Xabsi-doon! Q10AAD W/Q: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

dd

Xabsi-doon! Q10AAD

Waxan ku suganahay Caasimada sadax geesoodka ah, ee Khartuum. Waxaan Khardoum degan Soomaali badan waxaa eeyna kala yihiin sadax qaybood.

1. Arday waxbarasha u timid halkaasi, oo Suudaan waxey deeq waxbarasheed u fidisaa kumanaan soomaali ah sanad walbo, Maadaama aan ka wada tirsanahay Jaamacadii lagu ba,ay ee la oran jiray, Jaamacada Carabta.

2. Qoysan badan oo iyagu muddo dheer halkaasi ku sugnaa oo daganaansha haaysto iyo Ganacsato la socda dadkaas oo xawaallado iyo ku haysta macdaaro yaryar,

3. Waxaa soo saddexeeya dadka Socotada ah ee doonaya inay uga talaabaan,waddamada Liibiya iyo Masar.

Kharduum maalin kasta waxaa lagu qabtaa dad Soomaaliyeed oo saxaraha laga keenay, waxaa dadkaas daabulla oo lacag ka qaata, dadyoow Suudaani ah oo weliba ciidanka dalka u badan.Qof weliba waxaa laga qaadda qiimo go’ an, waxaa igu adkaatey inaan helo, dad aan isku lug darsano, waayo mudadii aan joogay waxaa la qabtay in ka badan, 50 Baabuur oo xabsiga loo taxaabay,

Anigoo ka Ordaya Xabsigaas maadaama aan hablo jiidayo, ayaan habeenkii dambe is helnay nin dilaal ah, wuxuuna igula taliyey, haddii aad raaco, Dadyoowga kale sida itoobiyaanka iyo Ereteriyaanka inaan badbaadayo oo Soomaalida keliya tahay waxa la ugaadhsado.

Waxay lacag uga barteen raacyadii hore oo eey ku jireen qaar guryahoodii u soo iibiyay ineey jid mar ka dhigtaan, lacago badan jeebabka ku watay, Laakiin raacyadan danbe oo ahaa, xeerada salkeedii, waxayna ku socdeen intooda badan qamarjinimo sida aniga oo kale.

Arrintaa uu ninka ii sheegay aad baan ugu qushuucay waayo intaan joogay ma dhicin baabuur dad kale saaran yahay oo la soo qabqabtey taasoo igu dhalisay shaki ah, in soomaalida dhaxdeeda is jaajuusto oo macluumaad la iska sii hormariyo.

Waxaa dhacday inuu habeenkii dambe ii keenay nin Ereteriyaan ah, waxaana nalaga qaaday sadaxdayadii lacag dhan min 300 Doolar, waxaa kaloo nala ogeeysiiyay in tripkaas noogu ilaa “Kufra” oo ah xadka Saxaraha Liibiya ka billowdo.
Habeenimo saacada oo garaacaysa 1:00 Habeenimo ayaa nalugu qaaday Taxi waxaana nala geeyey meel bannaanka magaalada ah, haddana waxaa saarey, Bus eey dumar iyo ragba ka buuxaan.

Waxaanu soconaba waxaanu nimid meel gabaahiira waaberigii, waxaana jooga dad aan ku qiyaasay 50meeyo iyo annaga oo aan 20 ka yareen, markiiba, Surca surca ayaa nalagu billaabay labadii Baabuur mid ka mida ayaa nala saarey, dadku waxay sitaan Agab wanaagsan biyo iyo baad, aniguse ma ogeyn dhibka meesha ka jira oo waxoogaa Rooti iyo timir ah ayaan horey u sii qaadanay. waxaan soo iibsanay biyo dhawr litir ah sidoo iyo Malaayga loo yaqaana Toonaha.

Waxaa nala saarey, Baabuurtii waxaana naloo sheegay inaan qabsano oo isku ilaalino korkiisa qofkii ka dhacana aan loo istaagaynin, qofkii muran keenana madaxa xabad looga dhufanayo.

Waxaa billowdey kadeedkii socdaalka adkaa, waxaa laysugu geeyey 35 Qof baabuur loogu talo galay Lix qof, dadka neeftaa ku wada dhegan, Gadhka iyo labada law ayaa lays geliyey,.Waxaannu soconaba saacadu markay mareysay 3:00 Galabnimo oo intaas aanan magaalo iyo dad midna arag, Ciid bacaad ah oo saxare ah maahine, qof walbana waxuu la itaal daranyahay daal, diiqad, haraad iyo gaajo, waxaana naloo sheegay in lays taagayo oo Baabuurtana la nasinayo saacad si loo yara qaboojiyo.

Saacada in wax lagu cuno lugahana la ka baxsho, sidoo kale marka hoonka la yeeriyo qofkii maqan inaan cidina sugeyn ama seexda.

Waxaa iigu daran, waxan wadaa hablo ciyaal maama ah, Oo baraf lagu soo koriyay, Meeshii ugu dheereyd oo eey tagaana eey ahayd Makiinada cajiinka looga diro, Sidaas daraadeed ayeey sadaxdoodiiba qadyaan taagan yihiin oo eey istaaga ka wada hoobteen, mid ka mid ah xitaa maba awoodo ineey kalmad tiraahdo, labada kalena sidii ruux kaniini “Bam” ah laga dharjiyay ayuu carrabka weynaaday, oo waxa eey ku weeydiinaayaan waa inaad cabaar ka sugtaa, Si aan yeelo ayaan garan waayay, Ma iyagii ayaan illaaliyaa, mase gaarigii ayaan illaaliyaa, waxan ka baqayaa in halkaa naloogu dhuunto, oo uu hogaanka noogu wada go’o, sidaas daraadeed qalbigayga waxuu ku maqanyahay gaariga.

La soco Q11AAD

W/Q: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN