XALKA GAALKACYO.
Ceebla oo ku nool koonfurta Gaalkacyo ayaa waxay qadka taleefoonka iskala hadleen Cawrala oo deggan Waqooyiga magaaladaas, waxayna labadan hooyo ahaayeen saaxibbo isku fasal ah xilligii dugsiga, hoose dhexe iyo sare (Berisamaadkii).Waxay isku af-garteen in colaadda dadka ku baaba’aya ay iyaga kasoo go’aan, naxdinta, ciilka iyo murugada ugu badanna ay iyagu dareemaan.Waxay qorshe nabadeyn ah ka billaabeen aqalladooda, carruurtooda ayeyna u sheegeen dadka la’anaya in ay yihiin walaalohood iyo waalidkood, oo ay tahay in ay ka qeyb qaataan baajinta dhiigga daadanaya.
Ubadkii waxay dhambaalkaas u gudbiyeen wiilashii hubka heystay ee iskasoo horjeeday, iyagana waxa la weydiiyey “Soomaalidu in ay badato oo ay ammaan isa siiyaan, oo ay isaga filnaato shisheeyaha kusoo duulaya, iyo in ay is dabar jarto oo ay is baabi’iyaan,, cadawgooduna uu ka faa’ideysto dagaallada dhexdooda ah, oo uu gumeysto, si dadban ama si toos ah, kee baa nala gudboon?”.
Wiilashii dhallinyarada ahaa ee is hor-fadhiyey iyagoon hadal kale sugin ayey hubkii dhigeen, waliba waxay u geeyeen hubkii dhiigga badan daadiyey labadii haween ee fekerkan lahaa, Ceebla iyo Cowrala, yaa! haa rumeyso iyaga ayey u geeyeen.Buugga saadaashu wuxu sheegayaa in Ceebla iyo Cowrala ay go’aansadeen in ay bohol u qodaan weyn hubkii, rasaastii, iyo gaadiidkii leysku halaagay, goobta laga qoday waa xaggee marka?
Waa meel ammaankeedu sugnaa, dhisan oo aan laheyn daleel iyo baruud dayacan, malaha baqaar ama geerish weyn inan iraahdo ayey ku habbooneyd, kaas oo ay ugu talo galeen in lagu keydiyo oo lagu wareejiyo ciidamo dalka iyo dadka Soomaaliyeed daacad u ah oo qarannimadu ay ku dheertahay.
Ceebla iyo Cowrala waxay isugu yeereen odayaashii, dhallinyaradii rag iyo haween, iyo xitaa ubadkii labada dhinac, waxayna billaabeen in ay u qudbeeyaan iyagoo ku hadlaya afka hooyooyinka.Ceebla waxay tiri “walaashey Cowrala ha iiga horreyso hadalka, iyadaa dhaheysa wixii aan dhihi lahaa iyo wanaag ka badanba”, Cowrala iyaduna sidoo kale ayey tiri iyadoo jecleysatay in ay Ceebla ku horreyso hadalka! dadkii madasha isugu yimi ayaa qoryo-qudco, xarash iyo madax hadba sidad u taqaanno u sameeyay.
Hadalka waxa ku hormartay Ceebla waxay tiri “intii dhimatay innagaa dhalnay, horraantii iyo gadaalba, inta is colaadineysa innaga ayaa dhalnay, haddan nahay hooyooyinka, dad innaga naga qiimo badan oo aad u aargudi laheydeen kuma noola dunidan”.
“anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca hooyooyinka Soomaaliyeed iyo magaciinna idinkoo ah ubad innaga nagasoo go’ay, waxan idinka codsaneynaa, idinka baryeynaa, idinka tuugeynaa, in aadan baroor na badin markale, in aadan ilmadeenna dhulka ku daadin, in aadan gablan naga dhigin”.
Ceebla wey awoodi weysay in ay hadalka sii wadato, waxa soo garab istaagtay Cowrala oo iyana awoodi waysay in ay hadasho oo ay makaroofanka qabsato, taa beddelkeeda waxay is galiyeen laabta, iyagoo is samirsiinaya!
Ilmadaasi waxay yeelatay fasiraad buuxda oo ah “waan gefnay, waan garan weynay ineynu gacal nahay, waan is gowracnay laakiin ma giliilyoon mana damqan, aan wixii hore iska illowno dar ilaah, aynu nabad ku noolaanno”!
Dadkii goobta, cuti iyo cirroole, dhallinyaro iyo dhallaan caloosha ayaa hurtay, iyagoo isu eegin halka ay ka yimaadeen, heybta iyo qabiilka ayuu mid walba kii u dhawaa laabta geliyey oo uu ku ilmeeyay, waliba mid waliba waxa uu ilmada ka tirayey kan kale.
Waxa isla goobtaas lagu go’aamiyey in si isku dhaf ah leysugu guuriyo hablaha yo wiilasha labada dhinac, warkii waa loo riyaaqay laakiin Ceebla iyo Cowrala waxay yiraahdeen “codsi ayaan wadannaa”.
Waxay yiraahdeen “odayaasheennii, nimankeennii (xaajiyaasheennii) dagaalka ayey ku dhinteen laakiin dadka sida isku dhafka ah leysugu guurinayo ha leynagu daro”.Qosol, farxad, is marxabbeyn kadib go’aankaas hoosta ayaa laga xarriiqay, isbaarooyinkii waala qaaday, magaaladu waxay noqotay mid aan kala qeybsamin, waxa sidoo kale buugga saadaashu uu sheegayaa in Gaalkacyo aanay kasii mid noqon wax la yiraahdo Galmudug Iyo Puntland
W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax