Xabsi-Doon QA6AAD W/Q. Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

Sac

Xabsi-Doon QA6AAD

Waxuu yidhi janaqoow.

Waxaan la iga dajiyay garoonka Aadan-Cadde ee muqdisho, Waa xilligii uu Shariifka madax waynaha ahaa. Muqdishana waxaa ka jira isgaad gaad u dhaxeeyo Dowladda iyo Shabaabka.

Aniga waxan ahay qabar moog dalkana waxaan ka maqnaa 7sanadood, Si an aqbaar weydin reerki ah, u galo ayaan soo aaday Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Muuqaal ahaan waad dareemaysaa in aan ahay, nin ku cusub deegaanka,Qaabka aan u labisanahay iyo mushakalka iga muuqdo aawgeed qofkii ii eego horay ayuu ka fahmayaa in aan soo galooti ahay.

Daqiiqado yar markii aan bakaaraha dhax wareeganayo wilina aanan arag qof aan garanayo, ayaan waxaan hal mar dareemay laba nin oo garbaha iga soo kala istaagtay, caarrada bistoolada ayaa dhabarka jug ka iiga siiyay, Waxaana cod hoose la igu yiri” Hortaada u soco” Waan naxay, Hal mar ayaan gariiray, In aan qaylina waa ii suurtagali waysay naxdin awgeed, Waxan falay sidii la igu amray, labada dhinacna waxaa iga socda labadii nin ee hubeeysnaa.

Jid cadayaal is dhaafayo ayaan ku nimid, markaasaa la i yiri, kan bidix raac, sidaa baa la ii soo hagayay, anoon ujeedin cida iyo wadato iyo sababta la igu wato toona.

Waxan ku nimid Iskool Jajaban oo aan bakaaraha ka fogeyn, Iskoolka ayaa la iigu leexiyay, Bisinka waan aqaanaa iskoolkan waxuu ahaan jiray kawaan dadka lagu bireeyo, Waan xasuustaa in aan dhowr mar ku arkay, dad mayd ah oo lagu dhax dilay, naxdin aawadeed ayuu midabkaygii is badalay, Raga mid ka mid ahna waxuu ku soo celcelinayaa, “War ninka Boobsii” Kan kale oo naxariisi ka muuqatayna waxuu leeyahay” U sug aan hubsanee”
Dhowr mar ayeey hadaladaasi is dhaafsadeen, anigase, waaga ayaa igu baryay xitaa ma ogi cida i haaysato.! Iyo sababta la ii haaysto toona.

Waxaa la i dhax geeyay iskoolkii, fig ayaa la ii xiray waxaana la igu xirxiray Taayar meesha yiilay, Markaas baan ku qayliyay, wallaalayaalow maxaad igu haaysteen? markuu hubsaday inaan si fiican u dhuuqsanahay, ayuu mid hadloo yidhi,” Wax badan ayaan ku raadineynay, Maanta ayaadse noo soo gacangashay, Alxamdulilaah!

Xageed iga raadiseen maxaanse bi’iyay ayaan si calooljileecsi leh u iri, intuu bistooladii madaxa iga saaray ayuu yiri, Waxaad noo sheegtaa Taliyaha aad la shaqeyso iyo cida bakaaraha kuu soo dirsatay? waxan irri walaalow waxan ahay Tarxiil hadda sacuudiga laga keenay, Saacado ayaan wadanka joogaa, Fiiri oo hubso waraaqaha jeebkayga ku jiro oo back hoomki ah.

Xilli uma hayno, beentaasna horaa naloogu soo aqriyay, Ee ninyahow ma sheegtay taliyaha aad la shaqeyso mase waan kuu nasteexeynaa(dilnaa)­ ayuu igu yiri, intuu laba talaabo gadaal iiga dagay, Kii kale oo awalba dhararsanaa Nolosheyda ayaa isla kalmadii ku soo celiyay”War ninka Boobsii”

Hal mar ayuu dhidid waaweeyn iga soo daaday, Waxaanan ogaaday inaan gacanta ugu jiro” Alshabaab” Waxan ku calaacalay walaalayaalow, Illaaha kacbada iska leh yaan idinku dhaariyee, bal marka hore soo saara oo aqriya waraaqaha jeebkayga ku jiro, Iyagaa cadeyn idiinku filane! dabadeedna i dila haddaad rabtaan.

Sidi baa lagu soo saaray waraaqahii Weyna aqriyeen, Mase ku sabrin oo waxey dhaheen, Ma aha wax hadda ah, Nasiib wanaag waxaa u soo dhacay telfan, talafankii ayuu ku hadlay, midkii yara darajada sareeyay, ee aan hubsano lahaa, Sida aan ka dhadhansaday hadalkiisa waxuu la hadlayay nin isaga ka sii sareeyo oo uu amiir lahaa, Waxuu u sheegay in eey hayaan nin lagu tuhmayo in dowlada u shaqeeyo, Wadahadal daqiiqado qaatay, ayuu ninkii madaxda ahaa yiri, ii kaadiya aan imaadee, sidi baa inyar la iiga kala dagay,

Waxan ku xiranahay qoraxda anoo feero qaawan oo garba duub taayar ugu dhax jiro, Waxan ku talamayaa, Natiijada ka soo bixi doonto ninkaa soo socdo, Hoosna waxaan ka aqrisanayaa Yaasiinka oo aana kala garaneynin meesha uu ii marayo, mar walba dib baan ka soo bilaabaa.

Waxaa soo galay ninkii madaxda ahaa, Saan markuu isha ii saaray, Ayuu intuu labadii nin ku jeestay, ugu hambalyeeyay howlkarnimada eey igu soo qabteen, Markaasuu intuu ii jeestay igu yiri, Sidan ma waxaad ugu naaxday Xaaraantii? intuu qoslay ayuu ii raaciyay, Maantaa kuugu danbeyso Dad aad dhibto oo waa lagaa reysanayaa, Waana laguu nasteexaynayaa.

Hal mar ayuu wadnaha i istaagi gaaaray naxdin aawgeed, markaasan ku qeyliyay, Waraaqahayga waa kuwaas ama i dila ama i daaya, Adinkeey idiin taalaa, Anniga oo aad moodo inaan nafba ka sabray.

Waaba sii indha adagyahay, intuu yiri, ayuu Mar kale, ayuu ninkii madaxda ahaa waraaqahaygii eegay. intuu igu soo jeestay ayuu yiri, Kama danbays waxaad haaysata shandaqiiqo, Laba aan kuugu nimaado
1. Taliyaha aad la shaqeeyso Magaciisa iyo howgalada aad fuliso
2. Ruux aad Suuqan bakaaraha ka taqaano iyo magaciisa oo sadaxan.
Intaa markuu yirina waxuu gacanta u haatiyay labadii nin ee i soo qabatay, meel aan iga fogeyn ayaan showr lagu galay.

Waxan raadiyay qof aan bakaaraha ka aqaano, Waxan soo xasuustay Nin aan qaraabo ahayn oo ganacsada ahaa, Waxan haddana ku laba shakiyay “Billaa uu taliye noqday oo uu dowladaba la shaqeeyaa oo aad sidaas ku jiidataa, Anigoo wali fikirsan Ayaan ka war helay,
maanteey ku keentay, Soo daa Jawaabaha labadii su’aalood Midkood.

Hadalkii ayan ku margaday oo waxaanba ku sigtay inaan iloobo magacii aan dhowr daqiiqadood ka hor soo xasuustay, Kaasoo aan wili la hubin inuu dowlada kka mid yahay iyo in kale.

La soco Q7AAD.

W/Q. Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN