Xadaaradihi la soo maray. Q.2aad W/Q. Ahmed Hayow

quotescover-JPG-63

 

Kuwa Khaliijka wax ku soo bartay, waxay noo keeneen Xadaarad Caqiideed cusub, waxaa Khaliijka nooga yimid kuwo macalinkoodi dugsiga Quraanka ku haysta caqiido, kuwaasoo Shiikhoodi tafsiirka Quraanka ku haysta sababunuzuulka (sababta ay Suuradu ku soo degtay) kuwaasoo Macalinkoodi Naxwaha Iskoolka ku haysta Icraabka, kuwaasoo Waalidki dhalay ku haysta Asturka ama xijaabka, Khaliijka waxaa ka yimid kuwo Sunadu ay kala weyntahay Fadalka (waajibka) dadka aan ka hadlaayo maaha dad hal Caqiido oo kali ah wata, waa kuwo aan iyaguba isku Cadiido aheyn oo isku hadaf ah, hadafkooduna uu yahay isbedel caqiiqeed, waa dad kala firqa ah, laakiin ka soo wada horjeeda dariiqooyinka diinta ka wakiilka ahaa, dariiqooyinkaas oo laftooda iska soo horjeeday.

Xadaaradda Fufka Qaxootinimada waxay billaabatay dabayaaqadi 70ki ilaa hadda la joogana way socotaa, waagaas Qofkii loo soo sheego saaxiibkiis inuu lacag ceyr ah ka qaato Sweden ama Danmark, wuxuu subaxaas aadaayay Hotel Shabeele gaar ahaan (Jiiro Norway) si uu macluumaad uga soo helo, wuxuuna soo uruursan jiray qaabka (kaartada) loo maro Cayrtaas ay bixiyaan Yurubiyaanka, taasoo ah mid loogu talagalay inaanu qofku dib dambe wax ugu qabsan, balse Soomaalida xoogaa faa’iido (Advantage) ah ay ka heleen, inkastoo khasaarahooda (Disadvantage) uu hadda soo muuqdo, waayoo wax kasta waxay leeyihiin faa’iido iyo Khasaaro, kolay ku tahay Daawada loo qaato in lagu caafimaado, sababta oo ah waxaad dareemi kartaa inay ujeedo ka dambeyso iyo inaan cidna dan la’aan wax kuugu qabaneynin.

Waxaa ku bixi jiray lacago fara badan, mararka qaarkoodna waxaa dhici jirtay in lagu khasaaro, waxayna aheyd mid u dhexeysa guul iyo guuldaro, dhibaatooyinka jiray waxaa ka mid ahaa, lacago badan oo ay la goosan jireen mukhalasiinta soo dhammeeya howlaha safarka, sidaa oo ay tahayna dhallinyaradu kama daali jirin inay mukhalas kale raadsadaan.

Sheekooyinka iigu yaab badnaa waxaa ka mid ahaa, wiil soo dhaweeyn jiray laba wiil oo ay saaxiibo ahaayeen, ayaa waxaa dhacday inay dhowr habeen ka soo laabteen garoonka diyaaradaha, ayagoo ka cabsi qabay inuu qorshuhu fashilmo, gabar ay isku xaafad ahaayeen ayaa wiilki waydiisatay inuu u soo dhammeeyo leynka ay ku baxaayaan labada wiil, markuu mukhalaska u noqday wuxuu ka qaaday lacagta laba baasaboor oo uu mid ayada u soo dhammeeyay, wuxuu ka qaaday lacagta bugta fiisaha Romaaniya oo cabdala shideeya laga sameeyo oo laba baasaboor ah, wuxuuna ku soo dhuftay labadi baasaboor, wuxuu ka qaaday lacagta tigidka iyo lacagta shuudka garoonka, wuxuu u yimid maqribki wuxuuna ku yiri: “sitimaankaan wuu buuxsamay, waxaa lagugu daray dadka sitimaanka dambe diyaarada ku qoran, sidaa daraadeed berri subax ayaan tigidki kuu keenaa” habeenkaas wuxuu garoonka u raacay saaxiibadiis asagoo aan waxba u sheegin, markay garoonki tageen ayay ku yiraahdeen “caawa xaaladu waa halis, waxaa garoonka jooga gaafoow” wuxuu ku yiri: “caawa ma idinla laabanaayo oo in aan laabto ii noqon mayso, waxaan idinka rabaa inaad Saciida u sheegtaan inaan Norway aaday iyo inaan lacagteeda sida ugu dhakhsaha badan ugu soo diraayo” wiilashi oo la yaaban ayuu jeebka kala soo baxay baasaboorki iyo tigidki, wuxuu habeenkaas ka duulay garoonka, markuu Norway galayna dhallinyaro badan oo ay ka mid ahaayeen qaar saaxiibo la ahaa, ayuu sheekaduu ku soo baxay uga sheekeeyay, isla markiiba waxaa loo arruuriyay lacag uu u diray Saciida, ayadana waxaa u dhinaa tigidhka iyo lacagta mootinta garoonka, isla sitimaanki ku xigay ayay Norway gashay, sheekadoodana waxay ku dhammaatay inay isguursadaan.

Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan, waxay ka mid yihiin sheekooyinka waalida qaxootinimada, taasoo ah midda noo saadaalisay qaxa iyo qaxootinimada, kadib markii ay billaabatay Xadaaradi Jabhadaha.

Xadaaradda Jabhadaha waxay billaabatay dhamaadki 70kii ilaa 2005ki waagaas waxaa sida Biibito loo furtay Ururo wata magac Jabhado Gobanimodoon ah.

Waxaana u sabab ahaa, markii laga soo laabtay dagaalki 77ki wixii ka dambeeyay waxaa lumay kaladambeynti, gaar ahaan tii Ciidamada Qalabkasida, sarkaalki wuxuu waayay salaanti uu ka mudnaa Saraakiil xigeenada iska daaye Askarita hoose, taasoo sababtay inay Ciidamadi gadoodaan, Saraakiisha qaarkoodna ay baxsadaan, Wasiiradi qaarkoodna dalkaba isaga tagaan, ujeedada ay lahaayeen waxay aheyd inay Dowladnimada majaxaabiyaan, manajirin qorshe istaraatiijiyad degsan, taasoo loo diyaariyay dowlad ay soo wadaan, waxay iska aheyd Jaantaa rogan iyo Sarkaal hebel ama Wasiir hebel wuxuu sameystay Urur mucaad ah ee adiguna sameyso, taasoo aan ka marneyn Reer hebel waa kuwaa Jabhadeeyee aan annagana Jabhadeyno, jabhad walibana waxay laheyd waxaan raadinaa xuquuq naga maqan, ururadaas oo aan isku mabda’ aheyn, laakiin isku hadaf ah, kuwaasna waxay la yimaadeen saameyn ay ku yeesheen dadka Soomaaliyeed.

Xadaaradi jabhadaha iyo duulaanki la dagaalanka dowladda, wuxuu nabaray dhawaaqa rasaasta iyo magacyada qoryaha iyo abtirsiinyadooda, waxaan ka dhaxlnay dowlad la’aan iyo AK47 laba qasnadood ku xiran yihiin iyo (Janaaloow ka buldheh, Jabhadaa yimide) dadki waxaa ku dhacay isbedel, kaasoo ah qofkii qori qaataa inuu noolaado iyo in layiraahdo “reerka wiilbaa Qori u qaadoo way ladan yihiin” micnahaasoo ah Isbaaraa meel u taal (Bunduq caaradiisaa Biyo lagu cabaayaa) mooryaanki iyo Jirigi ayaa model noqday, waxaa la arkay dhallinyaro lagu qufulay (waxaa la ridaa dowlad) kuwaasoo aan loo sheegin in dowlad loo baahan yahay, kala daadsanaanti iyo hadaf la’aanti jabhaduhu waxay keentay inay iyagu isku jeestaan, kadibna Jabhad kastaa dhexdeeda isku Jihaado, iskadaa inay keenaan nidaam ka duwan dowladi ay xukunka ka tuureen.

Lama dhihin Madaxweynoow xukunka isaga tag oo hebel noogu dhiib, sidi Kacaanki Iran ay u yiraahdeen Boqokoodi Maxamed Razi Bahlaawi “naga tag oo Aayatullah Khumeyni xukunka noogu dhiib” Xadaaradii jabhadaha waxaa ka dhasheen Hogaamiye Kooxeedyo fara badan oo qaarba qeyb ka taliyaan, taana waa billowgi Xadaaradi Hogaamiye Kooxeedyada.

 

La soco qeybta …..3aad.

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.