Xadaaradihi la soo maray Q.1aad. W/Q. Ahmed Hayow

quotescover-JPG-63

 

Markaad dib u fiiriso isbedelada Ummadda Soomaaliyeed ay soo martay, waxaa kuu muuqanaayo inuu jiro isbedel weyn oo saameyn ku yeeshay.
Waxaa la soo maray xadaarado kala duman markaan mid mid u dul istaagno, oo aan ka billoowno xadaaradi gobanimodoonka ilaa xurnimada laga qaato, waxay aheyd xadaarad ay hor kacaayeen dad fara ku tiris ah oo dibadaha wax ku soo bartay iyo in yar oo gudaha wax ku bartay, kuwaasoo uu mabda’oodu ku saleysnaa iska dulqaada gumeystaha oo kali ah, laakiin aanan diyaarsan qorshayaal ka dambeeya iyo sidi ay uga hortegi lahaayeen caqabadaha ka hor imaan kara, middaana waxaa u wehlisay qibrad la’aan (maamul iyo maareyn) labadaas oo aan kala maarmin, waayoo marki aad hadaf tiigsaneyso wuxuu u baahan yahay marka aad gaarto inaad hanato, laakiin haddana Isbedel ayaa ku dhacay dadkii Soomaaliyeed, isbadelkaas oo ah inay ka bexeen gacanti gumeystaha oo ay u madax banaanaadeen Aaya ka tashigooda.
Waxay shacabku ku indha furteen, dastuur uu uga tegay gumeystihi dalka haaystay, dastuurkaas oo ku qornaa af Talyaani, waxaana wax lagu baran jiray luqadaha qalaad, koofurta oo luqada Talyaaniga wax lagu baran jiray iyo waqooyiga oo luqada Ingiriiska wax lagu baran jiray, waxaa soo raaca in yar oo luqada Carabiga wax ku baran jiray, haba u badbnaadeen diinta islaamka.
Inta ay gumeystayaashu joogeen, ma aanay qorin luqada Soomaaliga, qoris la’aantooda waxaa sii raacsaneyd inay diideen far Soomaali ay dad Soomaaliyeed sameeyeen, kuwaas ku qornaa farta laatiinka (Latin Letters) iyo kuwa ku qornaa farta carabiga (Arabic Letters).
Xadaaradi 60ki ilaa 70kii waxay noqotay mid ku saleysan inuu qofku tiigsado siduu ku noqon lahaa shaqaale Dowladda u shaqeeya, ha ahaado Dhar cad ama Ciidan, kuwaasoo lagu heli jiray si dhib leh, waxaana dhici jirtay markii Ciidan laqoraayo intay dadku soo saftaan, markaana intii la dhexgalo laga soo xulan jiray kuwa dhaadheer oo xoogga leh, taasoo ragga qaarkii intay Carro tuulaan ku dul istaagi jireen si loogu yeero, halka shaqaalaha dharka cad looga baahnaa inuu wax soo bartay, walow ay iska jireen musuqmaasuq iyo qaraabo kiil lagu heli jiray, kuwaasoo ah cudurka aan weli daawada loo hayn.�
Dhanka koofurta Soomaaliya waxay inta badan qurbaha u aadi jireen dalalka Kenya iyo Ethopia, halka waqooyiga Soomaaliya ay inta badan ka aadi jireen Yemen iyo Cumaan, haddana dadka koofurtu markay fogaadaan waxay gaari jireen Roma Italy, halka dadka waqooyigana ay London UK ka aadi jireen, taasoo sabab u aheyd cidda ay gumeystaha u ahaayeen oo ay xoogaa afgaraanaayeen ama dhaqan yaqaaneen.
Dadka qurbaha aada inta badan waa laga samri jiray, waxaana la dhihi jiray hebel East Africa ayuu aaday, wax raja ahna lagama qabi jirin, inkastoo kuwa aada Italy iyo UK ay in yar oo fara ku tiris ah wax ka soo baran jireen, intooda badan ay ku dhex milmi jireen dhalankeedka Qurbaha.�
Xadaarada dhoofka Khaliijku waxay xoogeysatay dhamaadki 70ki, waa waayihii (dhoof caashaq) uu billowday kaasoo dhaqaale fara badan watay (Jannaale) waagaas Baasaboorki loo yaqiinay madoobe dheere qofkii helaa, wuxuu ahaa qof helay furihi dhaqaalaha, haddii loogu daro fiiso Saudi ahna waxay u aheyd (laf dhuux leh iyo dhagax leysla helay) waa waagii ay nagu soo bateen gawaarida loo yaqaan Xaajiyo Khamsiin,Koostar iyo Caasi, magaalooyinkana ay ku soo bateen Biibito, Bacadle iyo Warato, lacagta adag (hard currency) waxaa lagu kala sarifan jiray suuqa madoow, waxaa nasoo galay waxa loo yaqaan Faalsada, sida Iqaamo faalso ah (Suuqa Cadalla Shideeya) waxay aheyd xadaarad keentay ilbaxnimo waalan oo loo yaqiin Shul ama Shal oo ah guul ama guuldarro, waxaa la arkay lacag Doolar ah, mid Riyaal Sucuudi ah iyo Diinaarka, waxay noqotay xadaarad dhaafsiisan Bariga Afrika iyo Yaman oo aan waxna laga keeni jirin, qofna ka soo laaban jirin, laakiin xadaaradaan waxaa ka soo laabteen kuwo dhaqaale wata iyo kuwo aqoon wata, kuwaas oo dadki saameyn ku yeeshay.
Jannaale wuxuu noo keenay sicir barar iyo qiimadhac ku yimaada Shilin Somaliga, kaasoo qiimaha halki doolar uu u dhexeeyay min 6 shilin ilaa 20 shilin oo Soomaali ah, marka laga soo billaabo 1960ki ilaa 1973ki, doolarkaas ayuu qiimihiisu gaaray inuu cagaha geliyo 300 shilin halki doolar, taana waxay sababtay maciishadi oo qaaliyowday iyo wax kasta oo cirka isku shareeray, walow ay faa’iidadoodu ay badneyd, haddana khasaarohooda ayay wateen dhanka dhaqaalaha, laakiin markaad fiiriso dhanka fufka (Qurbaha) waxay Janaalayaashu gaareen inay soo sahmiyaan wadamo kale, sida Kuweyd iyo Ciraaq oo halkooda Diinaar uu sedax doolar iyo bar ahaa, ka dibna ay billaabeen inay u sahan tagaan Yurub, gaar ahaan wadamada loo yaqaan Scandinvanka oo lagu soo dhaweeyay lacagaha ceyrta la siiyo, Xadaaradaan oo ah tii Qaxootinimada.

La soco qeybta…….2aad.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.