Xarunta Faarax Shuuriye oo Daahfurtay Keydka Qoraa C.Qaadir Aroma

Xarunta Faarax Shuuriye oo Daahfurtay Keydka Qoraa C.Qaadir Aroma

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, ayaa hawada soo gelisay mareeg wata magaca qoraa C.Qaadir ‘Aroma’.

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye oo u taagan sida magacaba ka muuqata hormarinta afka, suugaanta, dhaqanka, taariikhda bulshada iyo wacyigelintooda, ayaa daahfurtay WEBSITE wata magaca C.Qaadir Aroma.

Qoraa Cabdulqaadir Cismaan Maxamauud ‘Aroma’ wuxuu ahaa qoraa iyo suugaanyahan wax badan ka qoray sooyaalka, siyaasadda, dhaqanka iyo maamulka Soomaalida.

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye ayaa ayaa mareegtan ugu talogashay, in lagu keydiyo qoraalladii, buugaagtii, sheekooyinkii gaagaabnaa iyo wax walba oo la xiriira qofnimada iyo waxsoosaarka indheergarad C.Qaadir Aroma.

Marka aad gasho mareegta waxaad daalacan kartaa qoraallo uu qoray C.Qaadir Aroma, wwarbixinno ku saabsan buugaagtiisa iyo sidoo kale barnaamijyo uu ka qaybqaatay iyo kuwa lagu xusay.

Agaasimaha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuri qoraa Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ ayaa sheegay, in mareegta lagu kaydinayo waxsoosaarka C.Qaadir Aroma ay qayb ka tahay waxqabadka Xarunta. http://cabdulqaadiraroma.com

Dhanka kale, wuxuu xusay, in C.Qaadir Aroma ahaa marsoobax iyo barcad oo ka dhexbirqaysa qorayaaasha Soomaaliyeed, siiba kuwooda siyaasadda iyo maamulka Soomaalida wax ka qoray. Intaa wuxuu kale ‘Ina Cubtan’ ku daray, in ay jiri doonaa howlo kale oo ku saabsan C.Qaadir Aroma oo dhawaan la qaban doono, sida ay u jiraan kuwa kale oo weli diyaarintooda iyo la wado iskudubbaridkooda.

Bahda Laashin waxay bogaadinaysaa shaqada iyo howsha baaxaadda weyn, ee ay waddo Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, oo dhab ahaan kaalin hormuud kaaga jirta xarumaha aqooneed ee dalka ka dhisan, anaga oo maamulka oo uu ugu horreeyo qoraa Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ aan hambalyo iyo bogaadin u diraynno. Guuleysta.

SHEEKOOYIN