Xal iyo Xigmad| Faallo Kooban W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye

  • Xal iyo Xigmad| Faallo Kooban W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye

Dhiganaha Xal iyo Xigmad oo aan oran karo waa dhaxalreeb sida dhambaal dhaqan oo uu qoray mudane Daahir Axmed Jeyte soona baxay sannadkii 2021, markii aan akhriyay ayaan go’aansaday inaan bulshada la wadaago dulmar kooban oo ku saabsan milicsigaygii.

Ugu horreyntii waxaa aad iisoo jiitay sida loo xardhay galka buugga oo aanan abid hore u arag buug sidaas loo xardhay, balse markii aan guda galay dhiganaha akhrintiisa ayaan ka ogaaday gogoldhigga hore oo uu qoraagu uga hadlay waxa ku dhaliyay dhigidda buugga oo uu ku sheegay in murtida buugga inteeda badani tahay casharradii uu aabbihiis siin jiray ee falsafadda nolosha iyo murti jaceylka ahaa oo isaga u noqotay waxbarasho ka sarreysa tii uu dugsiyada iyo jaamacadaha ka bartay. Taasi waxay i sii jeclaysiisay inaan mowjadaha murtida buugga hore u maquurto. Qoraagu wuxuu buuggan ku soo ururiyay boqol sheeko xigmadeed oo dhanwalba oo nolosha ah kaa siinaysa sawir guud sida dhaqaalaha, siyaasadda, guurka, garnaqsiga, samafalka iyo hannaanka hufan ee xigmad xal ku raadinta.

Waa hab sheeko oo ku cusub sheeko qorista Soomaalida. Waa mid u dhaxaysa sheekada dheer iyo sheeka xariirada gaaban. Waa sida casharro sharraxaaya murtida oo haddiii si kooban loo sheego ku adkaan lahayd dad badan, haddase akhristuhu uu si dhib yar u dhuuxi karo nuxurka sheekada. “Nin xogtaada ogi kuugu xoorxoor” ayaa ka mid ah hees-hawleedka xoolaha lagu waraabiyo, waxaan dhihi karaa qoraagu waa xog-ogaal aad ugu fiirsaday gunta aramida ummadeenna isla markaasna xal-raadis ah. Sheeka kasta oo buugga ku jirta marka aad akhriso waxaa kuu muuqanaya dhibaato iyo boog ay daweynayso.

Sheekooyinka ku jira ee bulshadeenna maanta si toos ah sawir uga bixinaya waxaa ka mid ah sheekada “gacmo wadajir bay wax ku gooyaan” oo qoraagu dulucdeedu ku soo koobay “in midnimadu awood tahay, kala tagguna ba’ yahay” iyo “ shabeelkii anbaday” oo ah sheeko warineysa in shabeel yar isaga oo hurdaya hooyadiis ka tagtay sidaasna ku anbaday, muddana la noolaa ari, dhaqankiisina sidaas ku doorsoomay. Waa sheeko laga baran karo in aan lagu milmin cid aan kugu senji ahayn oo lagaba yaabo inay kaa liidato. Sheekadaan iyo kuwa la mid ka ah waxaan ku talin lahaa in lagu turjumo afaf kale si ay uga faa’iideystaan ilmaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha lana nool dad ay kala diin, midab iyo dhaqan yihiin. Kuwaas oo aad ugu baahan inay dhowrtaan dhaqanka, afka iyo diinta haddii kale noqon kara sidii shabeelkii rida is mooday.

Sheekooyinka buuggaan waxay kaga duwan yahiin sheekooyinka dheerdheer sida sheekada “horor iyo kalgacal” iyo sheekadii “maana faay” oo mid weliba buug gaar ah laga dhigay, in qoraagu u soo gudbiyey si kooban oo akhristaha kolba dhan ka tusaysa danta iyo duruufaha ku xeeran nolosha iyo dawga ugu sahlan ee loo maareyn karo danta qofka iyo tan bulshadaba. Waxaa hubaal ah in akhristaha dhuuxa murtida ku duugan buuggaan uu ka korosan doono garaad iyo waayo-aragnimo mugweyn oo u sahli doonta maaraynta arrimaha murugsan, sarena u qaadi doonta maaweelinta iyo maad ku jalbeebinta dadka kale.

Buugga “Xal iyo Xigmad” waxaan u arkaa mid ku soo beegmay goor loo baahnaa iyo mid ku habboon gacanqabsi iyo in uu gurigaada yaallo. Waa dhigane uu qofkasta iska helayo yar iyo weyn, rag iyo dumar. Waa buug weeleynaya af, aqoon iyo ilbaxnimo ummadeed. Wuxuu da’yarta ku biirinayaa aqoon kordhineysa garaadkooda una sahlaysa sidii ay ula falgeli lahaayeen nolosha oo ay u awoodi lahaayeen horseedidda isbeddel dhab ah oo iyaga waxtara dabadeedna bulshada inteeda kale.

Arrinka keliya ee aan qoraaga ku dhaliilayo waa in uusan akhristaha wax u hambaynin, waxaan ula jeedaa sheeko kasta wuxuu gadaal ka raaciyay duluc kooban, taas oo ahayd in loo daayo akhristaha. Waxaase laga yaabaa in qoraagu ku dadaalayay in dhallinyarada aan akhriska caadaysan uu si kooban ugu soo bandhigo dulucda sheekada iyo weliba farriintiisa. Waxaan ku bogaadinayaa qoraaga dadaalkiisa mira dhalka noqday, guulna u horseedi doona dad badan maadaama uu aqoon iyo murti baaxad weyn ugu deeqay si sahlanna ay uga faa’iideysan karaan dhiganahan qiimaha badan.

W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye

Bare, qoraa iyo tababbare
kulmiye 788@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.