereyo ah luqada Soomaaliga. Akhris wacan.

 

W/Q: Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN