Xabsi doon Q14AAD Qalinkii: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Xabsi

Xabsi doon Q14AAD

Habeenkii markuu noo dumay ayaa nalagu gurey meel u eg, xero Injiyadii Soomaaliya waxaana hal meel lagu wada xareeyey 30 qof dadkayaga Soomaalida noqday waxaanu noqonay tiro gaaraysa 30 meeyo, halka kuwa kalena bakhaaro waaweyn lagu xareeyey oo noo dhaw.

Habeenkii meesha nalugu shubay, Illaa Habeenkeedii kale, cidi nooma juuqin, Annagana Waxaan la dhacnay daalkii iyo gaajadii, hurdo dhib iyo naxdin badana waan la wada suuxnay.

Waa nala kala qayb qaybiyey jinsiyado, Jaadiyaan, Suudaan iyo Soomaali oo saddexda Baabuur kala saarnaa, qolyihii baabuurta wateyna meel gooniya ayaa lagu xirtay, waxaana ku socota ciqaab joogta ah.
Habeenimadii dambe ayaa nala soo saaray, waxaana nalagu billaabay dagaal, ciqaab, jirdil, waxaa habeenkii 7dii habeenimo ilaa 1dii Habeenimo aanu ku jirnay, Kac fadhiiso, is tuur, iyo in inta beerka naloo dhigo nalagu dul socdo, Tuubbo iyo qori baadkiisna nalala dhaco, Qaarkeena Waxaa ka daadanayay Dhiig afafkooda ka yimid, Kadib markii eey naga daaleen, ayeey la yimaadeen arrin taa ka sii darnayd oo aanan weligey arag, ahaydna in nala amrey inaan laba laba isu dhirbaaxno, oo nin weliba intuu daamanka kuuso oo aariyeeyo, kan kale dhirbaaxo iyaga oo adeegsanaya Erayga (Unfukh) oo ah buuxi daamankaaga si dhirbaaxada saaxiibkaa si wanaagsan kuugu qabato!! .

Annagoo Oonkii shalay iyo doraad qabna ayaan waxna nala siinin ayaa haddana ciqaabtan naloogu darey, Nasiib wanaag, Gabdhaha ma aysan taaban korkooda, waxayna dejiyeen qol wanaagsan oo Joodariyo yaalaan iyo Roogag, wax xad gudub ahna kuma samayn, Caanno iyo cuntana way siyeen.

Habeen baaskani markii nala fasaxay waxaanu u xiisnay xeradii nalagu aguugay, waayo ciqaabta iyo jirdilkaa ka darnaa, Subaxnimadii ayaa naloo keenay, Rooti qalalay oo nooca xoolaha loo dhigo oo aad darbi ku kala jebinayso iyo Digsi weyn oo shaah ah, sidoo kale waxaa naloo soo furey Biyihii.

Nasiib wanaag xabsiga aan ku jirno waxaa ku dhexyaala Laba Musqulood oo wanaagsan, sidoo kale biyuhuna waa ku dhex jireen, inkastoo habeenkiina hal mar naloo furayey maalintiina subaxnimada hal mar balse waxaa nala siiyey caagag aan ku dhaansano iyo kuwa aan ku weysaysano kuna qubaysano oo yaryar.

Waxaa dhulka naloo dhigay Kadiifad, xiligu waa Xagaa kulaylkuna wuxuu gaarayaa mararka qaarkood 40 Digrii iyo ka badan.

Duhurnimadii ayaa waxaa noo billowdey in bannaanka naloo soo saaro, iyadoo ciidan gaarayo 50 la keenay, waxaana la qaatay guud ahaan waxaan haysanay oo dhan, waxayna noo sheegeen in lacagtayada, Sigaar iyo caano naloogu iibin doono.

Waxaa maalintaa noo bilowday, in quraacdii Rootigii adkaa iyo Qado bariis iyo Yaanyo lagu kariyey nala siiyo.

Ma jirto cid wareysi naga qaaday ama na weydiisay waxa aan u soconay, sidoo kale ma jirto cid na xukuntey oo maxkamad na soo taagtay, ma jirto cid noo sheegtay intaanu xirnaanayno, mana jirto cid og inta aan xirnaan doono, sidoo kale ma aanan helin, qaab ama si aan ula xiriirno ehelkeenii oo ay noogu dambaysay markaannu Kharduum ka soo dhaqaaqnay.

Hubaal in nalagu tiriyey dadka dhintay ee aan Wadada ku soo marnay Iyagoo Xabadka loo saaray Paasabooradoodii aqoonsi ahaan, haddana awood uma lehin inaan ka jawaabno, waxaa xaalkayagu marayaa, cirkaa dheer dhulkaa dheer, niyad jab iyo nuglaantuna waa nagu siyaadey, qof welibana wuxuu gaaray naf nac iyo quus.

Waxaa noo dheeraa habeenka ilaalada Askartu wax cabto inay bannaanka noo soo saaraan oo ama dhulka nagu nadiifiyaan ama iska kaaya garaacaan, maanaan lahayn awood aannu ku hadalno, mana jirin wax xiriir ah oo naga dhaxeeya.

Galabnimo ayaa annagoo tukaneyna waxaa noo yimid, “SAALIM” waa xidiglihii na soo qabtay waxaana laga dhigay, Kabtan buuxa anaga daraadayo, maadaama uu soo qabtay dad dalkiisa sharci darro ku soo galay, waa ilaa 25-27, aan Rag iyo rabbi waxba ka aqoon, sidoo kalena u dhalan garaad wanaagsan, Iyo tarbiyad Fiican, Waxyna Iila ekaayeen Kuwa Darbi ku korka ah oo fursad u Askarinimo Dalkooda laga siiyay waana Khamriyacab, isagaa adduun waxaanu haysaney qaatey, haddana wuxuu noo haystaa, Arri iyo xoolo meel ugu xareysan oo kale.

Intuu iskaaya ag taagay ayuu yiri,” Bal waxan madmadoow eeg, maxay ka tukanayaan, “Cibaadaba Kuma waajibtee” horre ayaa loo cadaabay, haddana anaa cadaabaya, haddey dhintaana ilaahay markaluu foolxumadooda cadaabayaa” marka uu sidaa leeyahay waa ka dhab ee dheel kama aha garaadkiisuna intaas ma dhaafsana.

Meeshii waxaan ku jirnay muddo laba bilood ah, ka dib aniga oo waxoogaa ka firfircoonaa nimanka kale iyo wiil Af carabiga aad u yaqaanay, ayay na dhaheen cuntada u kariya maxaabiista oo dhan, sidaasaana ku helnay fursad aan hawada ugu baxno.

Meesha waxaa labada dhinac ka xiga, Xeryo ciidan oo Kaarayaal dhexyaalaan, Gadaalna darbi aad u dheer ayaa ku yaala oo gaaraya Lix Mitir, nasiib wanaagse geed ayaa ku ag yaal, Gadaal waxaa kaga dhegan guri aan markaas cidi deganayn oo duug ah, Waana dabaq laba dowr ah.

Muddo ayaan qorsheynayay sidaan u baxsan lahaa ee aan meeshan uga ordi lahaa, habeenkii dambe ayaan arkay meesha oo Saddex ilaalo ahi joogto, waxaanan si dhuumaaleysi ah uga wareegay, dhinacii darbiga dheer anigoo rafaad ku korey geed muruxsan oo weliba aan lahayn laammo la qabsado, dantaa I bartay inaan u koro sida dhakhsiyaha badan, Naftuna Orod bay kugu aamintaaye waxaan dhex galay habeenkii gurigii doqoshka Ahaa, ee caara Caarada badnaa.

Way lay waayey ka dib ayaa waxaan maqlayey ciqaabta iyo dagaalka ku socda saaxiibaday, habeenkii kama bixin gurigii waayo wadooyinka oodhan iyagaa ordayey, waxaanse ka baxay 4tii habeenimo, anigoo ku soo dhacay meel bannaan ah oo meeshiina u muuqato, geed lagu gabadaana jirin, balse intaan is gaabiyey oo foorarsaday ayaan hoostana ka orday.
Ugu dambayntii waxaan waaggu ii baryey magaalada dhexdeeda waxaana Is helnay nin suudaaniya, oo cuntana I siiyey ina geeyey meel ay joogaan dad ajaaniba oo badan.

Halkaas waxaan kaga soo baxay Xabsigii balse waxaa ii billaabatey nolol cabsi badan oo saddex weji leh, mid aan ka baqayo in laygu raad joogo, Mid kale oo ah walaac aan ka qabo waxa uu ku danbayn doono Xaalka Labadii Gabdhood ee ila socday, Walow eey Wax la qabaan Habla kale oo Tobaneeyo Ahaa oo la xirnaa, Haddana sidii aan dib ugu midoobi lahayn ayaa mugdi iiga jiraa, tan sadaxaad ma aysan jirin qof aan aamini karo, Mana haysanin, dhaqaale oo jeebkayga waxba ku jirin.

Habeenkii dambe magaalada waan ka baxay waxaan seexday meel beero dhexdooda, subaxnimadii ayaan la kulmay nin Liibiyaan ah oo Beer dhex jooga wuxuuna I weydiiyey inaan shaqo rabo iyo in kale.

La Soco Qaybta 15aad.

Qalinkii: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN