XARIIRKA BULSHADA & HOGGAAMIYAHOODA
Dhirta baxda waxay u qeybsantaa xidid iyo jirrid, Xididku ma muuqdo oo carrada ayuu ka hooseeyaa, balse, la’aantiis geedku ma sii noolaanayo. Jiridana waxay isku xirtaa xididka iyo qaybaha sare ee geedka oo kala ah laamo, caleemo, ubaxyo, iyo miro, Miraha geedaha ka baxa dhammaantood lama dheefsado, oo qaar baa sun ah, halka kuwana ay lagama maarmaan u yihiin nolosha Aadamiga.
Haddaba, u kuurgal, oo isbarbardhig ku samee dhirta iyo bulshada & hoggaankeeda. Haddaan bulshada ”Shacabka” iyo madaxdooda barbar dhigno dhirta ama geedaha, Geedku wuxuu ka bilowdaa xididka oo ah qaybta macdanta iyo dheefta uu ku kori lahaa siisa geedka intiisa kale, sidoo kale qaybaha sare ee geedku waxay dheefsadaan miro iyo ubaxyo qurux badanna kusoo saaraan macdanta iyo dheefta xididku usoo gudbiyay.
Sitaas lamid ah shacabku wuxuu madaxdiisa u gudbiyaa dareenka iyo rabitaankooda, ay doonayaan in lagu hoggaansho, sidoo kale madaxdu waxay dhiiranaan iyo yididiilo ka helaan baaqa wanaagsan ee aan xanafta iyo xagxagashada lahayn, ee shacabkooda uga yimaada, taasoo u suura gelisa hoggaamiyaha iyo madaxdu ku sifowdo madax wacan oo ummaddooda u horseedda barwaaqo iyo baraare tisqaada oo lagu tanaado.
”BULSHADA WANAAGSAN BAA HOGGAAMIYE WANAAGSAN HANATA”
Bulshada waxaa ka dhasha kana soo dhex baxa hogaamiyihii shacabkaas hoggaamin lahaa. Hoggaamiyahaasi laba ayuu mid noqdaa labadaas oo kala ah:-
- Hoggaan wanaagsan oo bulshada horumar iyo neecaw udgoon u noqda
- Hoggaamiye xun oo bulshada uu horjoogaha u yahay halaaag u hor kaca.
Summadda ama tilmaanta ay labadaas hoggaamiye kala leeyihiin ayaa ah, ”kan wanaagsanaaday wuxuu la meel yahay miraha daawada iyo nafaqada leh ee dhirta laga gurto, halka kan ummadda halaagga u hoggaanshaa uu lameel yahay miraha sunta iyo dhuunkaasha ah ee dhirta qaar ka baxa(Dhiradhabato) isla markaana sida suntu u disho ama u burburiso nolosha naflaha mirahaas cuna ayuu hoggaamiyaha xunna noqdaa sunta sababta burburka Bulshadaas.
Haddaba, Bulshada iyo hoggaamiyahoodu ma kala maarmaan, oo wa dad is leh, hawl-wadaag ah, dan ay ka dhaxeyso.Hoggaamiyahu wa in uu ogsoonyahay adeega bulshada inuu yahay, taladana ay ayagu leeyihiin, isaguna fulinta hawshaas uu leeyahay.
Dhaliisha shacabku waa inay tahay mid wax dhisaysa oo shidaal iyo sahay u noqota hoggaankooda ee aysan noqon dhaliil aan anshax iyo agaasim lahayn oo wax duminaysa ama duminaysa.
Marka ay dhaliisha shacabku tahay mid xushmo iyo tixgelin huwanoo si deggan oo edebsan lagu doonayo isbaddal ama waxqabad waxaaba la siin karaa magaca ”DHIIRRIGELIN” illaa si wanaagsan baa madaxda loogu sheegay wixii laga doonayaye, soo markaas maahan dhiirrigelin???
Habka shacabku ay wixii madaxda ka qalloocda ama laga doonaayo ugu sheegi karaan ama u bannaan ayaaba sidaas ah kaalinta dadweynuhuna waa taas ee maahan cambaarayn, dhaleecayn iyo war-saxaafadeed lasoo saaro ayadoo sharafta iyo karaamada laga xayuubinayo dalka iyo hoggaankiisaba.
Hoggaamiyaha waxaa laga doonayaa inuu noqdo mid shacabkiisa si daacad ah ugu adeega rabitaankoodana uu tixgeliyo oo waxa shacabkiisu ay rabaan yoolkiisa koobaad saara.Haddii ay shacbkiisu ku dhaliilaan mid uusan mudnayn, waa inuu u dulqaato illaa xad, isla markaana shacabka kala hadlo goobaha hanuuninta dadweynaha loogu talo galay si uu meesha uga saaro dhaliishii qaldanayd ee loo jeediyay, asagoo aan wax eedayn ah u jeedinayn qaybta bulshadiisa kamid ka ah ee sida qaldan u dhaliishay.Shaqsi kasta mas’uuliyadda saaran hadduu garanayo is-maandhaaf ma dhaci laheyn, bulshaduna wey caafimaad qabi laheyd, horumar iyo raynrayn ayaanu ku riyaaqi lahayn..
- Haddaba, aqristoow, si bulshada aad ka midka tahay ama aad ka soo jeeddid ay burbur uga nabad galaan ma is weydiisay weydiimahaan hoose, xalse ma u heshay?
- Bulshadaada doorkee ku leedahay.?
- maxay tahay mas’uuliyadda kaa saaran dhisitaanka bulshadaada?
- Hannaankee baad bulshada ku gaarsiin karti waxtarkaaaga?
Sagal Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”
khayro.mohamed@gmail.com