Xabsi-Doon Q4AAD

qormo

Xabsi-Doon Q4AAD

Isla markiiba waa la ii keenay labadii dhalo ee kooka koola ahayd, Laakiin waxaa la igu amray in aan, dhaqso ku cabo oon soo celiyo, dhalooyinka faaruqa ah, “Maba aan casheyne sideen ku wada cabaa hal mar labo dhalo, ma anaa boorane qabo,” ayaan askarigii ku iri, “Haddaad rabto daadi”ayuu iigu jawaabay asoo dhararsan inaan u soo taago dhalooyinka faaruqa ah, Markan gartay in kaartadaydii fashilantay, ayaan siisay sharaabkii ragii aan u soo gatay dartood, in eey cabaan saa abateet uma hayee, Hal mar ayeey fiiqsadeen, dhalooyinkiina waa la celiyay, Waxaanse askarigii siiyay dhowr boqol oo riyaal si uu iigu keeno buste kale maadaama aan sagxada aalo, Sidi buu ii sameeyay oo waa la ii keenay buste kale, oon kaligeey ku ahay, Balse taasi waxeey hunguri galisay ragii faraha badnaa ee sagxada wada yiilay, Laba ka mid ah ayaa damacday ineey ila soo saftaan waanse ka biya diiday, Xabsiga waa meel baas haddii aadan nin adadag aheyn, waa lagu jilcinayaa, Jidaaradiisa waxaa ku qoran oraahyo iyo halkudhagyo Carabi ah, waxaan ka xasuustaa( Idaa lam takum diib, Akalatka kilaaba) Haddii aadan dhurwaay aheyn, Eeyaha kama baxsaneysid oo weey ku cinayaan, Sidaas daraadeed ayaa diib iska dhigay, si aan uga badbaado eeyaha, Waxaa la gaaray xilligii cashada, Waxaana naloo keenay, Min xabad kudum ah, Rooti ciida lagu dubay, Waa la kala boobay, waxaana la isku diyaariyay jiif, waxan aaday suuliga, markii aan soo noqday waxaan arkay, bustahaygii oo eey sadax nin ku jiifaan, iyo jaakadaydii oo dhulka taalo jeebabkeeduna banaanka u soo baxsanyihiin, Waxan ku talamay, sidan ka yeeli lahaa, Haddii aan iiga kaca iraahdo, ma soconayso oo waa arkaa, in kas iyo maag ficilkan loo sameeyay, Haddii aan askarigi u waci lahaa, Waa xili la jiiftay, Waddada kaliya ee ii furan, waa jihaad ayaan isku qanciyay.
Intaan suuligii ku noqday ayaan baaldi biya ah oo buuxa, wiliba qaboow ah,, ragii dusha kaga shubay, Hal mar ayeey kor u wada boodeen, Anna waxan isku soo laabtay bustihii, Waxaana biloowday feer iyo hirig, Qaar ka mid ah, ayaa qayladii ku soo kacay, oo ina kala dhaxgalay, Kii afcarabiga jajabka yaqiinay ayaa ila saftay oo yiri, ninkan lacag buu la baxay ama bar u celiya ama u daayo, laakiin 17 kii kale waxeey ku doodeen in xoolaha xabsiga, eey maxaabiista ka dhaxeeyso, waxeyna igu handadeen in suuliga la igu soo xirayo, Kii ugu darnaa, waxa uu sheegay, ineey Soomaali hadda ka hor xabsi ku muslimiyeen oo eey ashahaadka u qabteen, Anna uu maanta sidiisii ila damacsanyahay, maadaama eey tiro iga badanyihiin.
Hirrigtii waxaaa iiga go’day saacad qaali ah oo aan xirnaa, Nasiib wanaag isla askarigii waardiyaha ahaa ee bustaha iga ijaaray ayaa buuqii ku soo baxay.
Aniga oo afcarabiga ragan kaga afmiishaarsanaa, garyar oo mudawac ahna lahaa, waxaan askarigii u sheegay, in bustahii la iga xoogay, wiliba baaldi biya qaboow ah la igu shubay, bustihii dhinaca ka qoyanaana waan tusay, Waxaan kaloo tusay, suunkii saacada iga go’day iyo jeebabka jaakada oo wili sidoodii kor u soo jiray, in eey baarteen saacadana iga furtaan, oo aan kala nahay muslin iyo gaalo, ayaan isciilaambigii kula duldhacay.
Intuu noqday ayuu soo waday sadax askari oo kale oo qol gooni ah ku qayilaysay, Waxeey soo qaateen buddad iyo ullo waaweeyn, Waxaam la furay albaabkii, aaway ragii foowdada kiciyay ayaa la i weeydiiyay,? Sadaxdii igu xumaysay, iyo sideed kale oo la soo safatay si aad ahna ula qiireysnayd ayaan halhal kuleetiga uga soo qabtay, Markii jaakadaada la baaranayay xagee baad jirtay? Mid ka mid ah askartii baa i su’aalay, Waxan iri: xamaamka ayaan jiray, mana garanayo cida baaratay, Maxaa kaa maqan ayuu i yiri?, Intaan aragoodii ka naxay, ayaan anoo lacag ku sheegan karo, iska daayay, waxan iri, saacadaydi baa iigu daran,.
Siddeedii an tilmaamay, Waxaa loo garaacay, sidii geel beer daaqay, Waxaana lagu amray ineey saacada soo saaraan, Waa la baaray, waxaana laga helay lacago sacuudiyaan ah, oo eey ku wateen jeebabka matantahooda, Kan uga yar baa lix boqol sacuudi ah laga qaaday, Askartii oo hunguri galay, ayaa ku dartay, tobankii kale in baaritaan lagu sameeyo, Kii ila saftayse waan ka celiyay oo waxaan u sheegay inuu Soomaali iyaga la ceeshtay yahay, Saacadaydii mid baa fataq iska soo siiyay, isagoon la arkaynin, waase goor eey goori ka tagtay, oo laga qaatay in ka badan Kumanaan sacuudi ah, iyo lacag itoobiyaan ah.
Markii uu howgalkii dhamaaday, Ayuu askarigii igu yiri, Soomaalida dalkan lagama tarxiilo, laakiin itoobiyaanka waxeey leeyihiin dowlad sidaasi daraadeed ragan waa la tarxiilayaa, waxaana loo gudbinayaa, qaybta immigrationka, Aniga iyo midkii aan soomaaliyeeyay ayaa meel gooni ah, nala seexiyay, Subixii danba ayaa naloo qaaday qaybta immigrationka, Waxaa halkaasi dadka ku kala saaro niman afsoomaaliga yaqaano, Ninkii saaxbkay ahaa ee aan rabay inaan ka reebo, waa eey u suurtagali waysay, Xitaa waxuu igu yiri waxaan dhiibayaa 200 oo dollar laakiin cidi dhag jalaq uma eeysan siinin, waxaana nalugu kala xiray laba meelood oo kala duwan.
Waxaan ugu tagay shan kale oo soomaali ah, oo halkaasi dhowr bilood ku xirneyd, Kuwaasoo lala sugayay in qof lixaad ama todobaad u yimaado, si farriin loogu diro, UNka oo soomaalida damiimn ku soo daayo, ama bixiyo qarash loogu celiyo xera qaxooti oo ku taalo saxaraha fog, Subixii danbe ayuu kormeerkii noo yimid, Waxaana naloo sheegay, in naloo qaadayo xeradii qaxooti ee aadka u fogeyd, Gaari biijood ah, ayaa soo istaagay iyo laba askari, Lixdeeniina waanala saaray, Markii aan xabsiga ka soo baxnay, Wilina aan magaalada dhaxsocono, Ayeey askarigii iyo darawalkii is fahmeen, Ragan haddaan sii dayno, illeeyn waxeenii waan wadanaaye, kana baaqsano Safarkan cadaabka ah, Maxeey kula tahay ayeey ayuu darawalkii askarigii ku yiri, Askarigii oo riyaaqay fikirkaas qabowga wax lagu cunayo, ayaa yiri, Ma xumo Laakiin lacala haddii mar kale la qabto, waa ineey cadeyn karaan inaan innaga geeynay, Xeradii qaxooti oo eey iskood u soo noqdeen, ayuu ku marmarsiyooday askarigii, Lacag aad Bl ku raacdaan ma wadataan? Ayaa nala su’aalay.

La soco Q5AAD.

W\Q; Saciid Muuse Axmad  (Ustaadka)

SHEEKOOYIN