Xarafka MA’ W/Q: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Xarafka MA’

Ma ogtahay xarafka (M) inuu koobo wadar guud qaybaha dadku u kala baxo iyo hantida adduun iyo degaan, ee Aadanuhu leeyahay? I la fiiri erayadan;

DADKA;

MUDANE—– aabaha reerka

MARWO——- hooyada reerka

MARRAS——– carruurta iyo wixii hawlgab ah, ee taag daran, oo daryeel u baahan.

MAQAAWIIR— dadka wax garadka ah, oo guddoomin beel ama bulsho gala.

MADAX——– dadka wadar guud u taliya, oo go’aan beel ama bulsho gaara.

MAJO——— dadka wadar guud oo loo taliyo, ee talo iyo go’aan lagu hago.

MADIIDIN—- dadka muruq maal ah, oo xoogsada.

MARTI——– dadka guri aysan lahayn u hoyda; socoto ama soo galootinnimo.

MAGAN—— dadka shisheeye hoostaga, oo u gacangal itaal ama arrimin.

MAGAC—— waxa dhammaan loogu kala yeero, oo lagu ka la aqoonsado walxaha jira; dad iyo duunyo.

HANTIDA;

MINAN—— guriga lagu hoydo, la harsado ama la deggan yahay.

MARASHI—— dharka la qaato, ee la xirto ama lagu xarragoodo.

MASALLE—– waxa la goglado, lagu dukado, lagu seexdo ama lagu nasto.

MAALIS—— wixii wax lagu maalo, sida gaawe, toobte imw.

MAAW ——- wixii biyaha lagu shubto, sida ubbo, aashuun, haan iwm.

MAGAAD—- waxyaabaha kale ee guriga looga adeegto, sida digsi, kirli, kalax, mudac, iwm.

MAAL——- xoolaha nool, sida gammaan, giir, dayli iwm.

MAQAL —- ubadka xoolaha kuwooda gurijoogta ah.

MOOD—– lacag, ganacsi iyo miraha la beerto.

MAGUURTO —- dhismaha aan rarmin iyo beeraha, sida guryaha, bakhaarrada iwm.

MOORO —– xerada xoolaha sida gole, edegso, gaso iwm

 

DEGAANKA;

MIYI—– halka oodatadu degto, ee ay ku nool yihiin xoolalleydu.

MAGAALO— halka albaableeydu degto, oo maguurto lagu haysto.

MAAMUL—- intaas aan ka soo hadalnay sida loo maareeyo.

Intaas wixii ka dhimman ama dheeri ku ah nala wadaag. Mahadsanidin.

W/Q: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN