Wiilkii Riyada Q1AAD W/Q: Samiira Ibraahin Cali.

13936612_152933781806841_1574819960_nWiilkii Riyada! Q1AAD

—————–

Nasra waa gabadh ku dhalatay kuna barbaartay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxbarashadeedii ilaa dugsiga sare waxey ku soo qaadatay isla magaalada Muqdisho. Nasra waa qof aad loo tixgaliyo, oo dabci wanagsan. Waxbarashadeedana aad ugu dadaasha, ahna ardayad kaalinta ugu horreysa ka gasha fasalkeeda iyo iskuulka ey dhigato. Dhanka kale, waa gabadh Eebbe qurux iyo qaayo u deeqay, oo qofkii mar jaleecaa uusan ka jeesaneyn bilicda iyo habsamida muuqeeda. Rag badan markey sidaa u fiirshaan indheheeda la moodo sidii indhaha Deerada waa lagu didaa, oo jiriiracyo ayaa jidhkooda ku yaacda.

Nasra waxaa xiriir jaceyl oo qotodheer kala dhexeeyay Axmed, oo ilaa yarantoodii ayey wada socdeen. Axmed waa wiil joog iyo jamaal leh. Waji soo jiidasho lehna Alle u hibbeeyay. Midabkiisu waa madow maariin xigeen ah. Waa wiil waxbarashada iyo cilmigu ku weynyahay, oo ayba isku hammi ka yihiin dhankaas Nasra, waana arday jamaacad ka mid ah jaamacaddaha dalka wax ka barta. Nasra waxaa u soo afjarmay iskuulkii sare, waxeyna billowday talo uruurin iyo meeshii ey jamacadda ka dhigan laheyd, iyo waliba waxa ay baran doonto oo sida dayaxa ugu muuqda, oo hammigii ilaa yaraantii ey ku sooheysay ayey rabtaa in ey taabbagaliso.

Ugu danbeyntii, waxey go’aan ku gaartay in ey dalka dibaddiisa wax ku soo barato, madaama reerkeedu dhaqaale lahaa, oo waxaas oo dhan loo awooday, misana tahay gabadha ugu horreysa ee jaamacad u billaabeysa ciddeeda, kuna kalsoonyihiin dadaalkeeda, kartideeda,iyo in ey meel iska soo saareyso waxbarashada. Sida caadada eheyd, Nasra iyo Axmed waxey kulmi jireen maalmaha toddobaadka la nasto, waliba galabta jimcuhu soo galayo, hasa yeeshee, maanta waa Isniin. Nasra ayaa Axmed ku tiri; “waxaa jira arrin cusub, oo ay muhiim tahay in aan ka wada hadalno, marka galabta waa in eynu kulannaa”. Waxey kulmeen galab Jimceed, cabbaar ayaa la kaftamay, oo la isxodxotay, ka dibna waxey billaawday Nasra sheekadii ey is kugu imaadeen oo ay ku ballansanaayeen in ey ka wada faqaan iyada iyo Axmed.

Waxey go’aankeedii la wadaagtay Axmed oo aan ka filaneyn in ey ka tagi doonto, iyada oo aan ogeyn jaamacaddaha uu u fiirfirinayey, isaga oo islahaa wey u qalmaan Nasra. Hadallada iyo go’aannada Nasra u sheegeyso Axmed qalbigiisu ku ma qanacsaneyn, laakiin, wuu ku qasbanaa in uu aqbalo, madaama uu yahay qof wax calmaday. Waxaa dhibayey Axmed nolosha cusub ee kala fogaanshaha ku saleysan. Wuxuu sawiranayey cidlada soo wajihi doonta. Marka laga soo tago jaceylka uu u hayo gacalisadiisa, Nasra waxay u eheyd Axmed saxiibka uu ugu kalsoonida badanyahay ifka guudkiisa. kalana tashto wixii la soo gudboonaada.

Nasra iyada qudheedu dareenkaas iyo mowjado ka sii badan bey dhex muquureysay, waxey ka cabsaneysay mar-dhoofiddaan, meel eysan aqoon oo ey tageyso, ka fogaanshaha hooyo, aabbe, walaalo, asxaabtii, iyo xaafaddii ey ku soo barbaartay. Balse, waxaas oo dhan waxaa uga weynaa hankeeda iyo heerkeeda aqooneyd in ey ka miradhaliso . Aabbe Faarax wuxuu u diyaariyey gabadhiisa Nasra dal ku galkii iyo wixii sagootin waalidnimo ah….

La soco qeybta 2-aad.

W/Q; Samiira Ibraahin Cali.

Xumeydaa110@gmail.com

 

SHEEKOOYIN